Shir-gudoonka Wakiiladda Oo Beeniyay Jiritaanka Mooshin ka dhan ah
Madaxweyne Ku Xigeenka
Hargeysa (TNN)- Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada
Somaliland, Dr. Cali Yuusuf Ax med ayaa waxba kama jiraan ku
tilmaamay war ay baahiyeen warbaahinta qaarkeed, kaasoo shee gayay
in fadhiga maanta ee Golaha la horkeeni doono mooshin xilka lagaga
qaadayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (Saylici).
Guddoomiye ku-xigeenka oo xalay Wargeyska DAWAN kula xidhiidhay
khadka telefoonka, waxaanu sheegay inaanu arrinkaasi jirin. “Adeer
mooshinkaas waxba kama ogi, mana jiro.” ayuu yidhi Guddo omiye
ku-xigeenka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidha jiritaanka
mooshinkaas. “Warbaahintuna markay wax qorayaan waa inay yidhaahdaan
warkaas halkaasaanu ka soo xiganay ee maaha inay wax iska qoraan.”
ayuu raaciyay hadalkiisa.
Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Dr.
Cali Yuusuf Axmed sheegay in fadhiga golaha ee maantu uu u furmayo
sidii hore ee caadiga ahayd, isla markaana aanay jirin wax
dhaqdhaqaaq ah oo ka dhex socda mudanayaasha golahaas.
Warkan ayay warbaahinta qaarkeed baahisay ayay ku xidhiidhiyeen inuu
daba ku hayo khilaaf la sheegay inuu dhawaan soo kala dhexgalay
Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, kaas oo uu Madaxweyne ku-xigeenkuna
hore u sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya isaga iyo
Madaxweynaha oo hadda ku maqan safar dibaddeed.
Dhinaca kale, Guddoomiye Ku xigeenka oo aanu waydiinay waxa ka jira
warar sheegayay in shaqadii laga joojiyay Xoghayihii Golaha
Wakiiladda, waxa uu yidhi “Maya waxba kama jiraan, arrintaas,
laakiin xogyuhu fasax ayuu qaatay.”
Cumar Maxamed Faarax
|