Shir
Lagu Taageerayo Shirkada Somcable Oo Hargeysa Ka Dhacay Iyo
Dhaleecayn Loo Soo Jeediyay Cida Ka Soo Horjeeda Djabouti.
Hargeysa Jan 10,2010 (TNN)-Siyaasiyiin, sulaadiin, waxgarad iyo
haween ka mid ah reer Somalila nd ayaa maanta markii ugu
horeysay shaaca ka qaaday in shirkada SOMCABLE
ay xaq u leedahay in ay dalka keento internetka.
Dhinacyadan ka mid ka ah bulshada ayaa isku raacay in shirkaddani ay
tahay mid waddani ah isla markaana aan lagu bedelan Karin kuwo aan
dalka laga lahayn
Waxa kale oo ay sheegeen in shirkada Somcable
xubnaha iska lihi ay yihiin kuwo dalkan iyo dad kanba wax ku
soo celi kara , isla markaana maanka ku haya sidii uu dalka u
horumarin lahaa.
Ugu horeyn Maxamed Odowaa Cigaal, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay
in aan shirkadan lagu doorsan Karin mid shisheeye, waxaanu ugu
baaqay dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay t aageero hiil iyo
hooba ah la barbar istaagaan shirkadan “Runtii shirkaddan
SOMCABLE, waa mid
wadani ah ,waxaanan leeyahay dadka meelahaas wax ka yidhaahda
habaarkiina isla hela.”
Maxamed Oodowaa Cigaal oo ka mid ahaan jiray xisbigii talada dalka
lagaga guulaystay ee UDUB, balse hadda ka mid ah xisbiga taladda
haya ee KULMIYE, ayaa maamulka shirkada
SOMCABLE ugu baaqay in ay sida ugu dhakhsaha badan hawshooda
u bilaabaan “Waxa aan leeyahay shirkadda
SOMCABLE, waa in aad sida ugu dhakhsaha badan hawsha u
gashaan, waxaanan leeyahay mar w alba waanu idin garab taaganahay.”
Ayuu yidhi.
Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Mujaahid Axmed Ibraahim (Indho),
waxaanu tilmaamay in shirkadani ay tahay mid dalka xaq weyn ku leh.
Waxa kale oo uu xusay in maamulka sare ee shirkadani ay yihiin kuwo
u dhashay dalkan, balse a anay ahayn sida loo sheegayo kuwo ka soo
jeeda dalal kale “Waxa aan leeyahay shirkadda
Somcable, waxa ay ka mid tahay shirkadaha ugu wadanisan,
waxaanan leeyahay dadka leh waa shirkadd meelo kala laga leeyahay
xaalku sidaas maaha.
Waxa kale oo aan raalli gelin buuxda siinayaa dalka aynu jaarka
nahay ee Djabouti oo ceebo iyo waxyaabo
aanay geyin lagula gal-galanayo.” Ayuu yidhi.
Wasiir xigeenkii hore ee warfaafinta xilligii dawladii UDUB Cali
Cilmi Geelle oo halkaas ka hadlay ay aa dalka aynu jaarka nahay ee
Djabouti xaal ka siiyay hadalo uu sheegay in ay ka soo yeedheen
siyaasiyiin reer Somaliland ah, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa
“Sida uu shirkeenu yahay waxa aan xaal siinaynaa dalka aynu jaarka
nahay ee Djabouti iyo waliba shirkada Somcable,
waxaanan leeyahay labada midnaba ma geyo xag-xagasho.
Runtii waxa ay tahay in la soo dhaweeyo cidii dalkan iyo dadkanba
faa’iido u leh, waxaanan aam insanahay in shirkadda
SOMCABLE ay dalka iyo dadkaba faa’iido
u leedahay.” Ayuu yidhi.
Suldaan Saleebaan Boqor Xasan oo isna halkaas ka hadlay ayaa si weyn
u soo dhaweeyay shirka dda Somcable ,waxaanu
dhamaanba shacabka ugu baaqay in meel looga soo wada jeedsato taa
geerada shirkadan oo runtii ah buu yidhi mid faa’iido dhaxalgal ah u
soo kordhinaysa dalka.
Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay xubno isugu jira ragg iyo
haween, kuwaas oo si la mid ah masuuliyiintii meesha ka hadashay u
soo dhaweeyay shirkada SOMCABLE.
Source: Hadhwanaagnews
|