Mustashaar Ahmed Arwo: SHILINKA SOMALILAND, SICIR BARARKA, ZAADKA
IYO QIIMAHA DOOLARKA

Waxaa ayaamahan Wasaaradda Maaliyaddu ku hawlantay la-dagaalanka
sicir bararka oo ah hadaf weyn una baahan in bulshada loo iftiimiyo
danta ku jirta iyo culayska laga dulqaadaayo. Waxa ayaan darro ah in
warbaahinta dalku ayna danaynin waxa sida too ska ah u taabanaaya
nolosha muwaadinka. Mucaaridkuna noqday mid aan dhaafsanayn dan
shakhsi keliya oo kursi loo doonaayo. Laga hadlimayo waxa dadka loo
qaban doono, lagana hawl gali maayo waxa hadda socda. Ma lihi ha
laga baxo xukun doonka mucaaridk a oo waa mid qaranku u dhisan yahay,
laakiin mucaaridku ha la yimaado barnamajyo um madda wax tara, hana
ka qayb qaaaan kuwa socda ee ummadda lagu hormarinaayo, ha dduu
dhaliil u hayana ha keeno dhaliisha oo wadata toosinteeda.
Maanta waxaan wax ka odhan doonaa sida loogu baahan yahay in qiimaha
doolarka ee cunaha iskaga keen duubay aynu iskaga furno.
Waxa xukuumad ahaan lagu dhaqaaqay arrin aad u wacan oo ahayd in
lala dagaalamo sicir bararka curyaamiyey nolasha danyarta oo waliba
ah mid aynu inagu si toos ah u abuurnay oon lahayn sal nidaam
dhaqaale bal se ku yimid talo xumo aan la qorshayn. Arrintaas waxa
muuqata in la xagal daacinaayo oo cid dano gaar ah lihi
carqaladeyna yso.
Waxay ahayd bilow wacan in ZAADka iyo lacagaha kale ee electronic
ahi noqdaan qaar ah Shilinka Soomaliland.
· Taas waa in lagu qasbaa oon sinaba looga yeelin xal dhexe oo
oggolaanay inay isbarb ar socdaa mid doolar ah iyo mid shilin ihi,
waayo cidina ma qaadanayso kan shilinka ah oo dadku waxay u barteen
doolar.
· Teeda kale waa in xukuummaddu cashuuraha iyo biilasha kale
dhammaan ku qaadaa Shilin, kuna bixisaa shiln.
· Waa in wax kasta lagu kala iibsadaa shilinka. Kuna qasabtaa in
lacagta wax lagu kala iibsanayaa dhmmaan meel kasta ay ahaataa
shilinka.
· Qandaraas iyo shaqooyinka muwaadin iyo ajanabiba dhammaan waa in
lagu bixiyaa laguna xayeysiiyaa shilinka Somaliland
Ma dhici karto inuu kolna hoos u dhaco qiimaha dolarku waayo lacagta
dalka ayey noqotay oo kolka khrash kordhaba iyo kolka dhaqaale
kordhaba waxa kordhaya dalabka doolarka. Lamana jabin karo oo
dalabkiisa ayuunbaa sii kordhaaya.
Arrintani waxay dhib weyn ku haysaa shaqaalaha xukuumadda,
ciidamada, iyo dan yarta guud ahaan, waana dadka loo baahan yahay in
la dhowro nolashooda, lana taakuliyo. Waa mid dalka dhaqaalihiisa
kor u qaadaysa kolka lacagta dalka ee aynu inagu tooska u maamulnaa
yeelato qiimo ka sareeya kan manta.
Lacagteena dalka gudihiisa ku noqotay lacag ajnabi, kolka tii
ajanabiga ahyd noqotay mid qaran, waa nidaam halis ku ah caafimaadka
dhaqaale, oo ka baxay xakameynta xukuumadda. Marna lama maareyn karo
sicir bararka ilaa lacagta qaranku hesho maqaamka ay leedahay.
La-taliyaha Madaxwynha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo Maalgashiga
Axmed Xasan Carwo
https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl
http://samotalis.blogspot.com/
http://samotalis.blogspot.com/
|