Shirka Wadada ee Barrito: Ogaysiis ku Socda Jaaliyada Somaliland ee Reer Bristol

 



Asalaamu Calaykum

Waxa aanu si sharaf leh uga codsanaynaa Jaaliyada reer Somalilansd ee ku dhaqan Magaalada Bristol iyo Nawaaxigeeda inay nagala soo Qayb galaan Shir aad u Qiimo badan oo loo Qabanayo Dhaqaale Ururinta Wadada dheer ee iasku xidha Gobolka Togdheer iyo Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Shirkan waxaa ka soo qayb gali doona Masuuliyiin Sarsare oo ay hor kacayaan Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cadami oo ay weheliyaan Wasiirro, Xildhibaano, Danjirayaal iyo madax badan oo kala duwan.

Shirkani waxa uu dhici doonaa Maalinta Khamiista ee Barrito oo bishu ay tahay 28ka November 2013. Waxaanuu ka dhacayaa cinwaankan hoos ku qoran;

125 St. Gabriel House. St. Gabriels Road. Easton. Bristol. BS5 0RT

Saacadu shirku dhacayaa waa 5pm ilaa 9pm

Wixii faafhaafhin kala xidhiidh gudiga Qabanqaabada ee ay ka midka yhiin

1.Axmed Cadaadley Mob: 07795431216
2. Axmed Jumca Mob: 07500836945
3.Hanad 07825955849

Waad Mahadsan Tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed