Shahaado Jaamacadeed Waa La
Iska Samaysan Karaa, Markaa Waxaanu Ku X idhaynaa Si Aanu U Hubino
Sooyaalkiisii Waxbarasho, Shahaadadii Dugsiga Sare Iyo Ta Jaamacadda
Inuu Qofka Murrashax Ahi Noo Wada Keeno

Hargeysa (TNN) :- Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta sare ee
Somaliland Saleebaan Dirir Cabdi, ay aa sheegay in ay maalinta berri
oo salaaso ah, kuna beegan 23 Feb, ay bilaabayaa qabashada
shah aadooyinka laga doonayo murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee
darajadoodu tahay A, oo ah Sh ahaado heerka koowaad ee Jaamacadda ah.
Guddoomiye Saleebaan Dirir, waxa uu xusay in ay shaqada hubinta iyo
qabashada shahaadooyinka x eerka doorashooyinka 91/2020 ku waajibiyey
murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee 7 Degmo ee A ah, ay iyagu
Komishan ahaan loo geyn doono shahaadooyinka iyo soyaalka waxbarasho
ee Murras haxiintaasi.
Guddoomiyaha Tacliinta sare, waxa uu ku war geliyey Murrashaxiinta
goleyaasha Deegaanka ee Deg mooyinka A ah, in shahaadada Jaamacadda
ee heerka koowaad iyo weliba Shahaadadii Dugsiga sare ay soo qaataan,
isla markaana yimaadaan Xafiiskooda Hargeysa oo u dhow Xarunta
Akadamiyadda ee Magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Saleebaan Dirir, waxa uu sheegay in ay aad u hubinayaan
Shahaadooyinka, isaga oo xu say in wakhtigan si fudud loo samaysan
karo shahaado Jaamacaddeed, si ay taasi uga gaashaantaa na ay
Shahaadada Dugsiga sare iyo sooyaalkii waxbarasho ee qofka
murrashaxa ah la hubin doono.
|