Shirka soo socda ee Turkigu ma lagu gaadhi karaa Qorshe
iyo Jadwal cad oo keeni kara horumar intii hore ka xawli
badan?
Mar i dage’ Allah ha dago, mar labaad i dagane Annaa
dagan
(once bitten, twice shy)
By Cali Xaruuri

muddo ka badan laba sannadood ayaa ka soo wareegtay
markii uu bilaabmay wada-hadalada u dhexeeya Somaliland
iyo Somalia, iyadoo kulankoodii u dambeeyey uu DHAWAAN
ka dhacay Dalka Djabouti. Waxana haatan lagu wadaa in ay
mar kale ku kulmaan Dalka Turkiga badhtam aha bishan
february 2015.
Waxaynu soo marnay xilliyo ay Somaliland odhan jirtay
wax wada-hadal ah lama gelayno Som alia. Waxaad mooddaa
in arrimo badan laga soo dabcay,oo waa taa maanta
shirarka la wada fadhiyo.
Dhanka kale waxay Somalia marar badan ku celcelin jirtay
MIDNIMADA Somalia waa MUQADDA S, malaha waxay
garwaaqsatay in mawqifkeedii hore uu yahay mid aan sii
socon karin, oo wa xaad arkaysaa iyadoo heshiisyada
wada-hadalka lagu wada saxeexayo Madaxweynaha
Jamhu uriyadda Somaliland iyo Madaxweynaha D.F. Somalia ,
halkii wahtiyadii hore ay odhan jireen Gobolada Waqooyi
ama maamulka Somalilnad IWM.
Waxaan kale oo Somalia ay la timid mawqif intaas ka sii
dabacsan iyada oo laga dhageystay TV Qaranka ee Xamar oo
ku tiraabaya hadallo ay ka mid yihiin “Madaxweyne Xasan
Sheekh oo la kulmay DHIGGIISA Madaxweyne Silaanyo”. Waa
la tolay oo ay oloshay.
Dadaalka lagu bilaabay Wada-hadalka dunidu u golaysay
Somaliland/Somalia waxaa lahaa daw ladda Ingiriiska oo
iyadu SHIRKII LONDON (23kii February 2012ka) ee dunidu
ay kaga hadlays ay arrimaha Soomaalida ku martiqaaday
SOMALILAND.
Wada tashi dheer kadib, Markii talo qaran laga yeeshay
aadna looga baaraan degay waxa Xuk uumada Somaliland,
golayaasha qaranka, Axsaabta qaranka iyo Shacbigaba la
is-tusay in shir kaas MASLAXADI UGU JIRTO DANTA QARANKA ,
waxana Somaliland oo isku duubani ay go’aans atay in
Shirkaas laga qayb galo.
iyadoo arrintaa laga shidaal qaadanayo , waxa LA LAALAY
xeerkii DABRAYEY in cid ka socota Somaliland ay la
kulanto ama wada-hadal la yeelato Somalia.
Somaliland waxay aqbashay in ay la kulanto D.F. Somalia
laakiin taa macnaheedu ma aha inay ka soo dabcayso
mawqifkeedii adkaa ee ahaa inay tahay jamhuuriyad gaar
ka ah wixii la isku odhan jiray Somalia.
Waxaa xusid mudan oo muhiim ah Qod. 6aad ee
warmurtiyeedkii shirka London ka soo baxay oo u dhignaa
sidan:
6. Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in
bulshada caalamku ay taageerto wada-hadal kasta ee
Somaliland iyo TFG-da ama ciddii beddesha ay ku
heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda
mustaqbalka.
