Shiikh Xasan Daahir
Aweys oo ku celiyay in ay la dagaallamayaan Ciidamo kasta oo la
keeno Soomaaliya

Guddoomiyaha
Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys oo shir jaraa’id ku
qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu mar kale ku celiyay in ay la
dagaallami doonaan haddii ay dalka Soomaaliya soo galaan ciidamo
Shisheeye ah.
“Cudud laguma faanayo ee xaq ayaa lagu faanaa, annagana xaq ayaan ku
taagan nahay waana la dagaallameynaa haddii ay Ciidamo Shisheeye
dalka Soomaaliya yimaadaan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.
Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan u
dulqaadan doonin faragelin mar kale lagu soo sameeyo dalkooda,
wuxuuna carrabka ku dhuftay in qof kasta oo damiir leh uu arrintaas
ka dagaallami doono.
Waxaa uu soo hadal qaaday Shiikh Xasan Daahir Aweys Ciidamada Amisom
ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna sheegay in Ciidamadaas iyagoo sharci
darro ku jooga ay haddana dadka Soomaaliyeed madaafiic ku garaacaan,
“waxay doonayaan in ay iska horkeenaan dadka Soomaaliyeed iyo
xoogagga mujaahidiinta, waxayna si macni la’aan ah ugu garaacaan
goobaha ay dadka rayidka ah degan yihiin”ayuu yiri Shiikh Xasan
Daahir Aweys.
Waxaa kale oo uu Shiikh Xasan Daahir shirkiisa jaraa’id uga hadlay
sida uu ku imaan karo xalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay
taasi ku xiran tahay in marka hore ay Ciidamada shisheeye ka baxaan
Dalka Soomaaliya.
Waa markii labaad oo uu Shiikh Xasan Daahir Aweys sheego in ay la
dagaallamayaan haddii ay Ciidamo shisheeye soo galaan Soomaaliya,
wuxuuna hadalkiisan ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Dowladda
Soomaaliya ay Beesha Caalamka iyo Dalalka Soomaaliya la deriska ah
ka codsatay in ay la soo gaaraan Ciidamo ka difaaca xoogag dagaal
kala soo horjeeda oo khatar ku haya.
Hiiraan Online
|