“Shinni Caydha Ayaa Dalkii Ku Dagtay, Wax Allaale Iyo Wa xay Ka
Tagayaan Ma Jirto, Waxaanu Codsanay Inaanu Ar rinkan…Laakiin Immika
Waa La Isu-badheedhayaa” Cali Guray
Hargeysa(TNN) – Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland ee
UCID iyo Waddani, ayaa Mudaneya asha Golaha Wakiilada ku eedeeyey
inay adduun lacageed dhaafsadeen masuuliyaddii shac abku u igmaday,
iyaga oo mar labaad sheegay in Gobalada, Degmooyinka iyo Tuulooyinka
Dal ka oo dhan ay ka dhigayaan Mudaharaad lagaga soo horjeedo dhaqan
galinta Xeerkan.
Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo fadhiyadoodii u
dambeeyey doodo ka yeelan ayay ansixinta Xeerka Takaaliifta
Waddooyinka, badankooduna ka soo horjeedeen in xeerka asi la ansixiyo,
ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerkaas oo laba
todobaad ka hor madaxtooyadu u soo gudbisay.
Labada xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani, waxa ay madaxweyne
Siilaanyo uga digeen dha qan-gelinta Xeerka Takaalifta Horumarinta
Waddooyinka ee Golaha Wakiilladu Ansixiyeen, iyaga oo xukuumadda
madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey meel-ka-dhac iyo ku tumasho ay ula
badheedhay shuruucda iyo dhaqaalaha dalka.
Masuuliyiin ka tirsan laba xisbi Mucaarad oo shalay shir-jaraa’id ku
qabtay xarunta Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa, ayaa dhinacyo
kala duwan dhaliilo uga jeediyey xukuumadda Xisbiga Kulmiye.
Guddoomiye ku-xigeena 3aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Guray)
oo ugu horreyn shirkaas jaraa’id ka hadlay, waxa uu ku dooday in
mudaharaadka mucaaradu u baaqay yah ay mid sharciga dalka waafaqsan
isla markaana ay xaq u leeyihiin, waxaanu yidhi, “Shinni Caydha ayaa
Dalkii ku dagtay, geedka Midhaha iyo Caleenta ayay ka cunayaan oo
waxay gaadhayaan ilaa xididka, wax allaale iyo waxay ka tagayaan
majirto. Waxaanu codsanay inaanu arrinkan mudaharaad ka samayno,
laakiin immika waa la isu-badheedhayaa. Marka anigu aan mucaarad
nahay mudaharaaadku waa sharci, marka anigu aan kursiga ku fadhiyo
mudaharaadku waa madnuuc ayuu Axmed Siilaanyo marayaa,”ayuu yidhi
Mujaahid Cali Guray, waxa uu oo uu sheegay inay soo socdaan Xeerar
kale, waxaanu yidhi, “Waad ogtihiin inay fashilmeen mashariicdii
dalka ugu waa waynayd, markaa wax Ummaddan waddo loogu dhisaayo
anagu isma hortagayno, kamana hor imanayno. Waxaanu ognahay waddadii
lagu dhisilahaa Berbere iyo Wajaalle meeday lacagteedii.? Waxay
talaa Magaalada Nairobi.
Waxaana sharuud lagaga dhigay haddaan Xirsi
loo dhiibayn ma ogolanayno inaad waddadaa s dhistaan, halkana waxa la
leeyahay lacag bixiya lagu sameeyo waddooyinka. Waxaynu og nahay in
Baarlamaanka ay xukumaan Odayga iyo saddex Inan oo Odayguna meesha
inagu Xukumin. Lacag ayaa laynaga samaynayaa, haddii aad diidi
lahaydayna meel ay ku joogsan ay saa majirto, waxaana soo socda qaar
kale oo wax loo saarayo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha 3-aad ee Xisbiga
Ucid, waxa kale oo uu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan
xilliyada xilligii ugu adkaa, waxaanu yidhi, “Waxaan shacabka ugu
baqayaa inay u diyaar garoobaan Xilliyada Xilligii ugu adkaa ee
22-kaas sanno soo maray dalkan xaalad ka mid ah u diyaar garooba.
