Sayid Gacan duubow iskuulka oo aad gasho ayaa ka horeysa , in aad wax qorto.

 

Salaanta islaamka ka dib , waa waqti ciideed , umada muslimiinta iyo reer Somaliland waxa ay je edaalinayaan ciida Carafo oo ku soo beegan jimcaha afka inagu soo haya,

Maan jeclayn in aan wax qoro laakiin,Waxaan maanta anoo xafiiskayga fadhiya dheegtay maqaal uu qorey gudoomiyaha Dawan iyo Damin mid ay tahay garanmaayee,

Waxaan is idhi aqri laga yaabee in aad waxuun ka faa,iido xikmad iyo warbixin.Maqaalkii indhaha ayaa igu xanuunay, waayo qoraalku waa in uu yeesho meel uu ku istaago oo loo yaqaan Full stop ama joogsi sidaan ku bartay dugsigaygii hoose/dhexe, ama waxa aynu u naqaano Hakad ama Ko ma, Qoraalka sayid waa ka aradan yahay habdhaca ama meeriska afsoomaaliga

Page warqad ah oo lagu qoray afsoomaali liita maaha wax lagu hakin karo maqaalada xaqiiqda ah ee uu tebinayo Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, meelina adiga kaagama banana, Dhibaato Muja ahidka hawgu filaato diradiraalihii adiga iyo dhuxul aa sameyseen , Dhuxulna ku dalacay oo ku ga adhay Afhayeenka Madaxweynaha Qaranka, adiguse waxa aad qaadan $200 oo aad qaad siis ato,

Waxa aad ku sifawday dhan xiir iyo namiim nimo, isaga bax hawshan rag bay utaalaaye, iyaga ayaa jawaab laga sugayaa.Ugu danbeyn waxaan kugula talin lahaa in aad tagto Iskuulada tirada badan ee ku yaala Hargeysa si aad u kobciso aqoontaada xaga qoraalka Afsoomaaliga , Sayid Gacan Duubow Iskuulka oo aad gasho ayaa ka horeysa in aad wax qorto.
 

 

 


C/qadir Xusein Saxardiid