Sh Shariif oo Al-baabada u laabay Maamul Goboleed lagaga dhawaaqay Gobolka Banaadir, Somaliland-na faragalin joogta ah ku samaynaya

 



Nin tiisaba daryeelaa , tu kale ku daree Shariifka maxaa uga uray Maleeshiyada Taleex .........


Muqdisho (TNN) Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Dowladda KMG ah ayaa shalay is hor taag ku sameeyay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Banaadir State, iyagoo xoog ku galay goobta ay ka socotay doorashada ee Hotelka Saxafi magaalada Muqdisho.
Taliyaha Nabasugidda Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa ka mid ahaa saraakiisha Dowlad da KMG ah ee iyagu fulinayay howlgalka lagu hor istaagayo doorashada Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka maamulka Banaadir State.


Xilliga ay ciidamadu gelayeen hoolka ay ka dhaceysay doorashada waxaa socotay doorashada afar musharax oo isku soo taagay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Banadir State ayna ka mid yihiin Xasan Axmed, Muuse Cilmi Ciyow.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Dowlad da ay amar ku siiyeen 150-qof oo ka soo qeyb gashay munaasabadda doorashada Baarlamaanka Banadir State ka soo qeyb galay lagu amray inay kala dareeraan. Dhinaca kale ciidamada Nabad sugidda iyo Booliska ayaa kaxeeyay qaar ka mid ah xubnaha guddiga qabanqaabada doorashada Baarlamaanka maamulka Banadir State oo uu ka mid yahay Axmed Shariif nin lagu magacaabo ka na tirsan xubnaha qurba joogta ah ee iyagu u ololeynaya in maamulka Banaadir State uu hirg alo.
 

Iyadoo uu sidaas u diidan yahay Sh Shariif Maamulka lagaga dhawaaqay Banaadir oo ah magaala dda uu sheegto inuu ka taliyo, ayuu hadana maalin walba farogalin toos ah ku hayaa Somaliland, waxaanu dabada ka riixayaa Maleeshiyo ku sugan Somaliland oo halkii uu ka taageeri lahaa Naba da isla markaana uu ka ixtiraami lahaa Go’aamadii Shirkii Beesha Caalamka ee Ingiriiska ka soo b axay uu been u sheegayaa oo ay Durbaano madhan tumanayaan.


Waxaana shalay laga dareemayay goobaha ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Somaliland Diidka ahi u dabaal degayay ictiraaf been ah oo la sheegay inuu ku beer laxawsanayo hoorboodayaa sha Maleeshiyaadkaasi oo ku sugan Muqdisho kuwaas oo aanay jirin wax kale oo uu u hayaa Be en Mooyee
 

source:waaheen