Shirguddoonka Wakiillada oo ku Dhaw aaqay in Dalku Galay Marxalad
Xaasaasi ah aan
Wax Sharci ah ka ool
Hay’adda Interpeace oo golaha
la soo hor fadhiisin doono si su’aalo loo weydiiyo
“Waxa madaxa lala galay marxalad aannu dastuurku qeexayn waxa lagu
xalin karo, sababo loo kordhiyaana meesha ma yaalaan, dastuurka
wixii ku qornaa oo dhan ee ka hadlayey muddo-kordhinta waa la soo
dhammeystay”
“Haddii 6 April la gaadho heshiiskii xisbiyadu wuu jabayaa, muddo
kordhina meesha ma taalo, waxa qudha ee lagaga bixi karaa waa talo
qaran iyo in cid dhexdhexaad ah loo dhiibo kursiga Madaxweynaha”
“Komishankana laga aqbali maayo Inter Peace baa dib noo riday...
wixii dambi ka yimaadda dib-u-dhaca doorashadana iyagaa ka masuul ah
oo dusha laga saari doonaa.”
Waraysi khaas ah - Md. Baashe Maxamed Faarax
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md.
Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku dhawaaqay in dalku madaxa la galay
marxalad xasaasi ah oo aan xallinteeda meel qudha lagaga xardhin
dastuurka qaranka iyo shuruucda ka dheegma oo dhan.
Waraysi khaas ah oo Md. Baashe Maxamed Jamhuuriya shalay ku siiyey
xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in dib-u-dhaca ku yimi qabsoomida
doorashada madaxtooyada ee hore loogu muddeeyey 29-ka March 2009 ay
sababtay in dalku galo marxalad cabsi iyo walaac leh oo aan
distoorka iyo xeerarka kale ee dalku habayaraatee wax tilmaan ah ka
bixin waxa laga yeelayo haddii xaaladdan oo kale dhacdo.
Guddoomiye-ku-xigeenka oo faahfaahin ka bixinayey asbaabaha keenay
marxaladda aan xalka loo hayn ee dalku madaxa la sii galayo, ayaa
sheegay inay xuddun u yihiin dib-u-dhaca ku yimi qabashada
doorashada madaxtinimada muddo-kordhintii dastuurku jideeyey ee
xukuumadda oo waqtigii dhammaadkeeda maalmo koobani ka hadhsan
yihiin, sababaha aan ilaa hadda caddayn ee ilaa hadda hortaagan
hawlgalka mishiinka lagu kala sifaynayo diiwaangelinta
codbixiyeyaasha oo sal u noqday in doorashooyinka dib-u-dhac iyo
weliba arrimo kale oo duruufuhu keeneen, waxaannu Md. Baashe
masuuliyada xaaladdaas aan laga sii gaashaaman ee qaranka Somaliland
ku soo kordhay u xambaariyey Komishanka Doorashooyinka oo uu ku
eedeeyey inay ka baaqsadeen gudashada waajibaadkii qaran ee loo
igmaday.
Guddoomiye Baashe oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa uu
noqonayo xalka xaaladda ka dhacalatay dib-u-dhaca doorashada ee
dalka ku soo fool leh iyo cidda awoodda furdaaminta marxaladdan aan
wax sharci ah loo hayn, waxa uu ku jawaabay; “Markii hore ee
waqtigii Madaxweynuhu dhammaaday waxay Guurtidu u kordhisay sannad,
xisbiyaduna waxay ku heshiiyeen haddii ay 6-da April 2009 doorashadu
dhici waydo waxa talo ka wada gaadhaya labada gole ee Baarlamaanka [Guurtida
iyo Wakiillada], fadhi wadajir ah ayey isugu imanayaan, markaas
ayeyna go’aan ka gaadhi karaan marxaladdaas la galay, annagu Golaha
Wakiillo ahaan muddo-kordhin xaq uma lihin, laakiin muddo-kordhintii
way dhammaatay oo laba jeer oo hore ayaa la kordhiyey, dastuurka
wixii ku qornaa oo dhan ee ka hadlayey muddo-kordhinta waa la soo
dhammeystay, markaas waxa weeye waxa madaxa lala galay marxalad
aannu dastuurku qeexayn waxa lagu xallin karo, sababo loo
kordhiyaana meesha ma yaalaan, markaa maadaama aannu nahay golihii
sharci-dejinta talo ayaanu ku yeelanaynaa aayaha dalka, cid aannu u
daba fadhiisanaynaana ma jirto. Waxa weeye dawladdiina waqtigeedu
wuu dhammaaday doorashana ma dhacayso waqtigii la kordhiyeyna 6-da
April ayuu ku eg yahay, muddadaa wixii ka sokeeyana heshiiskii
xisbiyada ayaa lagu soconayaa, laakiin 6-da April haddii ay dhaafto
waa inay talo ka gaadhaan Wakiillada iyo Guurtidu oo ay fadhi
wadajir ah ku yeeshaan.”
