Sheekh Aadan Siiro, miyaa uu gafay hadii uu yidhi horta Go ndahaaga
dalab tir intaanad Goodiga shishe u bixin....?!
Ciid-Wanaagsan Dhamaanttin!
Dadka reer Somaliland waxa ay ku maahmaahaan tiisaba daryeelaa tu
kale ku daro! Oo ujeedada ka danbaysaa ay tahay, qofkii hanta
naftiisa, daryeela ta dadkiisa, xaslada ta dalkiisa iyo inta ma
huraanka u ah ayaa dabadeedna baahi uu qabo nin kale (walaalkii) oo
ka fogi, u hawooda inuu inta uu huri karo ee hayntiisa ah hagar la'i
ugu quudho. Hogaamiye kasta ha ahaado mid Dawladeed, Diimeed ama
Dan-neede, xilka saaran waxa kow ka ah inuu xog ogaal u noqdo
waayaha nololeed ee dadkiisu ku sugan yahay. Waxa sandulle iyo dirqi
ku ah oo hawshaa uu u banbaxay ee uu xilkeeda qaadistiisa u
badheedhay ku nudan, in uu u kalaho oo uu u kabtiyo oo inta ay
tamari gaadhsiiso arin, af, adin iyo awaale kaleba (aduun) kula
tacaalo, sabato bixinta inta tawsta nololeed ay dul bahariirto ee ay
tasaysay, ee dhacdo iyo baxdo diihaalkeeda la tiicaysa!.
Taasaa ka mudan wax kale oo kasta oo baahi ah oo jirtaba, Hadii aan
u leexano xaga diinta suuban ee Furqaan qudheeda kama foga arintu
sidaa aan dusha ku soo sheegay, oo inta ay dadka kuwa kuugu xigaa
baahan yihiin, ma maqal meel lagu sheegayo, la qardo-jeex oo meel
kale lo goho deeqda aad dar Allah u bixinayso! Sakada oo ka mid ah
rukumada diinteena Suuban ee waajibaadka inagu ah inaynu oofino ayaa
ay culimadu sheegaan, in dadka xaqa kuugu leh ee u horeeya ee aad
siinaysaa ay yihiin Xigtadaada. Taasi waxay marag u tahay arinta aan
dusha ku soo sheegay ee ah, docdaada kuwa daadsan horta bogood iyo
beerkooda diiri intaanad Duleedka u bixin! Waana halka aan ugu
joogsanayo ee aanan ku maan dhaafayn Sheekh Aadan Siiro! Waxa jirta
murti fac wayn oo qudheedu inoo bildhaaminaysa sida aynu hawlaha u
kala horaysiinayno, waxay taasina shadkeeda iyo madkeedaba ku
xarakaysaa halku dhigan '' Oodo dhacameed sida ay u kale horeeyaan
ayaan loo kala guraa''.
Hadaba meerar tuurkaa baacsiga kooban ah ka dib, ugu horayn waxan
Ilaahay uga baryayaa inuu dadka Islaamka ah ee dhibaatooyinka kale
duwani haleeleen ka dulqaado, rafaadka jaadadka badan leh ee
naftooda hantiyay ka muluulikhiyo. Dadka Soomaaliyeed ee meelaha
kale duwan ay macaluusha iyo colaadu isku garbiyeena waxan Ilaahay
uga barayayaa inuu Faraj waafi ah u soo rogo oo uu si sareecan ah,
dhibta uga dul-qaado. Aamiin Insha-Allah.
Ducadaa dabadeed Hadaba hadii aan malahayga dhiijo-e, Mid waxan si
badheedh ah oo aan maagis iyo gabasho lahayn ugu taageerayaa Sheekh
Aadan Siiro, midna waxan marageeda furayaa in faraq kasta oo reer
Somaliland leeyahay dibad iyo gudoba, la furay oo weliba muquuno
miigan la dhiibay oo loo hibeeyay gargaarka dadka walaalaheena ah ee
Soomaaliya ku dhibaataysan.
