SHIR
SANADLAHA AHAA OO LAGU QABTEY AQALKA BA RLAMAANKA INGIRIISKA OO
ARIMAHA SOMALILAND LOOGA HADLAY.

London (TNN)-Waxa malintii Jimcuhu soo galayeen ka dhacay aqalka
Barlamaanka dalkan In giriiska shir sanadle ah oo loo qabto dadka
Somalida ah ee degan dalkan Ingiriiska,shirkaa sanadlaha ah oo
macnihiisu yahay isweydaarsiga wararka iyo macluumaadka ayaa waxa
kasoo qaybgalay dad fara badan oo ay ka mid yihiin askartii dalkan
Ingiriiska ee joogi jirey Somaliland wakhtigii uu Somaliland
Ingiriisku xukumi jirey iyo dad fara badan oo ka kala yim id
Somaliya inteeda kale.Shirkan oo ah shir sanadle ah oo ilaa 1962
sanadwalba lagu qabto ayaa sanadkan ka duwanaa iyadoo aad moodo in
arimaha Somaliland si heersare ah looga hadlaayey.
Dadkii meesha ka hadlay waxa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Afrika
ahna commonweath office Henry Bellingham, M.P marka hore Somaliland
ku amaanay doorashada sida wanag san ee ay u dhacdey shacabka
reer Somalilandna ku hanbalyeeyey ka qaybqaadashada doorashada,
isagoo uu sheegay in aanan doorashada noocasi oo kale aanay ka
dhicin dalal badan oo aduunka ka tirsan aaduunkuna iminka uu usoo
jeestay.
Isagoo hadalkisii siiwata waxa uu
sheegay afar qodob oo uu marka hore ku bilaabey
*In dad fara badan oo British Somaliland ahi ay dalkan degan yihiin
deganayeena mudooyin fara badan sidaa daraadeed ay waajib nagu tahay
inaanu dhageysano fakarkooda iyo in wax lala qabto marka ay waxweyn
ka sameynayaan Somaliland.
*In mucaawimada aan Somaliland siino aanu u kordhin lahayn si ay wax
weyn uga qabtaan baahida jirta si ay dedaalka ay wadaan usii
kordhiyaan.
*In aanu ka caawino xaga nabadgelyada si ay uga hortagaan Alshabaab
hadii ay isku daydo inay soo fara galiyaan nabad galyada iyo
horumarka ay ku talaabsatey Somaliland hawlahoodana ayna noqdaan
Somaliland mid isku filan xaga nabad galyada.
*In budhcad badeeda xeebaha Soomaliya ku qafaasha maraakiibta aan
iska kaashano sidii looga hortagi lahaa si wada jir ah.
Waxa dadkii meesha ka hadlay isna ka mid ahaa Alun Michael, Labour
and Co-operative Pa rty M.P. for Cardiff South and Penarth oo ah MP
oo had iyo jeer hawlaha Somaliland aad u xiiseeya ahaana ninkii
maalintii dhaweyd Raysal Wasaaraha dalkan Ingiiiska David
Camaro on weydiiyey su’aasha qaaliga ahayd oo aad uga waramay kuna
farxan sida wanagsan ee ay Somaliland uga dhacdey Doorashada iyo
natiijadii kasoo baxdey sida ay xisbiyada laga guuleystay ugu
qanceen.
Waxa dadkii ka soo qaybgalay ka mid ahaa Wariyaha BBC Somali C/lahi
Xaji iyo C/salaam H ereri oo ah isna wariye caana oo dhamaan
Soomaaliya aadka looga yaqaano,iyo weliba aq oonyahano reer
Somaliland ah oo uu ka mid ahaa Ciid Cali Salaad oo kasoo kici timay
Cardif.
Waxa iyana kasoo qaybgalay madax ka tirsan dalkan Ingiriiska oo ay
ka mid ahaayeen Mic hall Walls iyo Steve Kibble oo iyagu ka
mid ahaa dadkii goobjoogayaasha ahaa ee joogay Somaliland markii ay
dooraashadu ka qabsoontey Somaliland 26 juun sheegayna inay aad ula
yabeen sida ay doorashadu u dhacdey iyo sida ay dadku ugu bisladeen
Nabada iyo hor umarka,
Waxa iyana kasoo qaybgalay dad Somali ah oo ay ka mid ahaayeen reer
Puntland oo aad ula yaabey sida ay dalkan Ingiriisku wakhtigan uu
dedaalka badan u sameynaayo oo mad axda dalkan Ingiriisku ay
aad uga hadleen arimaha Somalialnd oo aanay ka helin sida Som
aliland looga hadlaayey, iyadoo ka dib dadkuna ay su’aalo
weydiinayeen madaxdii kasoo qaybgashay oo dadkii kasoo qaybgalay ee
Reer Somaliland aadu faraxsanayeen sida ay madaxda dalkan Ingiisku
wakhtigan isha ugu hayaan Somaliland.
Waxay ahay runtii madal Somaliland u ah horumar ay ka sameysay xaga
arimaha Dibada oo dadkii meesha isugu yimid ay laba laba u wada
hadlayeen iyadoo madaxda iyo dadkuba ay ku faraxsanayeen sida
doorashadu Somaliland uga qabsoontey iyo sida wanagsan ee nati
ijada loo wada aqbalay iyagoo madaxweynaha ku guuleystay Ahmed
Maxamuud Siinaanyo ay tahay inuu dedaalka arimaha dibada sii xoojiyo
tasoo horseedi karta Ictiraaf.
Hamse Ahmed Salaan
London
hamse100@gmail.com
|