Shir weynihii Kulmiye: Qabqabta, qabta, qobtaleeya. Xaja xaja xadhka u yeela. Todobaadkan iyo weriyaha laanta curdinka
 




Kulmiye isaga oo wandaafinayaa naxashkii meydadka dimoqraadiyada iyo Golayaasha Sharciga: Haadaa Xaqulaaha, Xaqu daa’imu laaha

Shirweynihii Golaha Dhexe


Sida uu noo soo gudbiyey weriyaha laanta curdinku shirweynihii Kulmiye wuxuu dhacay sidan:

Furitaankii

Shir-guddoonka: Xusbi keliyeenunahay


Xubnihii: Kulmiyaynu nahay


Shir-guddoonkii: Haddana waynu kala nahay. Kitaab keliye ayaynaan lahayn oo beelo ayaynu kala nahay. Shirkii wuu innoo furan yahay. Xusbigan heesihiisu hore ayaa loo diyaariyey umma baahnin kuwa cusub, sida wadaniga dhabta ah allow dhawr. Qaar innagu sargo’an ayaa jira. Hadal badin maayo ee aan ku wareejiyo Guddoomiyha maqaarsaarka ah ee Murashaxa ismoodi jirey, maanta ka hor.


Guddoomiyaha maqaarsaarka: Bulsho


Xubnihii(cod dheer): Bille


Guddoomiyaha maqaarsaare(isaga oo ku rowrabayaa rays ma gaadhada): Waa runtii oo heesaha ku hawshoon mayno. Malaha way inna sii ogaayeen, kuwii sameeyey.

Kulmiye waa macallinkaaga

Kulmiye waa macallinkayga

Kulmiye Macallinkeena

Siilaanyo waa macallinkiisa, siilaanyo waa macallinkiisa.

Xubnihii Golaha (iyaga oo aan ku hawshoon):

Macallinkaanu raacsan nahay,

wuxuuna yidhi iga qariya eh,

maxaad idina leedihiin.

Guddoomiye: Bulsho


Xubnihii: Bile


Immikana waxaan ku wareejinayaa Mikrafoonka M/weynaha, sacab, sacab ku taageera.


Madaxweynihii: Ku dheeraan mayo hadalka oo waad ogtihiin waxqabadkeenu halkuu marayo. Xusbi keliya ayaynu nahay Kulmiye ayaynu nahay. Talaabooyinka horumarka leh ee soo siyaadey waxaa ka mid ah xidhxidhka masu’uuliyiinta ku kacday musuqmaasuqa.



Markuu halkaa marayo waxaa hadalkii ka dhexgalay, rooxaan dhegaha u saartay qof walba hadalkan:



Rooxaan 1: M/weyne waa eedaysanayaal oo weli maxkamad lama horkeeniin, ma adigaa garsoorihii iyo muduciigaba ah. Mar haddaad ku faantay xidhigoodii dee maxaa maxkamadba laga keenayaa. Haddaase gartii naqday soo garsoorkii maad xabaal nololin.



Rooxaan 2: Garta eexo loo naqo
Waa lagu gubtaa
Way soo gadooddaa,

Kola gaabin maysee
Soo guuraraacdaa
Gurigii timaaddaa
Gashinimay ku leedahay
Aarkeeda gudataa



Madaxweynihii: Bulsho



Xubnihii: Bile



Madaxweyne (gaar u weydiiyey shir-guddoonkii): Muxuu ahaa codkan aan maqlayaa?


Shir-guddoonka: Waa qabiilkii rooxanta.



M/weyne: Ha loo jawaabo oo weliba rooxaan qoladooda ahi ha u jawaabto.


Shir-guddoonka: Beri ayaanu kala ogaan bal in ay tii lixle tahay iyo in ay tii Adan shiine tahay, iyo in rooxaan ilaahiya ah tahay. laakiin weligee rooxaan loo abtirinayo ma arag.


M/weynihii( isaga oo hadalkiisii sii wata): Haddaan taa halkaa kaga gudbo waxaan hadalkaygii ku soo gabagabeynayaa (intuu inna Cabdilqaadir furta ku fiiqay) iga qariya, waxaan kale oo leeyahay adiguna qanjaafula xunee tali qadaarkaaga.

Haddii uu Kulmiye cidi dhaliilsho waxaa ku waajib cidkasta oo beeshuu yahay ka soo jeedaa in ay u jawaabto. Cid kale oo beel kale ka soo jeedaa juuq umma odhan karto. Ninkii beeshiisa beel aan ahayn afka la galaa, wuxuu luminayaa xubinimada xusbiga. Ka u jawaabi waayaa beeshiisuna xusbinimada wuu luminayaa. Beelina beel in ay u gudubto ma ah. Waa sharci.




Xidhitaankii Shirka




Waa la isla oogsadey



Shir-guddoonkii(ninkii M/weynuhu farta ku fiiqaye): Qabta qabta, qobtaleeya



Xubnihii: Xaja xaja, xadhko u yeela



Markaas ayaa Ina Cabdilqaadir gurduub loo xidhay, la qabatay oo qobtolaysay, isagoo muusanow ku luuqaynaya:

xusbigaan gardaashee

gaadiid sidiisii ku xanbaaray guudkaa

gondahayga gooyee,

ma halayn gartaydee gacal baan la waayee,

golahay lahaydiyo

 

 

 

 

 

Haamud Duale