- Waa ta hore ee badheedhahayga ah iyo u garawga Sheekh Aadan Siiro;
Hadalkii sheekha ee Ciiidii Ramadaan ee dadka qaarkood ka biyo
diideen ee ahaa '' dawlada Somaliland ha daryeesho dadkeeda inta ay
dal kale dad ku nool xil iska saarayso'' Wax haba yaraatee Qalaynaya
hadalkaa (qudbada) Sheekh Aadan Siiro oo xajiin ahi kuma jiro, waxa
uu ku lalabay oo uu sida xilka ka saaran dadkiisa iyo dalkiisu uu
farayo uu ugu canaantay xukuumada Somaliland inay gondaheed marka
hore eegto!. Waana waajib diini ah inuu kolba halka qabyadu ka
muuqato uu Sheekhu Qudbadaha maalmaha mudnaanshaha gaarka ah leh
bulshada ugu muujiyo, oo uu u soo bandhigo. Kuma xad gudbin xuquuda
cid kale, adiyada iyo aflagaada toona uma gaysan, waxa uu qabsaday
sheekhu Shaqadiisii oo kaliya, waana taa ta aan ku taageersanahay
een weliba ku bogaadinayaa.
- Ta labaad, waxan marag ka ahay in hayni meel ay dadka reer
Somaliland dhigtoba aanay walaalahooda reer Soomaaliya waxbaba ka
hagran! Labaatankii gu ee ay qaska iyo qalaalasaha ku jirtay
Soomaaliya, waxa Somaliland ku soo qaxay oo soo magansaday dad aan
cadad iyo xisaab toona lahayn oo gacmo iyo quluub furan lagu soo
dhaweeyay, halka meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya loo diiday inay
xataa dayaarada kaga dagaan oo ka sii talaabaan, iska daa iyada inay
ku noolaadaane, waxa kale oo marag loo hayaa in qaar ka shaqaysta
meelahaa oo muruqooda maala lagu gubay oo la dilay waaba wax la
taartee, Haatadan aan joogno ayaa u danbaysay oo meelo sheegta inay
maamulo yihiin dadka Soomaaliyada koonfureed ka yimid ee ku nool
kana xoogsada xoolahoodii lagu dhacaa oo si aan waabis lahayn loo
boobaa. Dadka reer Somaliland soo dhawayntaa gobeed ee amaanka iyo
kalsoonidaba leh ka sokow, waxay si caaqiibo leh gacan libaax uga
gaysteen, ha sheegnaato ama ha sheelaato'e maal iyo moodba abaaraha
haatan ka jira Soomaaliya. Tusaale madal kasta oo laga yabooho
gacmaha u culusi waxay kolayba ahaayeen reer Somaliland, Bal
Dahab-shiil mildho oo Madax-Ishin ah ay muquunadiisu ahayd.
Bal dadwaynaha gudaha jooga iyo Guntin-furka ay bidixda ka tuureen
yara hoomay, bal masaajidada, mawlacyada xataa majaalista barjaha
eeg! Lama hayo lagana soo heli maayo geeska Afrika shanta meelood ee
ay dadka Af-soomaaliga isku afgartaa ku dhaqan yihiin, Meel xoolaha
ay haneeyeen reer Somaliland in xataa badh kaga dhacaysa bixisay.
Marka waxa Sheekha ama reer Somaliland loo qujoqujeeyaa saw xasarad
iyo xagxagasho gobi ka xaragooto ma aha!
- Dalalka dibadaha ka soo gurmaday ee walaalaheena Soomaaliyeed
waxtarka u gaysanaya waan hanbalyaynaynaa, waase kuwo aan marnaba la
ag qotomin karin dadka reer Somaliland, oo iyagu dhankii aad ka
eegtoba u qabtay walaalahooda reer Somaliya waxaan cid kale siinba
karin oo ah, Hoy aan saymo lahayn iyo Hanti aan hagar lahayn oo
waxaan haynoba naga hooya! Walaalkaa uun baa sidaasina laga helaa.
Abaalkeeda taasina Ilaahay samo iyo wanaag ha ugu badalo reer
Somaliland.
* Gabogabada maqaalkan hiilka iyo marag kaca ah waxan ku af-meerayaa,
Abaal gobeed la gal gu'gaa maanta ah si iyo goor la gudoba!*
Somaliland ha jirto oo ha joogto weligeed.
|