Senator Russ Feingold oo Djibouti Jooga

 

Senator Russ Feingold oo Aqalka Congress-ka Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika iyo wafdi u hogaaminayo ayaa haatan ku sugan magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Djibouti.
Senator-ka ayaa waxaa qorsheysan inuu safaarada Mareykanka ee Djibouti kula kulmo xubno iyo saraakiil kala duwan oo tirsan Soomaalida, iyadoo la sheegayo inuu kala hadli doono arrimaha la dagaalanka Argagixisada.

Xubnaha uu la kulmi doono Senator Russ Feingold, waxaa ka mid ah sida la sheegayo, Raisal-wasaaraha Soomaaliya Nuur Xassan Xussen, Madaxweynaha Jamhuuriyadda la Baxday Somaliland Dahir Rayaale iyo Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-xoreynta garabka Djibouti Sheekh Shariif.

 

 

 


Ramadan Muse, VOA