JAMHUURIYADA SOOMALILAND

Date: 27 July 2011
XISBIGA CADAALADA IYODARYEELKA
Shirjaraaid oo uu soo saray latiliyaha arimaha sharciga ee xisbiga
UCID
Dhawaaqi ay sameeyen xubno ka tirsan xisbiga 24/07/2011 maalintii
AXADII xubnahaas oo ay hor kacayeen .cabdi raxmaan ciro iyo aadan
mire waqaf dhawaaqaas oo ay saxaafada ka sheegeen in ay si ku meel
gaadha udoorteen Hogaanki xisbiga u na doorteen gudoomiye aadan mire
waqaf hadaba anoo ah lataliyaha sharciga ee xibiga UCID garyaqaan
siciid cabdilaahi xuseen aniga oo tix raacaya qodobada xeerka
xisbiga waxa aan ha lkan ugu soo gudbinayaa dhamaan guud ahaan
shacabka reer Somaliland gaar ahaan taageerayaasha xisbi ga UCID iyo
cidii kale ay khusaysoba qodobada xeerka xisbiga e xubnahaasi sida
indhala,aanta ah ay udhinac mareen una jabiyeen xeerkii xisbiga .
Waxa jira in xisbigu isla qaatay in shirkii gudidada fulinta ee
bilaha ahaa la qabto 25 july 2011 shirkii golaha dhexe ee xisbigana
la qabto 26 july 2011 ayaa waxa dhacay in xubnahan qaska iyo
fadeexad sameeyeen ayaa waxa dhacday in gudomiyaha xisbiga iyo xubno
gudida fulinta ah ay ilaasubxanimadii 9:00 subaxnimo -11:00
subaxnimo ee 24/07/2011 axadii ay wada fadhiyeen iyadoo laga
tashanaayo shirka barito dhacaaya iyo hawlaha horyaala ayay markii
shirkii dhamaaday ay qabteen war saxaafadeed qabteen 12:00 duhurnimo
iyagoo yidhi waxa aanu dooranay hogaankii xisbiga una doorteen
gudomiye ADAN MAXAMED MIRE WAQAF .
Hadaba waxa aan halkan kusoo bandhigayaa qodobada xeerka xisbiga ee
ay jabiyeen islamarkaasna ay ku tunteen .
xeerka xisbiga UCID waxa la ansixiyey laba jeer oo kala ahaa labadii
shirweyne ee xisbiga oo ku kala beegnaa august 2001 iyo august 2006
xeerkan oo ka kooban 23 qodob . qodobada ay jabiyeen waxa kamid ah.
1- Qodobka 18aad (1) oo sheegaysa awoodaha gudoomiyaha xisbiga in
gudomiyaha xisbigu yahay madaxa xisbiga uu gudoomiyana shirweynaha ,fadhiyada
golaha dhexe ,shirarka gudida fulinta ,mudada xil hayntiisuna waa
shan sano oo ka bilaabmaysa maalintii la doortay iyadoo gudomiyaha
la doortay bishii sideedaad ee 2006
2- Qodobka 18aad (2) oo sheegaysa cida qudha ee samaynkarta
qoraalada rasmiga ah ee xisbiga taas oo cadaynaysa in qoraal kasta
oo soo baxa oo aanu gudoomiyuhu saxeexin ama ogayn ay tahay waxba
kama jiraan .waxa ay xubnahani jabiyeen dhamaan faqradaha qodobka
18aad oo dhan
3- Qodobka 19aad oo sheegaaya awoodaha gudoomiye ku-xigeenada
xisbiga oo ah in kuxigeenadu ay qabankaraan uun wixii uu uigmado
gudomiyuhu . hadaba waxa layaab leh in ku xigeenadii ay isku
magacaabaan gudomiye xisbi isagoo gudoomiyihiina jooga shantii sano
ee la doortayna aanay wali dhamaan .
4- Xubnahani waxa kale oo ay ku gafeen qodobka 16aad ee xeerka
xisbiga oo si cad usheegaaya hawlaha gudida fulintu uxilsaarantahay
oo ay kamid tahay hirgalinta barnaamijka xisbiga ,fulinta goaanada
shirweynaha iyo shirarka golaha dhexe ,abaabulka iyo wacyigalinta ,iyadoo
ay xubnihii ay yidhaahdeen hogaanbay doorteen ay ku sheegeen gudidii
fulinta gudi fulineedna aanay sharciyan awood ulahay in ay doortaan
hogaan iyagoo awoodii gudida fulinta lahayd ku qalday awoodii
shirweynaha
5- Waxa kale oo ay sitoos ah ujabiyeen qodobka 11aad ee xeerka
xisbiga oo sheegaysa in cida qudha ee doorankarta gudoomiye iyo
kuxigeenada iyo xoghayaha guudba ay tahay shirweynaha xisbiga
qoodobkaasna sidiisa ayay ujabiyeen iyagoo maroorsaday awoodii
shirweynaha xisbiga oo ah haayada ugu saraysa xisbiga sharci ahaan
sida uu dhigaayo qodobka 10aad ee xeerka xisbigu
6- Waxa kale oo ay baalmareen qodobka 15aad ee xeerka xisbiga oo
sheegaaya in gudida fulinta ee xisbigu ay tahay haayada ugu saraysa
dhinaca socodsiinta hawlaha xisbiga waxaanay gudida fulintu ka
kooban tahay 25 xubnood waxaaana la doortaa afartii sanoba mar .
Hadaba gudida fulinta oo ladoortay bishii sideedaad ee 2006 iyagoo
sharciyan marka loo eego qodobkan xilhayntoodu ku eekayd 2010 bishii
sideedaad dhamaan xubnaha gudida fulintu in waqtigoodii hore udhacay
marka laga reebo gudoomiyaha iyo kuxigeenada iyo xoghayaha guud iyo
ku xigeenkiisa lixdaa xubnood mooyee 19 xubnood ee soo hadhay
sharciyadoodii way ka dhacday waxana lagusoo dhisayaa xubnahaas 19ka
iyagoo noqonaaya xubno gudida fulinta ah oo ku meelgaadh ah inta
laga gaadhaayo shirweynaha sadexaad ee xisbiga laguna ansixindoona
kalfadhiga golaha dhexe ee ugu soo xisga shirweynaha kaas oo ku
began bisha todobaad (july 2011)
Hadaba waxa layaab leh xubnahan yidhi waxa aanu nahay gudidii
fulinta
Doodooda ah in mudada xil hayneed ee gudoomiyuhu waxa ay tahay laba
jeer (two terms) aanay ku jirin xeerka xisbiga gabi ahaanba .
Hadaba ay tahay in golaha dhexe ee xisbigu talaabo ka qaado xubnaha
xeerka xisbiga jabiyey anigoo cuskanaaya qodobka 13aad (8) ee xeerka
xisbiga oo awood usiinaysa golaha dhexe in ay talaabo ka qaadaan
isla markaana hawlaha ka joojinkaraan xubnaha xisbiga ee ay ku
cadaato in ay jabiyeen xeerka ama aanay si daacada u wadin hawsha
xisbiga
La taliyaha arimaha sharciga ee xisbiga UCID GARYAQAAN SICIID
CABDILAAHI XUSEEN (GEELJIRE)
E- MAIL garyaqaansiciidgeeljire@hotmail.com
Mobile : 25224109396
|