SHIR GUDDOONKA GOLAHA WAKIILADA OO BOOQDAY XAFIISKA WAKIILKA  NORWAY EE OSLO



Xafiiska Somaliland Oslo, Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway Mudane Maxamed Maxamuud Aadan ”Liilan” oo halkaa ka yidhi ereyo soo dhaweyn ah waxa ereyadiisii ka mid ahaa: Waxa sharaf ii ah aniga oo ah wakiilka SL ee dalka Norway in aan weftiga miisaanka leh ee ka timi dalkeenii ku soo dhaweeyo xafiiska wakiilnimada, waa ilaahay mahadii in inaga oo Oslo joogna aynu calankeenii hoos fadhino oo ay inoo yimaadeen guddoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Ciro iyo Guddoomiye-xigeenka Mudane Cabdicasiis Samaale.

Guddoomiyaha Golaha wakiiladda JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo uu weheliyo Guddoomiye-Xigeenka Golaha Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa waxa ay shalay booqasho gaaban ku tageen Xafiiska wakiilka SL ee dalkan Norway.

Qolka shirarka (felles møterom), Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway Mudane Maxamed Maxamuud Aadan ”Liilan” oo halkaa ka yidhi ereyo soo dhaweyn ah waxa ereyadiisii ka mid ahaa: Waxa sharaf ii ah aniga oo ah wakiilka SL ee dalka Norway in aan weftiga miisaanka leh ee ka timi dalkeenii ku soo dhaweeyo xafiiska wakiilnimada, waa ilaahay mahadii in inaga oo Oslo joogna aynu calankeenii hoos fadhino oo ay inoo yimaadeen guddoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Ciro iyo Guddoomiye-xigeenka Mudane Cabdicasiis Samaale. Aad baynu isu naqaanaa guddoomiyaha iyo guddoomiye- xigeenka haddii aynu reer Norway nahay. Waxa aan leeyahay ku soo dhawaada waa safaarad waxa aynu ilaahay ka rajeynaynaa inagu waynu u aqoonsanahay safaarade in maalin maalmaha ka mid ah ay xagga kalena ka noqoto oo waxa inaga dhimani ay timaado, safiir buuxana aan noqdo.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda oo isna halkaa ka hadlay waxa ereyadiisii ka mid ahaa: waxa maanta farxad inoo ah in aan nimaadno guri ay leedahay JSL oo aad arkeysaan in calamadeedi ka taagan yihiin iyo xubno ka tirsan jaaliyadda norway iyo wakiilka SL ee Norway oo isna nagu soo dhaweynaya. Runtii farxad weyn bay noo tahay inaanu imaadno guri aanu leenahay qaran ahaan iyo jaaliyadd ahaanba. Waxa aan u rajeynayaa jaaliyadda SL ee Norway in ay la shaqeeyaan wakiilka oo ay taageero buuxda siiyaan si uu u guto waajibaadkiisa. Waxa aanan idiin sheegayaa in xafiisku aanu shaqeyn karin idinka la´aantiin, kolkaa dhamaantiin waxa aan idiin soo jeedinayaa in aad gacan siisaan wakiilka iyo ciddii kale ee la shaqeysaba. Sidaa safiirku sheegay in aynu noqono mustaqbalka dhaw wadan la ictiraafsan yahay, xafiiskuna noqdo safaarad buuxda.

Mudane Cabdicasiis wuxu isna halkaa ka yidhi farxad bay noo tahay, marka wefti ka yimi dalkii uu yimaado dalka JSL ku leedahay xafiis runtii farxad weyn baad dareemaysaa, waxtarna wuu u yeelan doonaa dhamaan dadka reer SL ee ku nool dalkan Norway. Ciddii halkan timaada ee masuuliyiin ahina meel ay kula hadlaan dadkooda ama xafiis iyaga matalaya, matalaya dawladda SL, calankeedii iyo jiritaankeedii shay sahlan horta ma aha. Waxan ilaahay uga baryayaa safiirka Maxamed iyo ragga kale ee safaaradda kala shaqeeya iyo dhamaan jaaliyadda SL ee reer Norwayba in xafiiskani noqdo mid waxtar yeesha. Waxa aanan u rajeynayaa in xafiisku noqdo kii xidhiidhka SL iyo Wadanka Norway wax badan ka qabta.

Waxa iyaguna goobtaa ka hadlay wakiiladda xisbiyadda mucaaridka ah ee Kulmiye iyo Ucid MudaneSulub iyo Mudane Cali Cidin oo iyaguna ka hadlay muhiimadda xafiisku u leeyahay jaaliyad ahaan iyo guud ahaan dadka reer Somalilanba.



Source: RMN