Shirka Shiinaha iyo Africa




 

Qaahira (Timacade News)-Magaalada Qaahira waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka iskaashiga  dal ka Shiinaha iyo Qaaradda Africa.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen dalal badan oo Africa iyo dalka Shiinaha oo ku saabsanaa sidii Shiinaha iyo qaaradda Africa isaga kaashan  lahaaye en dhinaycada horumarinta iyo xiriirka kale ee dalalka Africa iyo dalka Shiinaha si gooni ah uga dhaxeeya sidii loo xoojin lahaa.

Kulankaas, ayaa xubnihii Soomaaliya uga qaybgalay waxaa ka mid ah  wa siirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah, Cabdiraxmaan  Cabdishak uur Warsame.

Weriyaha BBC-da ee Qaahira, Abuukar Maxamed Cabdi, ayaa la kulmay markii uu shirku dhamaaday, waxaana uu waydiiyay iyadoo dalal dhowr ah masharuucyo loo ballanqaaday sida Cameroun oo mashruuc dhinaca beeraha ah heshiis kala gashay Shiinaca iyo mashruucyo kala duwan oo dalal dhowr ah la saxiixdeen Shiinaha, in uu jiro wax mashruucyo ah oo Soomaaliya la gashay Shiinaha, maadaama Shiinaha iyo Soomaaliya xiriir hore u dhexeeyay?

Wasiirku wuxuu ka hadlayaa dayn ay dowladda Shiinuhu u cafisay  Soom aaliya iyo boqolaal kun oo doolar oo deeq ah oo ay u soo marinayso  hay 'a dda u qaabilsan lacagaha xisaabintooda.

Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlayaa qodobo kale oo uu ka mid yahay  dhex dhexaadin ay dowladda Masar ku baaqday.
 



Source:BBC