Waana Qodobkaasi kan furaha u noqday ee uu ka dhashay
wada-xaajoodka Somaliland/Somalia.
mawqifka dalka SOMALILAND ma aha wax aan la fahmi karin,
balse waa in la ogaado in AAYO-KA-TASHIGGA SHACBIGA
yahay MID AAN LAGA HOR IMAAN KARIN,
Dib u xaqiijinta Qaranimada Somaliland WAA MID KU TIMID
RABITAANKA IYO CODKA SHACABKA mana aha mid u cuntamaysa
wax ka hooseeya ama ka yar qaran madaxbannaan iyo in ay
noqdaan laba dal oo jaar ah oo la kala yidhaa Somaliland
iyo Somalia. Waa kaa gundhigga qorshaha (the plan)
keliya ee ay leedahay Somaliland.
Somaliland sinaba DIYAAR uguma aha inay dib ugu noqoto
ISRAACII lagu HUNGOOBAY. "KALUUN MAR BAA LA GAWRACAY".
Muddo dheer ayay laba Ergo (Team) ee wada-xaajoodka isku
arkayeen shirar heer Wasiirro ilaa iyo kullammo heer
Madaxweynaba leh kuna yeelanayeen waddamo dhowr ah sida
( UK, Dubai, Turkiga iyo Djabouti)
Wada-hadaladda waxaa gaabis ka dhigay Dawladda
federaalka Somalia oo dhowr goor hakis ay wadahadalka
sababo la xidhiidha khilaaf dhexdooda ah iyo marba
xukuumad cusub oo la soo dhiso. "Maantana far baan
maydhayaaye ha ii fadhiyo Geelu".
Waxa iyana taa barbar socotay oo CAQABAD wada-hadalka ku
noqday Dawladda muqdisho oo marar badan ku xad-gudubtay
heshiiyadii la gaadhay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen
Aflagadooyin iyo weliba fulin la'aan wixii la isku
afgartay.
Somaliland aad bay u qoonsatay arrimaha noocaas ah,
waxaana xidhiidhka laba geesood soo kala dhex-galay
madmadow badan Waxana soo if-baxday in aan wax
wada-xaajood ah la sii wadi karin haddii arrimuhu sidaa
ku sii socdaan
Arrimahaas iyo duruufo kaleba waa waxa dhaliyey in
wad-hadaladii u dambeeyey ay Djabouti ka dhacaan oo
iyadu gogosha u fidiso
Haddii aynu in yar is-dul-taagno kulankaa Djabouti
Badi dadku way soo dhaweeyeen go'aamadii Djabouti lagu
gaadhay gaar ahaan qod.3aad oo u dhignaa Sidan:
3) - Labada dhinac waxay isla garteen in dawladda
Djibouti laga qeyb-gelyo wada-
Hadalada dambe marka loo baahdo.
Waxaase jirta dood ay dadka qaar qabaan oo taa ka soo
horjeedda. Doodda noocaasi ahi waa mid la fahmi karo
marka aad milicsato taariikhda dhawr iyo labaatankii
sanno ee la soo dhaafay wixii ka dhacay Somalia iyo
doorka ay ku lahayd dawladda Djabouti. Waxayna ay qabaan
in ay ahayd in qoddobkaa lagu bedelo Sidan :
3) in khuburro farsamo iyo dawladdo saaxiib la ah
Somaliland iyo Somalia Laga qeyb geliyo wada-hadalada
dambe.
SHIRKAN DAMBE ee lagu ballansan yahay Turkigu waa mid
aad loogu hanweyn yahay inuu KA DUWANAADO KUWII HORE
Maadaama la gudagelayo Qodobka ugu xaasaasisan sida ku
xusan heshiiskii Decembar 2014kii ee Djabouti ee hoos ku
qoran:-
1) In la dardar-geliyo wada hadalada labada dhinac,isla
markaana wakhti lagu jaan-gooyo.
2) In arrimaha siyaasiga ah ee masiiriga ah lagu
dhiirado, lana fuliyo arrimihii hore loogu heshiiyay.
Shirka soo socda Waxa la quuddarreynayaa in lagu gaadho
qorshe iyo JADWAL cad oo keeni kara horumar intii hore
ka xawli badan.