Guddoomiyaha oo ka jawaabayey su’aal kale oo ahayd waxa ka dhalan
kara qodobka distooriga ah ee xukuumaddu ku doodayso in madaxweynaha
uu xilka kala wareegi karo madaxweyne la soo doortay, maadaama oo la
qorshaynayo in la helo cid si dhex ah saddexda murrashax doorasho u
gaadhsiisa, waxa uu yidhi; “dastuurka waxa ku qoran Madaxweynaha
waxa beddeli kara Madaxweyne la soo doortay, laakiin taasi waxay ku
eg tahay shantii sanno ee la doortay, markaas ayaanay ku habboonayd,
muddadaasina way ka dhammaatay sannad kale ayaa loogu daray,
sannadkiina wuu dhammaaday, markaas qodobkaasi meesha ma yaalo,
waxaanna weeyi haddii aannu Madaxweynuhu doorasho diyaar u ahayn
waxa barbar taala meesha miyuu iska fadhiyaa, doorasho haddayna
dhacayn oo marba waqtigeedii dib loo rido caqligal noqon mayso,
markaa waxa weeye haddii lixda April la gaadho heshiiskii xisbiyadu
wuu jabayaa, muddo kordhina meesha ma taalo, waxa qudha ee lagaga
bixi karaa waa talo qaran iyo in cid dhexdhexaad ah loo dhiibo
kursiga Madaxweynaha, arrintaasina waxay ka soo bixi doontaa fadhiga
golayaasha qaranka, maadaama wax sharci ah oo inoo yaalaa aannu
jirin, dastuurkuna ma sheegayo intaas oo dhan in la kordhiyo,
xeerarka kale ee dalkana kuma taalo, markaa golayaasha
sharci-dejintu waa inay talo midaysan ka yeeshaan qaranka sidii loo
badbaadin lahaa.”
Md. Baashe oo ka hadlayey go’aankii Golaha Wakiilladu ku meelmariyey
in doorashadu ku qabsoonto muddadii loo cayimay iyo waxayaabaha
caqabadda ku ah qabsoomideeda waxa uu yidhi; “Annagu gole ahaan
waxaannu ku ansixinay 29-ka March inay dhacdo. Dhibaatada taagani
waxa weeye Komishanku waxay eedda saarayaan InterPeace, waxay ahayd
in maalin hore la bilaabo markii ay soo dhammaatay diiwaangelintii
Berbera ee Boorama aan la tagin oo la galiyo Serfarka, Komishankana
laga aqbali maayo InterPeace baa dib noo riday oo iyaga ayey la
shaqaysaa markii ay Komishankii hore joogeen InterPeace way joogtay,
iyadaana lacagta u haysay, wax InterPeace la yidhaahdaba maynu maqli
jirin. Komishankan waxaad moodaa inay maamusho Inter Peace, iyaga
eeda ma saari karaan hay’ad NGO ah, maadaama aynaan ictiraaf haysan
ayaa lacagta la innoogu dhiibay, laakiin lacagta sidaynu u
isticmaali lahayn iyo arrimaheena inay soo farageliso maaha, waxay
maraysaa inay yidhaahdaan Komishanka ha la beddelo, xaqna uma laha
inay waxaas iyagu yidhaahdaan oo ay faragelin ku sameeyeen
shuruucdii dalka, waxa laga rabaa Komishanka iyo InterPeace inay
shaqadii seerfarka bilaabaan oo ay sheegaan goorta uu bilaabmayo,
waxa dhibaatadu ka joogtaana marmarsiyaheedu waxa weeyaan InterPeace
ayaan weli hawshii bilaabin, markaa sidaa ay u yidhaahdeen 29-ka
March doorashadii dhicimayso, Komishanku waxa laga rabaa inay
caddeeyaan goorta ay bilaabmayso shaqada seerfarku, markaa
Komishanku eeda kagama carari karaan InterPeace baa serfarka gacanta
ku haysa, arrintaas iyo doorashadana waxa wakiil ka ah Komishanka,
xilkana ma saari karaan NGO yar oo yidhaahdaan gacantayada waxba
kuma jiraan, waa inay ku jiraan wixii dambi ka yimaadda dib-u-dhaca
doorashada Komishanka ayaa ka masuul ah oo dusha laga saari doonaa.”
