Sh Aadan Siiro oo Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato Busaaradda iyo Dilalka ku sii fidaya Dalka

 

Hargeysa (TNN)-Sh Aadan X Maxamud “Siirro” ayaa Khudbadii Jimcaha ee shalay kaga hadlay hoos u dhaca dhaqaale ee Dalka ka taagan oo ay sababeen Hoos u dhaca Sarrifka Dolarka iyo korodhka Maceeshadda oo si aan dheelitirnayn isku weydaartay.

Sidoo kale waxa uu sheegay muddo dhawr toddobaad ah oo uu Dalka ka maqnaa inay sii  dhace en Dilal badan oo khatar ku ah Nabdgelyadda Dalka oo haddii dadka Dilalkaas geystay haddii  aa n wax laga qaban ay sii fidi doonaan

Sh Aadan siiro waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay si dhakhso ah Dhacdooyinkaas wax uga qabato waxaanu isagoo ka hadlaya dhinaca Sicir Bararka yidhi “ maaha in lacag uun la ururiyo magaaladda waxa ka taagan dhaqaale xumo dadkii waxa ku dhacay busaarad, waxaanay aad u sii taabatay dadkii aan waxba haysan ee Jilicda sanaa ee Nolol maalmeedkooda heli jiray, sidoo kale waxa ay dhibaato kale ku keentay dadkii masaariiftoodu ahayd Dolarka oo Sarifkii hoos  ug a dhacay maceeshadiina ku qaaliyowday kaasoo ay waxba u jari waayeen wixii yaraa ee loo  s oo dirayay sidaasi daraadeed waxaan Hay’adha ay khusayso u jeedinayaa inay si dhakhso ah arrintaas wax uga qabtaan.”

Mar uu ka hadlayay Dilalka dhacayna waxa uu yidhi “ dhawr toddobaad baan idinka maqnaa  dh awr dilbaa dhacay intii, Xukuumaddii hore waxyaabaha riday waxa kia mid ahaa dad badan oo dad dilaybaa iska xidhan oo Qisaastii lagu fulin waayay taasi waxay keentay in Dilkii sii bato  ma rkaa waxaan Xukuumaddan ugu baaqaynaa inay cidii cid disha si dhakhso ah Qisaasta ugu  fuli so haddii kale waxa marka la arko kii wax dilay inaan waxba laga qaban oo diyo lakala qaato waxa dhiiranaya kuwii kale”

 



Source:Waaheen