shir jaraaid oo ay maanta wada yeesheen wasiirada ku sugaan
laascanod iyo agasimayaasha
Lasanod (TNN)-Waxaa maanta guriga gobolka kulan ku dhex maray
wasiiro ay kamid yihiin wa siirka gaashaandhiga Somaliland
saleebaan warsame iyo wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta cali
maxamuud axmed Cali sandule waxaa kaloo yana goob joog ahaa duqa
degmada canaab she awdaahir iyo ku simaha badhasaabka ahna
badhasaab ku xigeenka g/sool iyo xayn isu duwayaal ah.
waxaana kamid ahaa isuduwayaashaasha:
Isuduwaha Wasarada caafimaadka Dr Muuse Geele isuduha Wasaarada
diinta iyo Aw-qaafta Sh,cali gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka
sool Keyse cawil ladane iyo wasaarado kale oo ay kamid ahaayeen
wasaarada maaliyada iyo iyo maamulaha kastamada g.sool
Kulankan ayaa wasaarad walba ay kaga hadlaysey baahiyaha dhabta ah
ee wasaaradohooda ka jira.
Kulankaas kadib labada wasiir oo ay weheliyaan ku simaha
badhasaabka,duqa degmada iyo taliyaha ciidamada booliska ee gobolka
sool ayaa kormeer ku tagay dhismaha qaybta boliska ee laascaanood oo
dhawaanahanba dayactir lagu wadey.
Intii ay kormeerka ku joogeen dayactirka dhismaha qaybta booliiska
ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta
wuxuuna warbixin dheer ka bixiyey dhismahan iyo waxqabadka uu
bulshada tari doona,
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday Garaadadda ku sugan buurawadal
isagoo sheegay in garaadadu ay guryohooda ku soo laabtan kana soo
hoydaan ayda ay wareegayaan iyo dhirta ay hoos hurdaan ee dhaxantu
ku laysey.
Timacade News Network TNN
lasanod Office
|