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad waxa uu intaa raaciyey “Waxa weeyaan
markasta Komishanka Inter Peace ayaa dhaqaalaha u haysa, maadaama
aan la inna ictiraafin, lacagtana waxa loo dhiibaa NGO-ga, laakiin
iyagu lacagta waxay u dhiibi jireen Komishankii hore, waxaanay ka
qadaan jireen xisaab-celin, Komishankii hore iyagaa maamuli jiray
InterPeace, waxa meesha ka soo baxday inay doonayso Inter Peace inay
maamusho Komishanka hadda jooga, lacagtana InterPeace malaha ee
deeqbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ku caawiyey,
InterPeace-na waxay u dhaxaysaa deeqbixiyeyaasha iyo Komishanka,
waxaanay eegayaan in lacagta la bixiyaa sidii loogu talogalay u
socoto oo ay Komishanka u gudbiyaan, Komishankuna xisaab-xidh
keenaa, waxana weeye in Komishanku shaqadooda maamulaan oo aanay ku
marmarsoon InterPeace.”
Guddoomiyaha oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay in dawladu bixisay
dhaqaalihii loogu talogalay doorashada iyo in kale waxa uu yidhi;
“Horta waxa weeye in Komishanku samaystaan miisaaniyadooda sida
sharcigu dhigayo oo ay Madaxweynaha u geeyaan, Madaxweynuhuna Golaha
Wakiillada u gudbiyo si loogu ansixiyo, xataa maysanayn wax
miisaaniyad oo Wasiirka Maaliyaddu waxa uu noo sheegay inay aanay
Komishanku samaysan miisaaniyad, laakiin miisaaniyadda uu keeni
doono ay jirto lacagta doorashadu, laakiin doorashadu uma xayirna
miisaaniyad ee waxay u xayiran tahay seerfarka oo aan ilaa hadda
shaqadiisii bilaabin, kaas oo meesha iska yaal oo waqti uu
bilaabmayo iyo waqti uu dhammaanayo aan la ogeyn.”
Guddoomiyaha oo la waydiiyey in doorashadu u xayirnaanayso ilaa iyo
inta seerfarku shaqadiisa bilaabayo iyo in kale waxa uu ku jawaabay
yidhi; “Waxa weeye doorashadu seerfarka u xayirnaan mayso ee waxa
laga rabaa Komishanka inay caddeeyaan waqtiga la bilaabmayo iyo
waqtiga uu dhammanayo, markii horeba waxa la inna saaray
diiwaangelin aynaan awood u lahayn, waxaanna loola jeeday inay
doorashada inoo qurxiso, dadkeenuna waxa uu u badan yahay
reer-guuraa.
Mihiimadda diiwaangelintu waxay ahayd in aannu doorasho xor iyo
xalaal ah helno, dhibaatada dhacday waxa weeye iyadii ayaa dhibaato
sii abuurtay, waayo waa hore ayey doorashadu dhici lahayd oo
waqtigaaba la isla soo gaadheen haddii ayaanay diiwaangelintaasi
jirin, haddii seerfarku meesha iska yaal Komishanka ayaa laga rabaa
inay caddeeyaan, waa in doorashadiina lagu galo sidii aannu awalba u
geli jirnay oo aynu ku dhiirrano inay saddexdii doorasho ee hore ay
afar innoogu noqoto. Markaa loo xayirnaan maayo seerfarka
InterPeace-na waannu u yeedhaynaa oo waannu waydiin doonaa
Seerfarkani ma meeshuu iska yaal iyo waxa ka caddilan? Sidii aannu
Komishanka u waydiinay oo diiwaangelintii waxa u dambeysay Gobolka
Sool oo dhammaaday 6-dii January ilaa maantana sababta uu u xayiran
yahay ee maalin waba loo leeyahay waxbaa si’ ah waa in la caddeeyaa,
Komishankana waxa laga rabaa in seerfarkani shaqaynayo iyo inuu
magac ahaan u yaal.”
Waxa kale oo Guddoomiyaha la waydiiyey sababta cid ka madaxbannaan
Komishanka iyo InterPeace loogu diri waayey si ay u soo qiimeeyaan
inay seerfarku shaqaynayo in kale waxa uu yidhi; “Waxa weeye
seerfarnkan qof walba wuu ka fogaaday, waxa lagu aamin qabay in
dadka ajanabiga ah loo daayo, waxa looga baqaayey in haddii cid kale
oo Soomaali ahi ay gasho in laga shakiyo, waxa la isku wada raacay
mucaarad iyo muxaarid inay doorashadu dhacdo 29-ka March, maadaama
oo afka laga soo saaray in aanay dhicin doorashada 29-ka March, waa
in afka laga soo saaraa seerfarkani goormuu bilaabmayaa iyo goorta
uu dhammaanayo iyo goorta doorashadu dhacayso,” ayuu yidhi Md.
Baashe Maxamed Faarax.
Jamhuuriya Online
|