Sharafta Rayaale soo
Hooyey Waa Mid u soo Hoyatay Somaliland
Aniga oo ah Aadan Geeddi Liibaan (Jadheeye) waxa wax laga xumaado ah
had alladii ay wargeysyada ku soo qoreen labada guddoomiye xisbi
mucaarad, had alladaas oo madax-xannuun ummadda gaadhsiiyey, kadib
markii guushii Somali land lahayd u xambaariyeen oo siiyeen
dawlad ku sheegta Soomaaliya, iyagoo sheegay in Sheekh Shariif furay
dhoofinta xoolaha oo sharaftii Madaxweynaha iyo dawladda Somaliland
lahayd siiyey nin aan ehel inoo ahayn.
Halkaa waxa ka muuqata inay Somaliland ku liddi yihiin mucaaradku,
una sacbi nayaan dawlad ku-sheegga Soomaaliya, iyadoo hore
looga hayo hadallo ah; ‘in aan Somaliland ictiraafin inta Rayaale
Madaxweyna yahay,’ taas oo ah gef iyo meel-ka-dhac weyn oo
taariikhda u geli doonta.
Haddaba, waxaan leeyahay kuwa hadallada gefafka ee noocaas oo kale
ah ku socda ma waxay doonayaan in aynu noqono xaalka koonfurta
maanta ku sug an tahay, Rayaale waa Madaxweynaheena aynu
dooranay, wanaag mooyaane wax xumaan ahna dalka umuu gaysanin,
waanna nin muwaadin ah oo dalka cid uga laxejeclo badani aanay jirin
jirina doonin.
Siilaanyo iyo saaxiibadiisa daba ajooga ma doonayaan in uu dalku wax
noqdo, waxaanay arrintoodu u muuqataa inay meel kala ku xidhan
yihiin. Sidaa darte ed, shacabweynaha Somaliland waxaan uga
digayaa inay ka digtoonaadaan w axyaabaha uu ninkaas wado,
ninka sharafta Madaxweynaheena u diiday ee m armarinaya nin aan
ogeynba oo weliba cadowgiisa ah, kaasina waa nin shicib ka aan
la doonayn sharaf.
Furitaanka xoolaha Somaliland waxa qayb weyn ka qaatay oo jiidhay
qodxihii dawlad ku sheegtu inoo dhigtay Madaxweyne Rayaale iyo
Wasiirka Xoolaha Md. Idiris Ibraahim Cabdi, sharafta uu Rayaale soo
hooyeyna waa mid u soo hoyatay Somaliland.
Aadan Geeddi Liibaan (Jadheeye)
Hargeysa
|