Shahaaddo Hellee Shaqo
Aaway?!!

Waagii baryaaba waayo leh! Waa Somaliland oo heerka aqoonta
bulshadeedu kor usii kacaayo iyad da oo tiradda bulshadeenu tahay
3.5 Million guddo iyo dibedba ayaa sidaasi oo ay tahay waxaa wa agii
baryaba jaamacadaha dalka ka qallin fullinaaya boqolaal da’yara.
Ilhaan Xasan Cali waa gabadh dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah
waxaanay wax soo baranaysay yaraanteedii ilaa hadda oo ay maanta ka
qallin fulisay Jaamacadda Hargeisa Ilhaan iyadda oo ka wa ramaysa
duruufaha da’yar badan hortaagan iyo sidii looga bixi lahaa waxay
tidhi “ ilaahay ayaa mah adleh dalkeena nabad iyo barwaaqo ka dhigay
maanta Somaliland waxaa kuyaala inkabadan 10 jaa macadood, waxaa
sidoo kale sanad walba soo baxaaya oo qallin jabinaaya kumanaan
arday ah, iya dda oo madaarada magaalooyinka waaweyna ay kasoo
dagayaan boqolaal dhallinyaro ah oo debad aha wax kusoo bartay
iyagoo quudaraynaaya ama aaminsan inay dalkooda ugu shaqeeyaan aqoo
ntay dhulka shisheeye kasoo barteen.
Nasiib darro seh waxaa jirta shaqo la’aan baahday oo guri walba
saamaysay iyaddoo wadankeena ayjiraan fursaddo shaqo loogu
helli lahaa da’yar badan mar lawaydiiyay Ilhaan fursadahaa shaqo l
oogu helli karo waxay ku tiraabtay “tusaale Haya’daha aan wadaniga
ahayn waxaa kashaqeeya da dbadan oo ajaaniba, waxaan aaminsanay inay
dhallinteena aqoonyahanka ahi qabankaraan shaqoo yinkaa” iyadda oo
Ilhaan hadalkeedda sii wadata ayaa ay raacisay “dhallin badan ayaa
maanta saxa raha kunaf waayay, barbaar badan ayaa badaha ku halligay
naftoodii oo yaxaas hilbahoodii feentay halka hablo badan
lafara xumeeyay kuwo kalana waagu ugu baryo gabalkuna ugu dhaco
jeelal dhul-shisheeye kuyaal.
Mar aan ilhaan waydiiyay bal hadii uujiro codsi ay dawladda ugud
binayso waxay tidhi “waxaan xuku umadda Somaliland ka codsanayaa in
da’yarta shaqo abuuris loo sameeyo shaqo abuuristana muhi madda
koowaad lasiiyo si dadkeenu uga baxaan dhibaatooyinka dhaqaale ee
soo wajahay bulshadd eena, waxaa runtii nasiib darro ah waalid badan
oo uhanwayn ubadkooda isla markaana rumaysan in maanta haddii
wiilkoodii ama gabadhoodii ay mudada dheer wax barayeen ay qallin
jabinayaan wa xay yididiiloodaan in xaalku sedan dhaami doono oo ay
galayaan badhaadhe nololeed oo ubadkoodu gaadhay laakiin sida ka
dhacda Somaliland arinku sidaa wuu kaduwanaadaa waxaana soo yaraada
rajadii laga qabay inay dhalintani shaqo helaan waalid badan ayaa ku
hungooba waxaana niyad jabi soo gaadhaa dhinacyo badan oo qoyska iyo
bulshaddaba ah.
Ilhaan Xasan Cali mar aan waydiiyay bal maxaad kula tallin lahayd
barbaarta maanta jaamacadda ka qallin fulliyay ? waxay tidhi “
waxaan leeayahay guntiga giijista waa laga baxayaa shaqo la’aanta
rajadda fiicana badiya wadankiinu marna idinkama maarmo
dhallinyarooy aqoontuna hada ayuun ba y bilaw inoo tahay barbarkay
ka baxdaa waa bakaylo qalleen
Posted by Xamse Sul Adan Farax
xamse101@hotmail.com
|