“Mucaaridku Wuxuu Ka Yimaadaa Wakiilada, Markii 2-dii Xisbi Ay Qabsadeen Hogaankii Golaha, Waxaanu Sidaas U Samaynay In La Helo Mucaarid Awood Leh, Shirguddoonkiina Waxa Uu Ku Milmay Xukuumada”
 

 


“Shir Danbe Oo Soomaalidaasi Iskugu Timaado Oo Aan Inaga Ina Khusaynin Inaynu Ka Qaybgalno Waanu Ka Soo Horjeednaa”
Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (TNN) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa she egay in Shirgudoonka Golaha Wakiiladu ku milmeen xukuumadda, isla markaana ay burburiyeen nid aamkii Mucaaridnimo ee Axsaabta, kaas oo tilmaamay in Xildhibaanadii Baarlamaanka ay Wasiira du Amrayaan, kuwaas oo uu ka dhawaajiyey inaanay ummadda Matali Karin.

Eng. Faysal Cali Xuseen waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu Xalay Wargeyska Haa tuf ku siiyey khadka tilifoonka isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale uu kaga ha dlay khilaafka Xildhibaanada Kulmiye iyo dawladda u dhaxeeya, sheegayna inay Xaq u leeyihiin Mas uuliyiinta xisbigaasi inay dawladda kula xisaabtamaan Barnaamijka Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe waxa uu xukuumadda uga digay inay isku day do in Wada-hadalka Soomaaliya la filayo in lala yeesho inay isku koobto kalideed, isla markaana til maamay inay ka soo horjeedaan shirkasta oo aan Somaliland dani ugu jirin oo lala yeesho Soomaali ya. Ugu horayn isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Marka ugu horays a aniga oo ku hadlaya afka Somaliland iyo ka xisbiga UCID-ba waxa aan jeclahay inaan tacsi u diro Alle ha u naxariistee Sh. Mukhtaar oo ah Guddoomiyihii Baarlamaanka ee Soomaaliya ee Lixdamaa dkii, ninkaas oo runtii ahaa nin qiimo badan oo gacanwayna ka gaystay wakhtigii uu noqonayey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isla markaana Kaamayn badan u galay sidii uu Ina Cigaal u noqon lahaa Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya, markaas Marxuumkaas oo abaal badan inagu lahaa waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ehelkiisii iyo asxaabtiisii inuu Samir iyo iimaan ka siiyo, isagan Naxariistii Jano ka waraabiyo ninwayn oo ehlu salaad ah ayuu ahaaye”.

Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey hadalada ka soo yeedhay Madaxwaynaha Soomaaliy a iyo Ra’isal Wasaarihiisa, waxa uu yidhi “Waan maqlay in Madaxda dawladda TFG-da isku sheegay saa inay waxay doonaan iskaga hadleen, laakiin waxa weeyi qof waliba waxa uu jecel yahay ayuu u hadlaa laakiin xaqiiqada sidaas way ka duwan tahay oo xaqiiqadu waxa weeyi shacbiga reer Som aliland dawlad-nimadoodii barigii hore ayey duco ku bixiyeen, waxaanay kula soo noqdeen halgan dheer oo dhiig badan ku daatay isla markaana maalbadani ku baaba’ay, markaa ninkastaa ha iska hadlee waxay noqonaysaa uun taas shacbiga reer Somaliland go’aansaday ee uu hadana Dimuqra adiyada ku daray oo ay Nabad iyo Wanaag iyo Niyad sami ku dareen, isla markaana Saamaxaada ku dareen taas ayuun bay noqonaysaaye waxba hadalkooda yeynaan ka soo qaadin. Inaka waxa ina khuseeya inaynu tixgalino go’aanadii laga soo saaray shirkii bishii labaad Magaalada London ka dhacay ee odhanayey waa in la wada hadlaa”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya Mabaa’diida ay kala wataan Somaliland iyo Soomaaliya marka ay miiska wada-hadalka iskugu yimaadaan, waxa uu yidhi “Labada Mabd’a ee ay kala wataan Somaliland iyo TFG-gu waa run oo inaga waxa inaga go’an inaynu Madaxbaanideena difaacno oo waxaynu isku dayeynaa inaynu ku qancino TFG-da iyo dawladaha ka danbeeya ee Soo maaliya-ba sidii ay inoo aqoonsan lahaayeen oo aynu u noqon lahayn laba dawladood oo jaar ah, dawladda Soomaaliyana waxay wadataa oo la ogyahay inay ka hadasho Midnimadii lagu hungoo bay ee dhibaatada ina baday, mida kale waxa jira marka laba dawladood Caalamku leeyahay ha wada hadlaan oo arimahooda ha ka wada hadlaan, waxa la yidhaahdaa uun ummadaha kala adka an waaya sidii Waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan oo kale marka dhiig badani ka daato ayaa si dagaalka iyo dhiiga loo joojiyo la yidhaahdaa wada hadla, markaa inagu dawladdii Maxamed Siyaad Barre ayeynu la dagaalay oo nimankan imika jooga Soomaaliya markaa waxba kamay ahayn mees ha, dawladaas oo isku dayday inay xoog ku joojiso kacdoonkii ummadda Somaliland, isla markaana cagta marisay oo dhagta dhiiga u dartay dad badan oo aan waxba galabsan dagaalkaasina mudo 10 sano ka badan ayuu socday oo Ilaahay ayaa mahad lehe waynu iska celinay, markaa nimankan TFG-du cidna wakiil kama aha oo lama soo dooran oo nimankaa uu midna Maraykanka looga keenay oo uu joogay 8 bilood, Sh. Shariifna 2009-kii ayey 500 qof oo dibada laga keenay ay ku doorteen Dalka Djibuoti, laakiin go’aanka Somaliland waxa la wada ogyahay inuu yahay go’aan shacbi oo waxa badali kara uun go’aan shacbi”.

