Shir-Weynihii Beelaha Ciidagalle Hargaysa Uga Socday Oo Lasoo Gabo-gabeeyay

 

 

Hargaysa (TNN):-Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabogabeeyay Shirwaynihii Beelaha Daa’uud Imsaaciil (Ciidagale) , oo ka socday Ambassador Hotel ee Hargaysa .

Waxaana ka soo baxay Baaq Iyo Go’aamo kuwaas oo dhigan sidan :

Shirweynihii Beelaha CIIDAGALE ee ka socday magaalada Hargaysa gaar ahaan Hotel Ambassador 10 ilaa 11-kii bisha January oo ay ka soo qayb galeen 250 Boqol oo ergey, oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisaba kana koobnaa salaadiinta, cuqaasha, aqoon yahanka, ganacsatada, culimada, dhalinyarada, iyo siyaasiyiinta Beelahakaga jirta golayaasha qaranka iyo xisbiya ayaa maanta oo Isniin ah bishuna tahay 11-ka January lasoo gabo gabooyay.


Hadaba, isagoo shirweynuhu tixgaliyay aaraadii kala duwanaa ee ay ergooyinku ka soo jeediyeen madashii shirka, falanqayn iyo dood mugleh dabadeed, waxaa laysku raacay go’aamadan iyo baaqan hoos ku qoran.

Go’aamo:

- Shirweynuhu wuxuu ansixiyay xeerarka lagu hago guddida guud ee Beelaha Ciidagale.
- Shirweynaha waxaa lagu doortay xubnaha guddida guud ee BeelahaCiidagale oo ka kooban 36 xubnood oo xilka hayn doona 2 sano oo ka bilaabanta 11-ka January 2016.
-Shirweynaha waxaa lagu lagu ansixiyay Guddida Mus-dambeedka oo ka kooban 10 xubnood.


Baaq:

- Jiritaanka iyo taageeradda naf iyo maalba ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa muqaddas.
- Beelaha Ciidagale waxa ay taageersan tahay ilaalinta nabad galyada iyo midnimada Soomaaliland, sidoo kale waxay beeshu ka soo horjeedaa dhammaan waxkasta oo khalkhal galinaya nabad galyada iyo xasiloonida geyiga Soomaaliland.
- Beelaha Ciidagale waxay ay dawladda Soomaaliland ugu baaqaysaa inay si siman ugu qay biso dadka degen caasimadda biyaha oo ah laf-dhabarta nolosha, isla markaana si siman oo cadaal ku dhisan loogu qaybiyo khayraadka, manaasibta iyo horumarka.
- Beelaha Ciidagale waxay xoojinaynaa ilaalinta deegaanka ama bii’adda iyo la dagaalanka xaalufinta dhirta.


Waxa uu Shirweynuhu dhammaan qaybaha kala duwan ee Beelaha Ciidagale soo jeedinaya an in si mug leh looga wada qayb-qaato diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo ta muwaadinka b a si loo helo in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

Waxa ay Beelaha Ciidagale taageersan yihiin halganka dawlad iyo Shicibba loogu jiro Ictiraa f-raadinta JSL meel kasta oo ay gashaba.

Iyadoo Beeshu dawlada uga mahadnaqaysa qaybtii ay ka qaadatay dhismaha wadada cad, waxay beeshu ugu baaqaysaa dawlada in wadada inta hadhay dawladu samayso sidii balanqaad ku ahaa.

Waxaanu ku baaqaynaa in dawladu hirgaliso jidka hal-bawlaha ah ee Madaarka ilaa Saldhig-Dhexe.

Beeshu arinta Tiyaatarka laba jeer bay kala kulantay Maxadweynaha Jamhuuriyada Soomaaliland, waxaa laga sugayay xal, hase yeeshee dawladu arinka way fogaysay, xaalkuna hadda meel xun buu marayaa. Waxaanu dawlada u soo jeedinaynaa inay xal nabadeed oo caddaalad oo degdega ka gaadho arinkaas.

Ugu Danbeentii waxaa shirwaynahaa soo Xidhay Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo halkaasi ka duceeyay .