Shabakada
Wikileaks oo Fashilisay Siro uu Maraykanka Siin Jiray Maxamed Cumar
Carte
Xoggo uu ka bixin jirin dawladii Rayaale ee uu ka tirsanaa iyo
Urur-siyaasadeed uu Hargeysa kaga dhawaaqay
Nairobi (TNN/Wikileaks)- Shabakadda ku caan baxday faafinta siraha
dawladdaha ee Wikileaks, ayaa fashilisay siro uu si qarsoodi ah
wadanka Maraykanka u sii jiray Maxamed Cumar Carte oo shalay
urur-siyaasadeed la yidhaahdo Damal kaga dhawaaqay magaalada
Hargeysa.
Xogaha Wikileaks faafiyey ee Maxamed Cumar Carte siin jiray dawladda
Maraykanka xilligii uu a haa la-taliyaha arrimaha siyaasadda
wasaaradda daakhiliga Somaliland oo nuqulo ka mid ah Ja mhuuriya
helay waxay la xidhiidhaan warbixino iyo siro uu ka bixiyey
dawladdii Daahir Rayaale Kaahin ee uu la shaqayn jiray, kuwaasi oo
uu si joogto ah u siin jiray safaaradda Maraykanka e e magaalada
Nairobi ee dalka Kenya.
Sida Wikileaks fashiliyey kulan 12 December 2009 dhex maray qunsulka
arrimaha Soomaalida u qaabilsan safaaradda Maraykanka ee magaalada
Nairobi Bob Patterson iyo Maxamed Cumar Car te oo wakhtigaas ahaa
la-taliyaha dhinaca siyaasadda wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalilan
d oo uu wasiir ka ahaa Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayuu
Maxamed Cumar Carte ku bixiyey xogo badan oo la xidhiidha madaxweyne
Rayaale iyo shakhsiyaadkii maamulkiisa ka tirsanaa ee aadka ugu
dhawaa, iyada oo mudadaasna muran ka taagnaa qabsoomida doorashadii
madaxt ooyadda ee aakhirkii dalka ka dhacday 26 June 2010. Qunsulka
arrimaha Soomaalida u qaabils an safaaradda Maraykanka ee magaalada
Nairobi Bob Patterson sida warbixin uu kulankaas ka diyaariyey ku
sheegay in Maxamed Cumar Carte yahay shakhsi muddo dheer macluumadka
siin jiray safaaradda Maraykanka ee Nairobi, isla markaana lagu
kalsoonaan karo xogaha uu bixiyo, maadaama uu aad ugu dhaw yahay
Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo xilligaas ahaa wasiirka
arrimaha gudaha.
“Safaarado muddo dheer ayey Maxamed Cumar Carte xidhiidh la lahayd,
wararkiisuna waa loo ga qaateen, maadaama uu aad ugu dhawyahay
wasiirka arrimaha gudaha awooda leh (wasiirkii hore ee daakhiliga
Cabdillaahi Cirro),” ayuu yidhi qunsulka arrimaha Soomaaliya u
qaabilsan safa aradda Maraykanka ee Nairobi, sida lagu sheegay
warbixinta Wikileaks faafiyey.
Xogaha Mr. Maxamed Cumar Carte uu sin jiray Maraykanka ee uu ka
bixin jiray dawladdii Raya ale ee uu la shaqayn jiray, waxa ka mid
ahaa in Daahir Rayaale uu samaynayo waxkasta oo uu tallada dalka ku
haysanayo, isla markaana aanu doonayn inay doorashooyin dhacaan,
isaga oo xusay in sida qudha ee Daahir Rayaale loogu khasbi karo
inuu doorasho qabto ay tahay iyada oo cunaqabatayn iyo xayiraad la
saaro shakhsiyaad qoyskiisa ka mid ah iyo masuuliyiin dawladd iisa
ka tirsan oo aad ugu dhawdhaw, kuwaasi oo Rayaale ku caddaadin kara
inuu doorasho qa bto. Waxaanu Maxamed Cumar Carte xoggaas bixin
jiray isaga oo haya shaqadda uu dawladda u qaabilsanaa, kuwaasi oo
aanu dadka reer Somaliland u soo bandhigi jirin ama aanu ilaa hadda
kaba hadal.
La soco caddadka Jamhuuriya ee beri magacyada shakhsiyaad dawladdii
Rayaale ka tirsanaa ee uu Maxamed Cumar Carte xogahooda u gudbiyey
dawladda Maraykanka si xayiraad iyo cuno qabatayn loo saaro.
Source:Jamhuuriya
|