Xaaladaasna cidda inagalinaysa waa Inamadan kibray ee aan ragg waxba
is-kaga tirinayn ee lacagtii Ummadda laga qaaday ku laalushaya
Xildhibaanaddii Golaha Wakiilada ee intay Culumada uruuriyaan ee
Madaxtooyada geeyaan odhanaaya waxaanu nahay dad ka naxaaya Umadda,
iyaga oo tuug ah. Cabdillaahi Cukuse oo inuu u dhashay iyo inuu ka
dhashay annaan garanayn-ba, wannaaga ay la jecel yihiin ee anagu
aanu la jeclayn muxuu yahay.? Waanu ku dhalanay kan, waanu u
dagaalanay oo intii aanu garanaynay ayaa u baaba’day, markaa anigu
xabad ayaan ku difacayaa.”
Cabdirashiid Maxamed Cali oo ka tirsan masuuliyiinta sar-asare ee
Xisbiga Waddani oo isag una ka hadlay shirkaas jaraa’id, ayaa sheegay
in markii u horaysay ee Taariikhda Somaliland Golaha Wakiilada
aqlabiyadoodu ay isku raacaan wax uu uguyeedhay Xeer xaaraan ah,
waxaanu yidhi, “Maanta waxa yaabka ihi waxa weeye waa markii u
horaysay ee Tariikhda Somaliland 70 iyo dheeraad Mudane ay soo
fadhiisatan Golaha wakiilada. Konton iyo dheera adna ay Xeerka
xaraanta ah u codayso. Waxaan idiin sheegaynaa in Xildhibaanadii aad
doorateen ee aad xilka u dhiibateen ay runtii noqdeen ragg ku
codeeya lacagta Berbera hab eenkii lagala soo guureeyo, loona
qaybiyey, markaa waa nasiib-daro ku dhacday shacabka, ’ayuu yidhi
Cabdirashiid Maxamed Cali, waxa kale oo uu sheegay in Xisbiga
Waddani iyo Ucid ay diyaarinayaan mudaharaad waxaanu yidhi,
“Xisbiyada mucaaradka ahi waxay diyaarinay aan mudaharaad.
Mudaharaadkaas oo ka dhicidoona Degmo, Tuulo, iyo Gobalkasta oo ka
mid ah Somaliland. Xeerka Baarlamaanku soo ansixiyey haddii
Madaxweynuhu saxeexo in loogu daato Madaxtooyada oo lagu tago
Kursigiisa ayay gaadhsiinayaan Xisbiyada Mucaaradka ah. Waxaanu
Madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu Xeerkaas isku saxeexin oo uu ka
dhigin Xeer Qaran.”
Md. Cabdirashiid Maxamed Cali sidoo kale waxa uu sheegay in dalka ay
ka dilaacday baadha sho, kaas oo ku dooday in Hargeysa guriga lagu
galiyo Biyaha laba Milyan oo shilin Somalilad ah, waxaanu yidhi,
“Maanta waxa laga hadlayaa Xoolaha iyo gaadiidka oo Cashuur la
saar ay, lakiin xaqiiqdii arrintu intaas way ka fog-tahay oo Dalkan
baadhasho ayaa ka bilaamant ay. Waxaad ogtihiin Biyaha Hargeysa
guriga waxa lagu galin jiray 400 oo shilin Somaliland ah. Maanta
Guriga waxa biyaha lagu galiyaa laba Milyan oo shilin Somaliland ah.
Maherada waxa lagu galin jiray saddex boqol oo kun. Maantana waxa
lagu galiyaa saddex Milyan, mark aa Islaanta muqaaxi furatay ee inay
ka faa,iidayso iyo inkale ogayn halkay ka keenaysaa sa ddexda Milyan
ee ay biyaha ku gashanayso. Waxa loo badhay in jeebabka la buuxsado,
m a rkaa waxaanu leenahay Ummaddani maqaadi-karto, mana buuxinayso
jeebabkan. Shacabku iyaga ayaa Kulmiye doortay maantana haddii ay
iska celin oo iyaga ayay awoodu ku jirta gacantooda is-kaga celin
dhakhaale majiraay
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliand
|