Shirkad Laga leeyahay Turkiga oo sahamin shiidaal               u timid Somaliland

 

 


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaa le iyo wefti balaadan oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka soo degay Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyay madax ka socota shirkada Turkiga ah ee Jane lle Energy oo dalka Somaliland u yimi sidii ay uga samayn lahaayeen baadhitaanno iyo Saham in Shiidaal.

Wasiirka Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo saf arkooda faah-faahin ka bixiyey ayaa waxa uu sheegay in madax ka socota shirkada magace eda la yidhaahdo Janelle Energy ay asalkeedu tahay shirkad Turkiya oo dalka Somaliland ku cusub oo wada-shaqayn la gashay shirkad Somaliland hore u joogi jirtay ee la yidhaahdo staante Oil, isla markaana waxa uu sheegay inay shirkadan in badan saadaalinayeen goorta ay wax ka qabanayaan Shidaalka dalkeena Somaliland ee lagu tuhmayo inuu ku jiro dalka.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in waxqabad balaadhan uu ka soo socdo shirkadan sidii ay ugu hawl-galli lahayd baadhitaanka iyo sahaminta dalkeena oo bisha 12-aad ee sannadkan ayay bilaabmaysaa shaqadii shirkadani ay waday, iyadoo ay ugu horeyso wax la yidhaahdo garafati iyo Eramaag oo lagu sahaminaayo Diyaaro, taasoo uu ku tilmaamay in shirkadan Janelle Energy ay boqolkiiba todobaatan leedahay oo ay halkan marayaan Madax sar-sare oo ka mid ah shirkadan, waxaanu yidhi. “Waxa maanta (shalay), sharafweyn noo ah inaanu ku soo dhawayno dalka Somaliland Madax ka socota shirkada Janelle Energy oo ah shirkad Shidaalka qoda. Shirkadaasi waa shirkad dalka ku cusub oo la soo gashay shirkad dalka hore u joogi jirtay oo la yidhaahdo astaante Oil oo qayb ka ah.. Shirkadani imika waxay haysataa qaybtii ugu waynayd ee aagaga uu ku jiro shiidaalku ayay ka haysataa.

Shirkadani waa shirkad aas-aasigeedu yahay Turki. Waxayna imika qayb leeyihiin boqolkiiba todobaatan hawl weyn oo balaadhan ayey u socotaa inay ka qabato dalka Somaliland. Baadhista Shiidaalka dalka Somaliland. Waxaana hogaaminaayey weftigan balaadhan John Horst oo ah madaxooda sare ku xi-geenkiisa. Waxa kale oo la socda tiimka saddex Nin oo kale oo ka mid ah madaxda shirkada Janelle Energy. Waxa kale oo soo dhawaynta igala qay b-qaatay Madaxa wakiilka shirkada Somaliland Ibraahin Maxamed Xasan oo shirkada Janelle Energy u fadhiya Dalka Somaliland,” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in shirkadan ay u taallo shaqo culus oo ah in la baadho dhulka oo Miinooyin lagaga gariirinayo dhulka, ka dibna la baadhayo dhulka hoostiisa, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi. “Shirkada sidaan idinku sheegay in badan ayaanu saadaalinaynay xilliga ay wax la qabanayaan Shiidaalka dalkeena Somaliland ee aynu isleen ahay wuu ku jiraa. Waxa farxad weyn noo ah in hawl wanaagsan oo ah waxqabad balaadhan uu ka soo socdo shirkadan sidii ay uga hawl-gallilahayd baadhitaanka iyo sahaminta dalkeena Somaliland. Sannadkan bilaabaysaa shaqadii shirkadani ay waday. Shaqadaas oo ay ugu horayso wax la yidhaahdo Garafati iyo Eramaag oo lagu sahaminaayo diyaarado. Waxa markaas ku xigaaya Bisha labaad ee sannadka soo socda ee 2013-ka sahaminta la yidhaahdo saysmiga oo ah shaqo aad u culus oo ah in la baadho dhulka oo minooyin lagaga gariirinaayo dhulka oo markaas la baadhayo oo macaluumaadkaas laga helayo dhulka hoostiisa meelaha ugu fiican ee wax laga helayo in la baadho.”

“Sannadka soo socda waxaanu filaynaa in shirkaddu imika nidaamka u yaalla inay qorshayso meelaha ay ceelasha ka qodi lahayd. ceelashii ugu horeeyay ee intaynu gobanimadii la soo noqonay laga qoday dalkeena ayaa la filayaa markaa inay qorsheyaan meelihii laga qodayey. sannadka 2014-kana waxaanu rajaynaynaa in ceelashii shiidaalka ee ugu horeeyay oo ah sahan shiidaal in dalkeena shidaal laga helo ama laga waayo Insha-Allaah waxa laga yaabaa in dalkeena laga helo shiidaal oo ah wax Ummadda reer Somaliland gaadhsiinaya mustaq-bal fiican oo anagu mar walba waxaanu ku jirnaa dedaal ah sidii dalkan loo horumarin lahaa oo ah waxay bulshada reer Somaliland u baahan tahay maanta.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in mashruucani yahay mid balaadhan oo ay miisaaniyad aad iyo aad u balaadhani ku baxayso oo gaadhaysa toddoba iyo sodon milyan oo doollar, waxaanu sheegay inay aad u rajaynayaan in dalka Shiidaal laga helo. “Marshuucan maanta ay bilaabayso shirkadani waa mashruuc aad iyo aad u balaadhan oo ay miisaaniyad aadiyo aad u farabadanina ay ku baxayso. Waxa la rajaynayaa in sannadka soo socda ama inta sannadkan ka hadhay lacag gaadhaysa todoba iyo sodon milyan oo doollar. Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsannahay in dalkeena laga helo shiidaal oo aynu ku najexno,” Ayuu yidhi Wasiirku.

Mrs.John Horst oo ah Madaxa weftiga balaadhan hogaaminaya ee shirkada Janelle Energy ayaa isaguna sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maanta yimaadaan Somaliland, waxaanu u mahad-celiyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland Sida wacan ee ay u soo dhaweyeen, ayna uga mahad-celinayaan sida Somaliland loogu soo dhaweeyay, waxaanu yidhi.“Waxaan aad iyo aad ugu mahad-cilinayaa sida wacan ee ay noo soo dhaweyeen Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland. Iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxaan rajaynayaa inaanu hawsha halkan aanu u nimi maanta ay tahay sidii Somaliland uga baadhilahayd shiidaal oo aanu rajaynayno inaanu ku guulaysano hawlaha baadhista ee sahaminta shidaalka,” Ayaa ka mid ahaa hadalladii John Horst.

Ibraahim Maxamed Xasan oo Wakiilka Shirkada Janelle Energy u fadhiya dalka Somaliland oo isaguna ka hadlay ayaa sheegay in badan la sugaayey sidii shiidaalka dalka ku jira loo ogaan lahaa, laakiin ay maanta ugu dhawdahay, waxaanu yidhi.“In doora ayaa la filayey oo la lahaa shiidaal ayaa la soo saarayaa ama la baadhayaa, hadda oo ayuun bay ugu dhawdahay sida ay Madaxda iga horaysayba sheegtay Wasiirka iyo John Horst. Sannadka soo socda ayey ha wsha badideedu qabsoo maysaa. Waxaana loo baahan yahay inaynu dhamaanteed is gara bgalno oo aynu gacmaha aynu is qabsano sidii dalkeena uga shaqayn lahayd horuma rkiisa.”
 

 


Cumar Maxamed Faarax