Saraakiil Ka Socota Wasaaradda Arimaha Dibedda Ee Dalka Taiwan Oo Booqasho Aan La Shaacin Ku Yimi Hargeysa

 

Weftigan oo ka koobnaa saddex Sarkaal, ayaa waxaa madaarka Hargeysa kaga hortegay wasiirka Arrimaha Dibadda

Wefti ka socda Hay’adda dhinaca Iskaashiga Iyo Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan (International Cooperation and Development Fund) oo loo soo gaabiyo TaiwanICDF, ayaa shalay dalka Somaliland booqasho ku yimid.

Weftigan oo ka koobnaa saddex Sarkaal, ayaa waxaa madaarka Hargeysa kaga hortegay wasiirka Arrimaha Dibdda Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow.

Xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin booqashada weftigan, hase yeeshee weriyeyaal Haatuf ka tirsan oo shalay ku sugnaa Madaarka Hargeysa oo isku dayey inay xubnaha weftigaas kula kulmaan Qolka VIP ee Madaarka Hargeysa, ayaa layska hortaagay, waxaanu askari ka tirsan ciidanka Bileyska Madaarku weriyeyaashaas u sheegay inuu amar ku haysto inaanay suxufiyiintu halkaas u dhaafin.

Weftigan ayaa waxaa Madaarka ka soo qaaday laba ka mid ah gaadiidka Madaxtooyada oo leh taarikada Gaadiid Shacbiga.

Inkasta oo soo dhaweynta weftigan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan uu dhinaca xukuumadda ka socday wasiirka Khaarajigu, haddana waxay dad badan oo Madaarka shalay ku sugnaa isweydiinayeen xilka uu Cismaan Buur-Madow u hayo xukuumadda ee uu ku metelayey soo dhoweyntii weftiga Taiwan.

Dawladda Taiwan oo ah dal iskii u madax banaan ayaa dawladda Shiinuhu ku dooddaa inay tahay gobol ka mid ah dalweynaha Shiinaha, taas oo ay Somaliland iyo Taiwan iskaga duruuf yihiin, waxaanay booqashada Saraakiishani noqonayaa weftigii ugu horeeyay ee Xukuumadda Taiwan ka socda ee dalka Somaliland yimaada inta la ogyahay.

Hay’adda ICDF oo u xilsaaran caawimada dalalka xidhiidhka dhow ay leeyihiin dalka Taiwan ayaa waxay dalal Afrika ku yaal ka caawisaa dhinacyada Kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo gargaarka dhinaca bina aadamka oo ka geysto wadamada ay la soo dersaan masiibooyinka dabiiciga ah. Sidoo kale waxay hay’addani gacan ka geysataa kobcinta iyo horumarinta dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, wershadaha, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada arrimaha Bulshada.

 

 



Haatuf