Eng. Faysal Cali Waraabe mar wax laga waydiiyey Natiijada Somaliland ka dhaxashay shirkii dabaya aqadii bishii hore ee May ay kaga qaybgashay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxa uu yidhi “Anigu waxaan qabaa mar hadaynu shirkii London ka qaybgalnay oo qodobka Lixaad ka soo baxay in qodobkaas 6-aad sidii uu u hirgali lahaa aynu ka shaqayno oo aynu wada-hadalkaas la galno TFG-da iyo wixii badalaba. Wixii mucaawimo dunidu tidhaahdo waan siinayaana ay inaga oo dawlad ah gaarkeena la inoo siiyo oo intaynu wafti u dirno aynu nidhaahno waanu kala baxnay nimankaas oo wada-hadalkii aanu ku kala baxaynay wuu noo socdaaye waxayaga gaar noo siiya lagu yidhaah do dunida, shir danbe oo Soomaalidaasi iskugu timaado oo aan inaga ina khusaynin inaynu ka qayb galno anagu xisbi ahaan waanu ka soo horjeednaa”.

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Xuseen mar la waydiiyey sababta ay gabeen Mucaaridadii looga ba rtay ee ku dhacay toosintii wax u sheegii looga bartay axsaabta Mucaaridka, waxa uu yidhi “Dawla d aan Mucaarid lahayni dawladd noqon mayso, Mucaaridkuna halka uu marka ugu horaysa ka yima adaa waa Golayaasha oo waa Golaha Wakiilada oo markii hore ahaa Saddex Xisbi, isla markaana labadii Xisbi ee Mucaaridka ahaa ay qabsadeen Hogaankii waxaanu u sidaas u samaynayna waxa uu ahaa in la helo Mucaarid awood leh oo dawladda toosinkara, laakiin markii uu Shirgudoonkii Baarlamaanku noqday Hogaan ku milmay dawladii talaabada ugu horaysa ee inala gudboon waa in marka ugu horaysa la saxaa khaladkaas oo la toosiyaa arimahaas, isla markaana taladu ay Muxaafinimadan ay wada noqotay ay ka wareegto oo Xisbiyada UCID iyo UDUB ay sameeyaan Shirgudoon adag oo dawladda la xisaabtama. Waxaan la yaabay oo aan maalin dhawayd maqlayey nin Wasiir ah oo Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan ku leh inoo soo sameeya Sharci aad dawladda ugu xalaalaynaysaan inay kalideed wada-hadalka Soomaaliya la gasho oo cid kale aanay ka qaybgali Karin, markaa Baarlamaan Wasiiradii Amrayaan shacbiga kama noqon karo wakiil. Markaa waxaan rajaynayaa hada inaanu is abaabulno oo UDUB iyadu waa tan Kiiskoodii dhamaanayo oo waa kuwa ay Ururo cusubi soo baxeen inkasta oo qaarkood farta lagu fiiqayey, isla markaana waxa nalooga fadhiyaa inay cadaato cidii xisbigeeda u furatay inay talada dalka ku guulaysato oo inta ay Mucaaridka tahayna inay saxaan khaladaadka xukuumada u soo diyaargarawday iyo cidii ujeedo kale u furatay”.

Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey Khilaafyada nugleeyey xisbul Xaakimka Kulmiye iyo UDUB, waxa uu yidhi “Khilaafka Kulmiye iyo UDUB ka dhex taagani waa mid iyaga dhexdooda ah oo ay ka heshiin karaan manuu ahayn khilaaf dibada kaga yimid oo dad shisheeye ahi wadeen, Khilaafkii anaga barigii na soo dhexgalay wuu ka duwan yahay oo kaasi waxa uu ahaa mid gacmo shisheeye ku jireen oo Saaxiibkay iyo qoladii igu kacdayba waa la igu soo diray oo gacan shisheeye ayaa ku jirtay. Markaa waxa aan jeclahay oo aan ugu baaqayaa inay khilaafkooda inay iyagu dhexdooda dhamaystaan oo ay kaayagii ku Cimro-qaataan, waxaananu rabnaa inaanay Axsaabtu isku jeedsan ee shaqadii loo soo doortay ay qabsadaan”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya khilaafka soo kala dhexgalay Xildhibaanada Kulmiye iyo xukuumadda talada haysa, waxa uu yidhi “Mucaarid iyo Muxaafidba xaqbay u leeyihiin inay dhexdooda is toosiyaan oo wixii khaldan ee ay arkaan ay isku sheegaan, dawladuna waa inay ku socotaa Barnaamijka iyo Siyaasada Xisbigeeda mana fiicna in khalad iyo cunfi laga dhigo waana inay iyagu dhexdoodana iska toosiyaan oo ay shirarkooda isku toosiyaan, kolay inaanay Warbaahi nta isku dhaliilin oo ay dhexdooda isa saxaana way fiican tahay”.

Faysal Cali Waraabe mar wax laga waydiiyey halka ay ku danbeeyeen wada-hadaladii la sheegay inay u socdeen xisbigiisa iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxa uu yidhi “Jamaal Cali Xuseen waa nin aqoon yahan ah oo aanu in badan saaxiib ahayn, isla markaan marar badan gacan i siiyey oo waa nin dhalinyar ah oo qiimo leh, anaguna maadaama oo aanu Xayeysiinayno oo aanu nidhi Mu sharaxnimadayadu way furan tahay oo qofkii aanu u aragno inuu Xisbigana kor u qaadayo dalkana waxbadan ka qabankaro waanu gacansiinaynaa, markaa Jamaal iyo qayrkiiba waanu soo dhaway naynaa oo way naga go’an tahay inaanu xisbiga dhisno oo uu noqdo xisbiga UCID mid 100 sano iyo ka badanba jira oo la kala dhaxlo, markaa waanu soo dhawaynaa hadii uu Jamaal Cali Xuseen nagu soo biiro, hadii uu UDUB sii joogana waanu soo dhawaynaynaa oo laba xisbi oo Mucaarid ah ayaanu nahay”.

Ugu danbayn isaga oo ka jawaabaya sida uu u arko dhacdadii lagu weeraray guddoomiyihii Maxka mada gobolka Maroodi Jeex C/rashiid Duraan, waxa uu yidhi “Marka ugu horaysa waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu Guddoomiyaha Maxkamada ee la dhaawacay uu dhaawiciisaas uga dhigo nabar gardaro, isla markaana Kiiskaas dawladu gacanta ayey ku haysaa oo waa inaynu ka warsugno baa dhistaas, laakiin waxaan leenahay dhacdadaasi may ahayn wax aynu dhaqan u lahayn oo waxa jira dad badan oo Nabad galyadeena iyo Horumarkeena necebe aynu Nabadgalyadeena ilaashano oo yaan inaga la ina dhex dhigin shaki, bulshadana waxaan leeyahay indhihiina kor u qaada oo aynu wada jir u ilaashano dalkeena”.
 

Source:Haatuf