Sheekh ganacsade oo markabkiisii ka dhigay mid beeli lahayd oo beeli afduubtay. Maxay ku qabte?

 



Ajuuro diid waa alla diid, waa adduun doon, wuxuu ka duulaa miskiinbaa misko la fuulo leh oo macaasha degdeg ah laga sameeyaa. Dawlad ma ogola, laakiin wuxuu jecel yahay madaxweynayaal maqaarsaar ah, odayaal dhaqameed iyo abbaano uu tuulooyinka geeska Africa ku yeesho oo uu sado siiyo. Sado suldaan la siiyo oo keligii ku amar ku t aagleeyo Faarax Nuur iyo qaar kale oo badan oo heer caalamiya ayaa ka dagaalamay.

Sheekh ganacsade ajuura diid, dawlad diid ayaa maanta hogaanka u haya barwaaqada, colaadaha iyo abaaraha l oo caal waayey ee ka taagan geeska Afrika. Nin waliba Xeeladii ayuu kaga xoogsadaa. Inta badan sheekhnimo ay aa la isku baqo maalaa.

Todobaadkan waxaa Garawe ku sugan suldaano heer jilib ah oo ka soo jeeda galbeedka Hargeysa oo aan cid kale taraxin. Waxaa hogaaminaya Sheekh Ajuura diid Redsea oo markabk iib saliida ee shirkadiisu lahayd ka dhigaya m id beeli lahayd oo beeli ka afduubtay.Suldaanada jilibkiisa wuxuu horgeeyey isamadii iyo garaadadii beesha uu u tir anayo in ay markabkiisii af-duubtay.

Shirkadiisu cir ka soo dhac weeyaan oo waxaa lagu baraarugey markii sida kediska ah loo burbuiriyey heshiiskii uu Total la galay alla ha u naxariistee madaxweynihii hore ee mudane Cigaal. Daaqad buu ka soo galay oo qandraas la shaaciyey sed kuma helin. Dawlad uu ictiraafsan yahay oo u doodaa ma dhisna isaga xagiisa. Haddaba Suldaanadii Jilibka Redsea iyo Suldaanadii Garawe oo wada sheekaysanayaa waa kuwan:

Suldaan:Ruuxa gala badweynee, isagoon dabaal baranee,
beriyo ictiraafna ka dheeryahayee,
Haddii lagugu beego, rabbi kuu bidhbidhiyow
aad ka bixin lahayd sheegee,
buntland inan yar weeyoo, Bilan lama maleeyee
imma barane ha nicinee, imma baran iga bogo.

Isamadii: Xarik yaa suldaan xarik.

Suldaan: Gacal iyo sokeeye ayaynu nahay, marwada madaxweynaha buntland suldaankeedii baan ahay.

Garaad: Taasi kaa marimaysee, suldaan, Maalak yaa suldaan xarik, bilaahi caleek xarik

Sheekh Ganacsadihii Ajuura diid: Luula luula gidigiin lula

Suldaankii: Waa sidaa sheekhu sheegaye Sadaa la ii siiyey, idinkana sado ayaanu idiin sidnaa. ee haddaba Gedig een aan lula.

Isamadii: Now you are talking. That is better. fine.

Ruuxa Gala badweynee isagoon dabaal baranee
haddii la igu beego rabbi ii bidhbidhiyo
baal kama mareenee, waan ka bixin lahaayow
birmad baan u noqon, biyo dhacaaga ii sheegee
Ha la baqan, kuuma bogin.

Garaad Buuhoodle: Markab yar ayaa la idinka haystaa, annagan dhulkayagii ayaad hadh cad la wareegteen.

Isamadii: Garaad horta marka lo'da loo heesayo, maxaad geela ugu heesta, sadaa la innoo keena oo weliba taadu way laba jibaaran tahay.

Suldaan: Waxaasi Garaadoow waa shuqul dawladeed, innagu odayaal dhaqameed ayaynu nahay. Waxaynu wax ku nahay innaga iyo ganacsataduba dawlad la'aanta. Ganacsatadu sado ayay innoo ogoshay. Halkaa wax ka arag.

Isamadii: Bal naga war dhawra inta aannu la xidhiidhayno Ilaalada Badda iyo khayraadka ku duugan ee Qaranka Somaliyeed. Kuna talagala xeerarka iyo sharciyada ay ku dhaqaan shisheeye iyo sokeeyaba wixii ku soo xadgub badda qaranka min Saylac ilaa Raaskanboodhi. Ilaalada laftoodu waa innaga oo kale waxay wax ku yihiin dawlad la'aanta ee lama arkeen oo lama maqleen. Waxaa dhalay dawlad la'aanta, waa is xilqaamayaan, naftoodii ayay biimo gelinayaan. Waanu tixgelineynaa wixii ay soo codsadaan, markab furashada

Suldaankii: Ha isku keen darin annagu Somaliland ayaanu nahaye.

Isamadii:
Af jilib ayaynu ku wada hadalnay, ilaalaasho dantaada. Dawlado meesha ha soo gelin. Haddii kale garaadka buuhoodle ayaanu la safan.

Sheekh ajuura diid, ganacsade: Sorry. Hadalkaa suldaanka ka soo yeedhay annaa xaal idhinka siiyey. Afkaa ka xaday oo shaydaan ayaa ka dhawaajiyey. Lex jeclo kama hayso xoolahayga khasaaraya. Waa kan xaalkii oo gola joog ihina, iga guddooma.

Garaad laasqoray: Hawraarssan. Anna waxaan xaal ka bixinayaa hadalka ka soo yeedhay garaadka Buuhoodle.

Ganacsadihii oo lexjeclo qabatay: Annigu garaado iyo isamo sado umma wada hayo ee noo kala hadhay. Waxaan la xaalayaa keliya heer jilib.

Isamadii: Maya, haddaad adigu kuwiinii soo kala xulatay oo aad kala reebtay. Annaga xagayagaa waa isku duubni wadareed.
 

 

 

 

 

Hamud Duale