Shaqalihii Shirkada Baadhaysa Shidalka Genel Energy Oo Rasaas Ooda Lagaga Qaaday Degaanka Gunbur Libax Ee Bariga Togdheer



Shaqalahani ka socday Shirkada baadhaysa Shidalka ee Ganel Energy,  ayaa subixii hore u boq olay Degaanadaasi ay ka wadeen Howlaha ...........


Gunbur-Libax (TNN):-Shaqalihii Shirkada Shidalka Baadhaysa ee Ganell Energy oo Rasaas Ooda Lagaga Qaaday Degaanka Gunbur Libax Ee Bariga Gobolka Togdheer.Shaqalahani ka socday Shi rkada Baadhaysa Shidalka Ee Ganel Energy ayaa Subixii Hore u Boqolay Degaanadaasi ay ka wa deen Howlaha Sahaminta Shidalka waxay si Kadis ula kulmeen Maleshiyo Hubaysan

Wararka naga soo gaadhaya Degaanka Gunbur libaax Ee Bariga Gobolka Togdheer ayaa shegay a in Shaqaale ajaanib ah iyo Waliba Howlwadenadii kale Ee Shirkadaasi ay Tacshirad rasaas oo da kaga qadeen Maleshiyo ku sugan Degaankasi.

Shaqalahani ka socday Shirkada Baadhaysa Shidalka Ee Ganel Energy ayaa Subixii Hore u Boqo lay Degaanadaasi ay ka wadeen Howlaha Sahaminta Shidalka waxay si Kadis ula kulmeen Male shiyo Hubaysan waxaanay Tahli kari wayeen inay gutaan howlahooda shaqo ka dib markii ay is hortageen Maleshiyo beledkaasi isla markasna Rasaas ku Cashariyeen.


waxayna wararku intaasi ku darayaan in qaar ka mid ah Gadiidkii ay Saarnayeen Shaqalahaasi Aan lahayn Meel ay Jaan iyo Cidhib Dhigeen ka dib markay Dhex Jibaxeen Kaaymaha Waawayn Ee Degankasi Gunbur libaax.Dhinaca kale waxa Degankaasi isla saakaba u baxay Badhasabka Gobolka Togdheer Xamarji iyo Taliyaha Ciidanka Police ka Ee Gobolka Togdheer Gashanle Axmed IlkaCase.

 



Timacade News Desk
Hargeisa ,Somaliland