Shirka Beesha Sacad Muuse oo la shaaciyey wakhtiga uu Qabsomayo.
Shirguddoonka shirka HOODAALE ee beelwaynta Sacad Muuse ee degta
Waqooyiga, Galb eedka iyo Oogada Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland
ee Hargeysa waxay ugu bushaa raynayaan dhammaan bulsho weynta Sacad
Muuse ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiis aba in la dhammaystiray
dhammaan hawlihii u diyaargarowga ee shirka Hoodaale ee degm ada
Agabar.
Sidaa darteed waxa la ogaysiinayaa dhammaan ergooyinka ka qaybgalaya
shirka, in shirku si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada ee
taariikhdu tahay 22/09/2013, isla markaana ay ergooyinku diyaar ku
ahaadaan madasha shirka ee degmada Agabar maalinta Axada ah.
Afhayeenka Shirguddoonka shirka Mowliid Maxamed Muumin.
|