Shir Caalami Ah Oo Lagu Gorfeenayo Waxqabadka UN-Ka Iyo Doorka Horumarineed Ee Saxaafadda Somaliland Oo Ka Furmay Magaaladda Hargeysa

 

 



waa muhiim in la fahmo Inay Somaliland hormar fiican ka muujisay qorshihii aanu ugu talo gallan ay..." Mark Bowden Daawo Sawiradda



Hargeysa (TNN)- Waxa maanta si toos ah uga furmay magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland shir caalami ah kaas oo lagu gorfeenayo isla markaana diiradda lagu saarayo Waxqabadka UN-ka iyo doorka horumarineed ee Saxaafadda Somaliland ku lee dahay wax qabadka dalka.

Kulankan oo maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimaha Bina aadamnimada Soomaaliya Mark Bowden, Wasiiradda Arimaha DIbadda, Madaxtooyadda, Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha, iyo Masuuliyiin kalle oo fara badan kuwaas oo ka kala socoday hayadaha kala duwan nee qaramadda Midoobay iyo XUkuumadda Somaliland .

Ugu horeyn Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimaha Bina aadamnimada Soomaaliya Mark Bowden oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in ay sii waddi doonaan mucaawimadda iyo gargaarka ay siiyaan Somaliland, waxana uu si qoto dheer uga warbixiyay waxyaabaha ay UN-tu ka qabto somaliland, isaga oo si adag ugu nuuxnuuxsaday in Somaliland tahay dawladd nabadoon, balse waxa uu tilmaamay in ay jiraan baahiyo badan oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

Mark Bowden waxa uu tilmaamay in ay goboladda Somaliland intoodda badan ay gaadhsiiyeen gargaar kala duwan, waxana uu intaas ku daray in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan siddii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka, isaga oo si adag ugu carabka ugu dhuftay in ay horumariyeen dhinacyadda Waxbarashadda, Caafimaadka, Biyaha, iyo tobabaridda Booliska

Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimaha Bina aadamnimada Soomaaliya Mark Bowden waxa uu sheegay in ay xidhiidh joogta ah la lee yihiin isla markaana ay wadda shaqayn toos ah ay ka dhaxayso iyaga iyo Golaha Deegaanka, Wasiiradda, Madaxtooyadda, Wakiiladda iyo Guurtidda “waxaanu si toos ah ula shaqaynaa Golaha Wasiirrada,Maayarrada magaalooyinka iyo NGO-yada waxaanan ugu talo gallanay in ay qaybtooda ka qaataan xoojinta nabad galyada dalka iyo dadka” ayuu yidhi Mark Bowden

Mark Bowden waxa uu sheegay in ay Somaliland siiyeen Mashruuc dhan 140 Milyan oo Dollar, waxana uu intaasi ku daray in ay sii waddi doonaan wadda shaqaynta iyaga iyo Somaliland “waxaanu Somaliland siinay $140 Millyan Dollar waxaana aanu sii wadi doonaa inaanu sii ballaadhino mucaawimada aanu ku bixino Somaliland” ayuu yidhi Mark Bowden.

Mr Mark Bowden oo ka hadlayay safarkiisii shalay uu ku tagay magaaladda Burco ayaa sheegay in uu safarkiisani ahaa hawlihasa shaqo ee uu ka hayo UN-ta waxana uu sheegay in xafiiskoodii ugu horeeyay ee dalka ay ka furteen Magaaladda Burco, waxana uu amaan balaadhan u soo jeediyay in sanadkii horre mashruuc dhan 140 malyan ay soo gaadhsiiyeen dalka kuwaas oo uu tilmaamay in ay dhamaantood u baxeen sidii la rabay isaga oo intaas ku daray in uu mashruucani diiradda saarayay Dhanka, waxbarashadda, caafimaadka , Nabadgelyadda, Maamul wanaaga, iyo arimo kalle.

Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay u qaabilsan Arrimaha Bina aadamnimada Soomaaliya Mark Bowden, waxa uu sharaxaad dheer ka bixiyay in ay diyaar u yihiin in qaramada midoobay ay balaadhiso howla-hooda shaqo ee ay ka hayaan Somaliland “Somaliland waxaanu ugu tallo gallanay shanta sanno ee soo socdda mashaariicdii aanu ku bixin lahayn si aanu ugu qayb qaadano hormarka dalka” ayuu yidhi Mr Mark Bowden.

Mr Bowden waxa uu amaan balaadhan u soo jeediyay Somaliland waxana uu sheegay in horumarka Somaliland ay gaadhay aanuu ahayn mid indhaha laga qarsan karo “waa muhiim in la fahmo Inay Somaliland hormar fiican ka muujisay qorshihii aanu ugu talo gallanay ee ku salaynsaa waxa loo yaqaano ka midho dhalinta hadafka ah Milliiniyam goolka” ayuu yidhi Mark Bowden.

Mr Mark waxa uu xusay inay hadda wixii ka dambeeya ay adeegsan doonaan Warbaahinta si loo muujiyo waxyaabaha ay ka qabanayaan dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed Cabdiilaahi Cumar oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in uu shirkani muhiimad gaar ah u lee yahay dalka isla markaana kulankani uu diiradadda saarayo doorka saaxafaddu ku lee dahay dalka.

Wasiir Maxamed C/laahi waxa uu sheegay inay Somaliland si weyn ugu mahad celinayso UN-ka maadaama ay qaybo muhiim ah ka caawiso, waxana uu intaas ku daray inay Somaliland ku tallaabsatay hormar baaxad leh taasi oo ay tusaale u tahay inay hoos u dhacday dhimashadii caruurta ee ku dhiman jirtay Somaliland iyo sidoo kale dumarkii u dhimanjiray Ummul-aroorka,

Wasiirku waxa uu xusay in hormarka Saxaafadda Somaliland uu ahaa mid soo kordhayey xilliba xilliga ka dambeeysa, inkasta oo sheegay in ay jiraan dhaliilo la xidhiidha xagga ilo wareedyada iyo meelaha ay ka soo xiganayaan waxaanu ku booriyey inay wararkooda ku saleeyaan waxyaabaha dhabta ah ee dalka ka jira “warbaahintu waa inay wararkooda ku saleeyaan dhexdhexaad nimada iyo runta” ayuu yidhi isaga oo intaa ku daray “waxaan ka codsanayaa Hay’adaha dhaqaalaha bixya inay caawiyaan Saxaafadda Somaliland “UN ka iyo Hay’adaha caalamka waxaanu ka codsanayna inay saxaafadda Somaliland ka caawiyaan ka qaybgalka shirarka caalamiga ah”
 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland