War-Murtiyeed Saddex Qoddob Ka Kooban Oo Lagu Cayimay Xilliga Uu Qabsoomayo Shirweynaha SACAD MUUSE,Halka Lagu Qabanayo Iyo Magaca Loogu Yeedhayo.

 




Hargeysa (TNN)-Guddiga qabanqaabada shirweynaha beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeys a (Sacad Muuse) ayaa kulankoodii u horeeyey ku cayimay xilliga iyo goobta uu ka qabsoomayo sh irka beeshu. Guddida oo xalay Saxaafadda kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa sidoo kale soo bandhigay Magaca loo yeedhayo shirweynaha iyagoo halkaa ka akhriyey War-murtiyeed Saddex qoddob ka kooban oo Nuxur ahaan ku dhereran qabsoomida shirka.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Afhayeenka guddida fulinta ee beesha Sacad Muuse, Mr. Ma xamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka), isagoo akhriyey War Murtiyeedkooda, waxaanu yidhi. ?

Maanta (Shalay) waxa kulankoodii ugu horeeyey isugu yimi guddida fulinta ee lagu doortay shirweynihii beesha Sacad Muuse ee Maansoor ka dhacay, waxaanay soo saareen War Murtiyeedkan oo ku saabsan goobta uu shirku ka dhacayo iyo magaca shirweynaha. Waxaa laysla gartay inuu Magaca shirweynuhu noqdo:


1- Shirweynaha Hoodaale ee Beesha Sacad Muuse

2- Goobta uu ka dhacayaana Waa Geed-deeble

3- Waqtiga uu shirku dhacayaana waa Dhammaadka bisha June ahna 24-keeda.? Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Guddida fulinta ee beeshu Maxamed Cabdi Ismaaciil.



Dhinaca kale waxa uu Afhayeenku Baaq u diray qaybaha kala duwan ee beeshu ka kooban tahay meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibbedaba, "Guddidu waxa ay baaq u dirayaan odayaasha, waxgaradka, haweenka iyo dhammaanba meel kasta oo ay beeshku joogto Afrika, Aasiya iyo we liba Ameerika, waxaanan ugu baaqaynaa inay ka qayb qaataan shirweynaha. Waxa kale oo uu Afhayeenku tilmaamay in haddi wax is beddel ahi ku yimaado hawsha qabanqaabada ay guddidu la socodsiin doonto bulshada.


Waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha guddida Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, waxa ana uu hadalkiisa ku bilaabay, "Afhayeenku Wuu Mahadsan yahay waana sida uu idin sheegay Annaguna waxaanu nahay guddi qabanqaabo oo marka shirka la isugu yimaado hawshooda wareejin doono".

Waxa kale oo guddoomiye Sh. Cabdiqaadir Meesha ka saaray Ajandaha la filayo in lagaga hadlo shirweynaha beesha, ? Shirku waa shir dadka isu keenaya ee waxa suuqa laga sheegayo waxba kama jiraan, wax siyaasad ahna kuma lug laha, waa shirweyne lagaga hadlayo danta iyo horumarka beesha waxaana gadh wadeen ka noqon doona oo hormood u ah salaadiinta iyo madax dhaqameedka annaguse waanu diyaarinaynaa uun qabanqaabadiisa". Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Magacyadda Xubnaha guddida :



Sh. Cabdiqaadir Xaaji Jaamac- Guddoomiye

Yuusuf Warsame Cali-Guddoomiye ku xigeen

Eng. Xuseen Cabdi Cali-Xog-haye

Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka)-Af-hayeen

Cabdi Xuseen Ismaaciil Khasnaji

Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil-Xubin

Siciid Cilmi Tukaale-Xubin

Maxamed Cige Ibraahim-Xubin

Maxamed Cabdi Daauud-Xubin

C/wahaab c/laahi xasan-xubin

Cismaan cali cade-xubin

Maxamed c/laahi ibraahin-xubin

Xasan ismaacil bookh-xubin

Axmed ismaacil saban xubin

Khadar ibraahin dugsiiye-xubin

Maxamed cabdi alamagan-xubin

Cali mamaxed muuse-xubin

Axmed iismaacil- Xubin

Maxamed adan yuusuf xubin

Sacad cali cismaan xubin

Maxamed duraan ciise xubin

C/laahi xauseen xasan xubin

Xuseen maxamed rodol xubin

Cabdi maxamed dhiiriye xubin

Axmed cali dable xubin

Cali adan samater xubin

Axamed ismaciil maxamed xubin

Maxamed nuur ducaale xubin

Cumar xaaji maxamuud cismaan xubin

Ismacil aw xasan adan xubin

Axmed cabdi jabane xubin

Yaasin jaamac cartan xubin

C/xakin ibraahin ismaacil xubin

Adan ismaacil xuseen xubin

Nuux aw-cali xubin

Quraysh xasan maxamuud (chief caaqil) xubin

Siciid cabdi shiil xubin

Cabdi jaamac cabdilaahi xubin

Yuusuf cabdilaahi shabeel xubin?.


Source:Hadhwanaag