Sharafle Tawxiidle

 



Salaan iyo hambalyada 18ka May 2013ka oo ku beegan 22guuradii gooni -isu-taagga Somaliland marka aad guddoontaan kadib, waxan halkan idiinku soo gudbinayaa tix yar oo ku saabsan calan keenna oo ka mid ahayd gabay dheer oo la magac baxay shurunshuur oo aan 21kii Sibtambar 20 09kii tiriyey.

Qaybtan yar ee aynu hoosta ku arki doonnaa waxay ku salaysnayd, sheeko dhab ah oo ku dhacd ay gabadh reer Somaliland ah oo calanka Somaliland ka tolatay: Shaadir, toob iyo khimaar- dab can iyada oo aan Towxiidka ku qorin!
Gabadhaasi ayaa iyada oo dharkaa ay calanka ka tolatay xidhan xaflad aan ahayn tii calanka la tagtay. Haddaba, markii ay xafladda tagtay; ayay haween kale kula kaftameen waxa ku kalifay inay soo xidhato dharkaasi! Iyaduna way ka xanaaqday hadalkoodii.

Waxa markaa I soo gaadhay wixii meesha ka dhacay. Dabadeedna waxan is idhi, Allaylehe gabadha u hiili oo laabqaboojin uga dhig dhawrkan tuduc!

Wuxu yidhi:


shaaricyada haddii aan la sudhin
oo sheedda laga daawan
shaadhadh iyo haddaynaan ka tolan
shaalka garab saaran
shalmado iyo haddaynaan ka dhigan
shaadir qaro weyn leh
haddii aan gidaarada lagu sharraxin
sharafle Tawxiidle
shanta qaradood haddii aan la sudhin
oo shicibku rayraynin
Salaan sharaf haddii aan la siin
sharafle tawxiidle
Askartoo la shaaximay
iyo haddaan shicibku dhawraynin
Waddaniyadii inay shiiqday
markaa shaahid loo arag!
 

 

 


Wa bilaahi at-tawfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar

E-mail: timacadde56@Hotmail.com