Shirka Soomaaliya Dartii: Mudane Madaxweyne Axmed Siilaanyooy London Ha Tagin ee BUUHOODLE Xoree.


 

 



Salaama Calaykum,

Waxa iyaba waa cawo-daro aduune, maantana lagu muransan yahay oo waliba dadkeena intiisa badanina ay taageersan tahay in ay Somaliland oo aan anigu u qabay inay qaran buuxa noqotay, ku milanto oo ay la meeqaam noqoto maamulada ay jilibada iyo jeesaska Soomaaliya (Somali-talyaani) degani samysteen. Oo iyaba waa darxumo aduune, daaqada laga saarayaa oo aan cidi waxba iskaga tirin go'aankii dadka reer Somaliland uu qaatay 18/05/1991-kii ee lagula soo noqday madaxbanaanida Somaliland ee Burco ka dhacay, iyo kii kale ee ka danbeeyay ee dastuuriga ahaa ee ay dadka reer Somaliland ugu codeeyeen inay ka noqonayaan isku tagii Somaliland iyo Soomaaliya iyo inkale, ee 97% dadka reer Somaliland ka noqosho u codeeyeen!. Ba hadana iyaba waa doqoniimo kugu gaaxatee, waxa la masaxayaa oo la baabiinayaa tacabkii loo soo galay dalkan Somaliland ee 50-ka gu' halgamada kala jaadjaadka ah loogu soo jiray ee loo horay naf iyo maal waxii la hayayba.

Hadalka sii badin maayo ee sedex midh ayaan rabaa inaan halkan ka idhaahdo;

1- Mid waxaan odhanayaa madaxwaynaha dadka reer Somaliland doortay ee hada kursiga ku fadhiya mudane madaxweyne Axmed Siilaanyo; Waxan leeyahay madaxweyne uma baahnid in lagaaga sheekeeyo waxaa yar ee aan dusha ku soo sheegay iyo wax kaloo ka badan oo ku saabsan qaranka Somaliland iyo sooyaalkiisa ama waayahiisaba, waayo ama sababtu waxay tahay? xidigihii ay taariikhda Somaliland intii ay is qoraysay u xulatay inay door wayn ka ciyaaraan samaysankeeda ayaad ka mid noqotay oo nasiibku ku siiyay, oo wax kastaad dusha ka haysaa. Sdaas darteed, hadaba, ha noqon doqontii shuurada ridiqday ridiqday ee naqihii u danbeeyay ka kacday. Ha badin dadkaaga ciil iyo ceeb danbe. Dheg xumo ha dhitaysan aan kaa hadhin. Ha guumayn da' yarta hanka leh ee reer Somaliland oo cadwga ha u jabin.

Ha tagin London oo meel ha la fadhiisan jeesas iyo jilibyo aan u cadloobin qaranka Somaliland inuu la hadlo. Ee taas bedelkeeda si muuqata iyo si qarsoonba uga hawlgal inaad dalka Somaliland oo idil gacanta Jamhuuriyada soo galiso, ha ugu horayso magaalada inta badan xumaha iyo kala dilka dadka walaalaha ee reer Somaliland laga soo afuufo ee BUUHOODLE. Oo hadadan aan qoraalkan wado dagaal u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo dhalinyaro reer Buuhoodle ee walaaladeen ah ee reer Somaliland ee la soo waalay uu ka socdo. Madaxweyne xoree dalka inta ka maqan hana tagin LONDON!

2- Midna waxan odhanayaa Soomaaliya; Soomaaliyaay hadii mar calafku noo kiin galay oo aan idin meherinay, haatan waad naga furan tahay oo 1991-kii ayaan waraaqdaadii ku siinaye raxmadi furan! Waxa uu noqday guurkaasi mid aanaan mahadin oo waxad noqotay Soomaaliyaay (Heblaay) dhasheeda cunto, mudankeeda xumayso oo aan gacal iyo xigaal-toona xeerin. Waxba sheegsheegi mayno ceebahaaga oo gob baan nahaye ilaahay cid ku asdurta ha ku siiyo, anagana hana sudhsudhan mar danbe ee Salaama. FINITO.

3. Dawlad Ingiriis mid baan odhan lahaa; Taariikhdu waxay na bartay inaanad ahayn saaxiib la isku halayn karo, waxanu ka mid ahayn dalalkii xidhiidhka mudada dheer soo jiray aad wada lahaydeen, dib marka sooyaalkaa inoo dhaxeeyay loo daawado wax wanaag ah oo ay arkaan reer Somaliland oo la taaban karaa ma jirto. Sidaas darteed nooma muuqato haatan shirka aad Soomaaliya u qabanaysaa inuu yahay mid ay naruuro haba yaraatee qaranka Somaliland ugu jirto. Adna ninkii aan naqaan baad tahay oo mawqifkaagu waakii hore ee ahaa ''qawda maqashii waxna ha u qaban'' oo aan is bedelin, anagana kaayagu waa cad yahay oo waa ''Somaliland way jiraysaa oo ay joogaysaa inta aduunyada ka hadhay oo dib ugu noqon mayso waxii la odhan jiray Somalia republic. Sidaas darteed aan kala ceeb la'aano, oo hee, LEAVE US ALONE Please.

Gabo-gabo: Mudane madaxweyne qaranka Somaliland iyo dawladiisu uma baahna inay u tagaan shirka London si ay ula hadlaan madaxda imanaysa madasha shirka dadka Soomaalida ah ee tashan kari waayay lagu heshiisiinayo, waayo inagu waan tashanay Soomaaliyana kuma jiro. Waad tagi kartaa hadaad doonto mar kaleba dalalka dawladaha lagu marti qaaday shirkaa ee madaxdoodu imanayso, adoo madaxweyne Somaliland ah oo kali socda oo waad la kulmi kartaa madax kasta, sida hadaba aad adiga iyo xukuumadihii kaa horeeyayba samayseen, markaa yay noqon cudurdaar arintaasi. Hana ku curdin dhadhin Tixgalinta codsiga Ingiriiska qarankan aan dhiiga geesiga hadh iyo habeen ku waraabinayno. Oo Ha tagin madal-ceebeeda shirka London madaxweyne, ee xoree BUUHOODLE iyo inta 3%-ka qaranka ka dhiman.

Ha jirto Somaliland oo Ha joofto.

Cali Cumar Xasan.