Sh Aadan Siiro oo
markale cadeeyay Diinta Islaamku Mawqifka ay Sadaqada ka qabto
Ma dhabaa in ay xukuumaddu ka joojisay Barnaamijyadiisa war-baahinta?
Hargeysa (TNN)-Sh Aadan X. Maxamud Aadan Siiro ayaa markale
dhaliilay baaqa ay xuk uumaddu Sadaqada ugu ururinayso Soamliya
iyadoo ay dalka joogaan dad u baahan oo Masaakiin ah, kuwaasoo uu
tusaale u soo qaatay dadka Qaxoontiga ah ee ag-degan Gu riga
Madaxweynaha ee State-house-ka iyadoo ay galaan Cooshado yar yar
halka gurig aasi Lacag badan lagu kharash gareeyay.
Aadan Siiro waxa uu mar kale ku celiyay mawqifka ay Diintu ka taagan
tahay cida Sadaq ada la siinayaa inay tahay kolba cida kuugu xigta,
waxaanu u soo daliiliyay Axaadiis, wax aana isagoo si kooban u
sheegaya uu yidhi:-
Si kooban oo urursan isla markaana cilmiyaysan waxaynu uga jawaabi
doonaa sakada m iyay habboon tahay in la raro oo inta Somaliland
laga raro cid kale la siiyo inagoo u adee gsan doona adilada
sharciga ah ee ku sugan Kitaabka Illaahay, Sunaha Rasuulka (CSW) iyo
Culimadii Afarta ahayd ee Imaamu Shaafici, Axmed Binu xambal,
Maaliki iyo Xaniifa ara gtiyaha ay ka qabeen, yeeli maayo sidii
Culimada qaarkeed ay yeeleen in labada Qawl ee jira in ka inaga ina
taageersan ka hadlo ka kalana hoosta dhigo laakiin labadu waxay
yihii nba waynu soo bandhigi doonaa, dabadeeto Ummada Muslimiinta ah
ayaa qawlka saxa ah iyagu qaadi doona.
Xadiiska kooban ee Macnaha badan sammaynaya ee ay Imaam Al-bukhaari
iyo Muslim w ariyeen, Saxaabiga Abii Hurayra ayaa yidhi Saxaabi ayaa
Nabiga (NNKH) waydiiyay Afar Diinaar oo aad haysato oo mid aad
siisay qof miskiin ah, midna aad siisay qof addoon ah iyo mid aad ku
bixisay jihaad ay dadka Muslimiinta ahi ku jiraan oo gaalo ay
dagaalamaya an iyo Diinaar qof ehelkaaga ah oo jilicsan siisay
keebaa ugu fadli badan ayaa la waydiiy ay Rasuulka (CSW), waxaanu
Rasuulku ugu jawaabay Diinaarka aad siiso Ehelkaaga nida amka Sakada
ee Islaamku macnaheedu waxa weeyi nidaamka Sadaqada ee Islaamka oo
ka bilaabmaya Ehelkaaga ama gurigaaga ama ka ku xiga ama wuxuu ka
bilaabmayaa guri ga labaad ka saddexaad, ka afraad wuxuu gaadhayaa
afartanka ay Culimadu yidhaahde en ee ah Afartan aad u kacday
Waqooyi, afartan aad u kacday Bari, Afartan aad u kacd ay Galbeed
iyo afartan aad u kacday Koonfur ee sida Culimadu yidhaahdeen ay ku
eeg tahay Jaarnimadu oo si is xigta aad u soconayso dhinac kasta.
dhinaca kalena warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in ay Xukuumaddu
joojisay Barna amijyadiisii ka bixi jiray Telefishanka Qaranka
iyadoo sidoo kalena la hadal hayo Hay’addo kale-na in ay ka hawl
gashay sidii ay hoos ugu dhigi lahayd.
Source:Waaheen
|