Farqiga labda Geesood u dhexeeya oo aad u ballaadhan
awgeed waxa lagama maarmaan ah in la kaashado khuburo ka
caawin karta xagga farsamada wada-hadalka . Arrimahaasi
waxay qeyb libaax ka ciyaari karaan isbeddel iyo dadaal
cusub oo u adeega in la gaadho halka lagu socdo.
Haddii aynu qaddar yar dib u milicsanno
waayo-aragnimadii laga dhaxlay MIDNIMADII
1960ki-1991kii.
Waa dhab (waa Xaqiiq) in reer Somaliland TAARIIKHD
QADHAADH oo murugo leh kala kulmeen MIDNIMADII Somalia.
Waana ta keentay in la saadaaliyo in Hargeysa ay dib wax
ula qeybsato Muqdhisho ay tahay mid aan weligeed dhici
karin. Mar i dage' Alla ha dago Mar LABAAD i dagane anaa
dagan. Once bitten, twice shy.
Waxaa xusid mudan aftidii distoorka ee ay shacabku 97%
ugu codeeyeen dib-ula-soo noqoshada Qaranimada iyo
madax-bannaanida Somaliland. Waana dhaabbad adag oo aan
cidi dhaafi karin.
dhanka kale muddadii lagu mideysnaa SOMALI REPUBLIC iyo
inta haatan la sii kala maqnaa (la kala go’naa) waxay
tahay wakhti is le’eg (30 sanno iyo 24 sanno).
waxa intaa dheer in muddadaa intii dhalatay ama ku
garaadsatay JAMHUURIYADDA SOMALILAND ay haatan 65% ka
yihiin bulshada Somaliland. taas oo ah arrin kale oo
mustaxiil (impossible) ka dhigaysa in dib loo midoobo.
Shacbiga somaliland waxay u arkaa Jacaylka reer Somalia
(Koonfurta) ee MIDNIMADU in 200% aanay dhab ka ahayn
Siyaasiyiintii wakhtigii hore u hanqal taagi jiray
midnimo Somaliyeed waxaa haatan u muuqda dal
(Somaliland) ku naaloonaya Libaan, Nabad iyo
Dimuqraadiyada, wax macquul ah oo taasi lagu doorsado oo
soo jiidan karaana meel kale ugama muuqdaan.
Madaxbannaanida iyo Qarannimada Somaliland waa xaqiiqa
in aan suurta gal noqon karin saacadda dib loo celiyo.
Somaliland maanta waxay doonaysaa sidii loo kala bixi
lahaa (Somaliland/Somalia) ugana mid noqonto caalamka,
waxaanay u baahan tahay in si dhakhso ah loo ictiraafo.
Aqoonsiga la siiyey Somalia ma aha macnaheedu in Xamar
caalamku kelideed garab taagan yahay, laakiin Somaliland
meel cid-la' ah ma taagna. Waxaa jira dawladdo badan oo
rumeysan in aqoonsiga Somaliland ee caalamiga ahi yahay
MID QAAN-GAANGAADH AH. Waxay soo jeedinayaa, si
khilaafka dabada dheeraaday xal loogu helo, in loo
baahan yahay aqoonsi laba qaran ah (Somaliland iyo
Somalia) inay halkaa ka jirto. Waxa xusid mudan dooddii
dhawaan ku saabsanayd Aqoonsiga Somaliland ee
baarlamanka Yurub taas oo ah qorshe loogu talagalay in
kor loogu qaado muhiimadda siyaasadda Somaliland.
Inkasta oo aan wakhti loo cayimay jir an waxa caalamku
isla qaatay in dhibaatada Somaliland/ Somalia si dhakhso
ah looga farax asho.
Waxaa la gaadhay wakhtigii la garawsan lahaa xaqiiqada
ah in ISRAACII Somaliland iyo Somalia uu dhammaaday lana
aqbali lahaa inay noqdaan laba waddan oo is barbar yaal.
Wa Billaahi Tawfiiq
Qalinkii Cali M. Adam (Cali Xaruuri)
Holland
0000000000---00000000---------0000000000000--------0000000000000000-------------------000o0
|