Magaalada Hargeysa waxaa galabta ku geeriyooday Allaha u naxariistee fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Shay Mire Dacar

 

 


Hargeysa (TNN) :- Geerida fanaanka Shay Mire Dacar u xaqiijiyay BBC walaakiis Caabi Mi re Dacar oo isna fanaan ah.Wuxuu sheegay in mudaba uu xanuun u jiifay Shay Mi re Dac ar gurigiisa oo magaalada Hargeysa ku yaalla.

Shay Mire Dacar wuxuu ka bilaabay fanka magaalada ceerigaabo sanadihii sideetame ey adii, kaddibna wuxuu u gudbay magaalada Boosaaso.

Intii danbe wuxuu ku noolaa Hargeysa oo uu heeso iyo bandhig faneedyo badan ku sam eeyay oo qaarkood uu ilaa London kaga qayb galay todobaadka Soomaalida.

 

 

Source: BBC