Shirka qaran waa shifo, mudaharaadna waa sharka acuudu bilaahi, mina shaydaani rajiim.
Hamud Duale

 


Xaa!!dhagaaaa!! Naw!! Jaw!! Mudaharaadaa!!!! yaa!!yaa!!.Miyir waxaad ku weydaan ummad yahay, ma lihi baa dhaanta, codbixin iyo nabadaa baa la cawaansanayaa.
Yaa lagu mudaaharaadayaa, yaase loo mudaaharaadayaa? Ma xaq la aasaybaa loo mudaaharaadayaa, mise dulmi loo badhaaeedhayba, lagu mudaharaadayaa? Ma xigta, ma xusbibaa, ma xildoon baa, mise waa xasarad kale? Berina, kuwani hubka qaata, armay na yidhaahaadaan. London ma geydo, in ay mudaahaaraad xasiloonida Somaliland wiiqa, laga abaabulo. Shirka qaran, shifo ku afsaar mooyee, ma sheeko kale ayaa taaley.
Garoo, Gara daa
Oo Garbac daa,
Adna Geeroo(Dawlada)
Isgun gumantiy
Gardaradaa, daa.
ALIF, ALIF, ALIF, ALIF, ALIF, bisinka iyo yaasiinka, taabaraga iyo tiirka quraanka, cirka ma gaadhno eh, dhulkaan cuskaynay, shifto ma geynee, xasilooni baanu ka doorbidnay. Allow sahal ammuuraha. Heer mudaaharaado beelaysan, haddana caalamiye, oo London, laga abaabulo, shaashadaha caalamiga ahna laga daawado, ummadu ma mudna, ma geydo, gar ma aha oo xaq ma aha, waa xeelad. Weli xaajadu, halkaa ma gaahdin. Waaryaan lagu degdegin. Ha la gaadho goorteeda, doorasho iyo cod baan, lagu ciil baxayaa.
Anigu sedexda xusbi qaran, umma arko in ay aragti ahaan, isdarajo dhaammaan. Waa dameer iyo labadiisii daan. Dhammaantood waxaa lagu kala doortaa ee lagu kala raacaa , waa abbahay goblin, KULMIYE ha u sii daraadee, Waxaa lagu kala raacaa waa guulwadayn iyo xildoonimo. Sidaa soo ay tahay, dhammaantood waa distuuri. Waa sharci. Jiritaankoodu waa muqdas, waa tirarka lagu kala badbaadey. Cid midna buunbuunisa, midna xaqoodii duudsiday oo shirka u diida, waa dabuuse ha laga codeeyo.
Dawlada Axmed Maxamud Siilaanyo iyo marwadiisu, in ay darjiidhay oo aanay mudakar ahayn, la iskuma hayo. In ay xamasta, maati, guul wada darbana, dayday, aako aako, aqoon laawe, qurba jog, qaraabo kiil, miciin moodey la iskuma hayo. In ay tabtii iyo tubtii laga filanayey M/weynaha iyo marwadiis, oo loo tirinayey mujaahidiin xaq u dirir aha muddo dheer, ka meeqaan liidato la iskuma hayo. In aqoon maamul, lex jecloay dadka iyo dalka u qabaan, iyo waayo aragnimo loo tirinayey, oo la saluugsan yahay, la iskuma hayo. In ay canjilayaan maamulkii Siyaad Bare oo ay weliba, marwo ku sii dheeraad tahay, la iskuma hayo. In uu Moorgan goob jog yahay la iskuma hayo ( haddaan M/weynaha murwadiisa, daba dhigay, ha yaabina, waa wax cusub oo soo kordhaye oo weli waxaa dhegahayga ka guuxaya khubdihii dhagax dhiga xurumaha agoonta, oo samafal mooye, siyaasasadi ka reeban tahay, waxay dadweynaha ku sooryeysey).
Waxse aad uga liita, waa halkii Gaariye eh, kuwa ku baaqaya mudaharaad caalami ah oo London laga dhigo oo shaashadaha dunida laga daawado, oo sheegtay in ay ka kooban yihiin waxgarad iyo xusbiyada mucaaridka. Waxaan leeyahay alla idin dooriye shacbiga, gaar ahaan muwaadiniinta iyo saba oolka, garta ha ka kharibina. Muwaadiniinta iyo saboolku, madaaharaad, waxay ka doorbideen, in shir qaran la qabto, oo la is weydiiyo, maxaa dan ah, maxaa daran.
Xusbiyada mucaaridku, dhallilaha dawlada iyo KULMIYE loo jeedinayo, amma ka muuqda, waxba ku noqon maayaan. Ceebtooda asturimayso, kulmiye ayaa gefkaa sameeyey. Xusbiyada mucaaridka waa in mudakarnimo, aragti iyo ididdlo cusub curiyaan. caqligii lixdankii manta iibgeli maayo. Caqligii Siyaad Barrana, manta iib geli maayo. Mudaaharaadadii SNM ee reer London manta iib geli maayaan, loomana baahana.
Ballankeenu waa dooda qaran. Ururada mucaaridka waan ku garabgeleynaa abaabulka shirka qaran in uu qabsoomo, kuwa kalana ka daba qabsoomaan.