shacabka somaliland oo dagaal wayn tan iyo shalay kula jiray
argagaxisada ONLF iyo maamulka dawlada oon waxba ka ogayn halka
aduunyo marayso
Abwaan:Siciid Cabdi
Dheen
Waxaan marka hore hanbalyo u
dirayaa mujaahidiin beelaha ciidagalaha iyo arabka oo si wayn u
difaacay degaanka somaliland ee hawdka sare.
Waligeedba meel labadaas dagaal ku midoobeen lagama adkaan. waana
xaqiiq inay yihiin WARANGALKA BEELAHA SOMALILAND marka xiga dagaal
yaryaraysi malaha ee waa in la isgu tagaa argagaxisada ONLF.
Waxa si wayn loo sugayaa beelaha
dega xuduudaha ee ay ka mid yihiin SACAD MUUSE IYO HABARYOONIS INAY
dagaalka soo galaan ama cadaystaan inay maanta gacmaha iska
LAABANDOONAN .
Ninkii la amaani jiray iyo kii aan la amaani jirINBA maanta ayaa
isaaq mar labaad dagaal hubaysan galayaa ee nin walawba dhinacaAGA
ka gal.
Waxa xaqiiqa in ninkastaaba ay waajib ku tahay in dagaalkan la wada
galo si aanay bari u iman ADBA IIMAAD SOO GURMAN.
DHinaca maamulka dawlada iyo xisbiga udub ilaa imika wax wara kama
hayno sidoo kale asxaabta mucaaridka ucid iyo kulmiye iyo labadooda
gudoomiye ilaa imika wax wara kama hayno.
hadaba dhamaan nimankan siyaasiyiinta ahi miyay ku diirsanayaan
dagaalka shacabku kula jiro argagaxisada onlf.ma sidan ayaa qaarna
talada noogu hayaan qaarna ay noo talin doonaan .
WAA KAAF IYO KALA DHEERI SIDANI.
Tan iyo shalay dagaal la isku habeen seexday ayaa ka jira jiida hore
ee hawdka sare
gurmadka ayaa ka baxay gobolka hawd iyo gobolka maroodi jeex.
Waxa si wayn loo sugayaa waa rogaal celiska beelaha somaliland oo
dhirbaaxo wayn qabadsiiya argagaxisada onlf.
Hadii dawlada somaliland ay shacabkeeda taageerto iyo haday taageeri
waydo waa xaqiiq in shacabkani awalba onlf difaaci jiray ayadoo
maamulkii faqashtu taageero siiyo onlf.
Markaa waxaanu leenahay wasiirka
arimaha gudaha MUDANE CABDILAAHI CIRO
Waar dadka iyo shacabkaad u tahay wasiirka arimaha gudaha HA KU
EEGIN CADAAWAHA.
waxaanu mudane wasiir ku leenahay waa in ciidanka qaranku shacabka
wada difaacaa.
maaha cadaalad in shacabka qaarna cadawga lagu eego qaarna markasta
loo gurmado.
ma argagaxiso ayaa ka fiican argagaxisada kale
Waa in si dhaqso ah ciidanka qaranku uga hawlgalaa jiida dagaalka,
tiknikada gudaha taalana ragii soo qabtay in maanta laga hagrato
maaha.
Xaga beelaha tan iyo shalay ku jiray dagaalkana waxaan leeyahay
Hubka GUDAHA YAAL waa kiiniii aad qabsateen markaa si fiican oo
hanaan wacani ku jiro u waydiista MAAM ULKA DAWLADA .
Una bandhiga inaad doonaysaa
inaad hubkan ku dagaal gashaan shacabkuna u baahan yahay inuu is
difaaco.Hadii onlf wanaagii diiday oo marba dagaal weerer soo
qaadayaan sida kaliya ee dhibkaa looga bixi karayaa waa ayadoo
Qoryaha waawayn kaarayaasha iyo dabaabadaha iyo suuga iyo
shilkayaasha mar kale lala tago jiida hore ee dagaalka.
DHinaca ethoobiya waa dal aynu saaxiib nahay markaa waxba kama
qabaan hadaynu la galno qoryaha waawayn.[ taasi yaanay cudur daar
laga dhigan ethoobiya way inoo ogoshahay inaynu la galno hubka
waawayn].Waayo ethoobiya cadawgeedu waa ONLF WIXII dilayana way
taageeraysaa.
DIGNIIN KU AADAN DAWLADA IYO XISBIGA TALADA
HAYA EE UDUB
Hadaan ciidanka qaranku caawin beelaha dagaalamaya waxaa iman in
aanu dhinaca bari ga saraakiisha naga joogta iyo ciidanka naga
jooga kala soo bixi doono.Caqliga galimayso ana kaalay i raac oo
meel kasta aan kugu dan gaadho afarta inana aan kaa kaxaysto.ana
marka colaad iyo dagaal igu yimaad AAN KUGU QOSLO. taasi is qaban
mayso Maamulka talada haya IYO XISBIGA UDUB laba jeer haka fikiro
AFCAASHA UU SAMAYNAAYO.Taagee rada shabaku waa ta aad ku joogtaan
dalka kuna fadhidaan kursiga
GABAGABDII
WAXAAN aad u dhaleecaynayaa ARGAGAXISADA ONLF iyo hawlaha amaan daro
ee ay ka wado degaanka somaliland .
wabilaahi tawfiiq
Siciid Cabdi Dheen
London UK
|