shirarka beelaysan

Waxan rabaa inaan ka hadlo arimo beryan xoog usoo batay oo dhabarjab
ku jiritaanka qaranima da somaliland oo aan ka baqayo hadaan iminka
wax laga qaban oo aynaan hurdada ka kicin oo si midaysan looga
hortagin inay inugu celinayso 1991.
Waxa jira sada aynu lawada socono shirar beelaysan oo baryan inugu
soo batay oo ad arkayso iyadoobeelo beelo isu abaabulayaan oo beel
waliba 3 meelood ku shirtay taasi oo haddii aan wax laga qaban inugu
lkeenaysa burbur iyo dhibaato hor leh.
Balaayona hor laqabto ayay leedahay ee dabo la qabto malehshicipku
waa midaysan yahay ee wa xa wada shirarkan in yar oo dan leh taasina
waa tii berigii hore ina lumisay ee jarka dheer inaga tuurtay waxii
xumaan ingula jira allah haynaga qabto.
Meel wanaagsan ayay inoo maraysaacalamkuna indhaha ayay inugu hayaan
cadowna waa inugu meersanyahay doonaya inuu inaga kala qubo oo jecel
xumaanteena laakiin inagu cidna xumaan u ma hayno waa inaynu midawnaa
oo beeshii wax tabanaysaa waa inay soo martaa nidaamka iyo s huruucda
dalku leeyahay oo ay si caafimaad qabta ula xaajootaa dawladooda una
sheegataa wax ay tabanayso cida ay khusayso dawladuna waa waajib inay
tabashada beelaha wax ka qabato oo ay dhegaa u furto somaliland
oodhan debed iyo gudoba.
Beelaha xuduuda waxan leeyahay wanaag baanu idinla rabnaa horumar
baanu idinla rabnaa waxa ynu nahay dad dal wadaag ah dagaalna faaiido
hadduu leyahay muqdusho ku arag laakiin xuduudu waa halkeedii nin
waliba deegaankiisa isagaa leh beel beel wax ka qaadaysaa majirto
ama ku duul aysa xuduudii 1960kii ka hor aynu lahayn ayuun baa taal
saxeexeedina yaalo boqortooyada ingiri iska
Hadaan usoo noqodo maalintii Maxamed Xaaji Ibraahin
Cigaal dhintay
waxaynu moodaynay inaynu iminka kala daadanayno laakiin haykalkii
dawladnimo ee uu dhisay iyo dasduurkii uu dhisay ayaa in a daba
qabateeyay ilaahay madaxdii inaga dhimatay naxariistii janno ha ka
waraabiyo inta nool na allah ha barakeeyo waa tii
Daahir Rayaale la
doortay waxa uu soo qabtay iyo heerka uu soo gaad hsiiyay cid waliba
way ogtahay nin geesi ah oo baal dahab ah kaga jira somaliland weeye
sumc ad iyo sharaf iyodulqaad haladayg geesi ah ayuu ku soo
maamulayay mudadii u xilka hayay sharaf iyo qiimo ayauu kaga degey
waxan rajaynayaa in kuwa danbena raacaan jidkaa wanaagsan ee da ahir
jeexay
Aan u soo noqdo dawladan madax wayne siilaanyo hogaaminayo waxay
talada dalka haysay mudo kooban waa inaynaan markiiba ku sooboodin
ee aynu wakhti siino cagta u dhigno meeshii tabasho ka timaado si
caafimaad qabta ha ugu soo bandhigaan xukuumadooda laakiin ka daaya
cadaadiska iyo shirar kan beelaysan ee aad ku khal khal galinaysaan
nabada , oo inaga daaya hadalada naxadi nta leh ee aad media ah uun
ka shubaysaan ee ah beeshayada wax baa ka maqan dawlada kama wada
muuqan karo oo inagaadhi mayso waa na wax laga naxo oo lalayaabo
waliba anigu waxan ka mid ahay qurba joogta .
Madaxwayne Siilaayo iyo xukuumadiisa Allaah haw fududeeyo hawsha
iyo xilka culus ee ay sidaan waanan ku hambalyaynayaa dadaal ka ay
ku jiraan .
|