Saraakiil ka Socda Sirdoonka Jarmalka oo Qarsoodi ku Yimi Somaliland

 

Shan xubnood oo ka socda Sirdoonka dalka Jarmalka, ayaa socdaal qarsoodi ah shalay ku yimi caasimadda Somaliland ee Hargeysa.


Ma jiro wax war ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay saraakiisha sirdoonka ah ee ka socda dalka Jarmalka, hase ahaatee sida ay Jamhuuriya u xalay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah waxa weftigu shalay ka soo dageen Madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa, isla markaana la socday diyaarad ay leedahay hay’adda Qaramada Midoobay ee ECHO.


Weftiga saraakiisha ka tirsan sirdoonka dawladda Jarmalka, waxa Madaarka ku soo dhoweeyey taliyeyaasha Sirdoonka Qaranka iyo ciidanka Booliska, Mr. Maxamed Nuur iyo Maxamed Saqadhi Dubbad, kuwaas oo u soo gelbiyey dhinaca gudaha caasimadda oo loo soo galbiyey dhinaca caasimadda, balse ilaa hadda lama rasmi ahaan goobta la dejiyey.


Taliyaha Booliska Somaliland oo Jamhuuriya khadka telefoonka xalay ku weydiiyey socdaalka saraakiisha sirdoonka Jarmalka iyo ujeeddada safarkooda, ayaa afka ka xidhay inuu tafaasiil ah bixiyo arrintaas, waxaannu si kooban u yidhi; “Adeer, nimankaa aad sheegayso anigu shaqo kuma lihiye waydii xafiisyada ku shaqada leh.”


Sidoo kale, masuuliyiinta Wasaaradda Daakhiliga iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka oo aannu isku daynay in aannu la xidhiidhno si wax looga weydiiyo ujeeddada safarka saraakiisha ka tirsan mukhaabaraadka Jarmalka ayaanay noo suurtogelin in aannu telefoon ku helno.


Socdaalka saraakiisha ka socda sirdoonka Jarmalka oo aan si rasmi ah loo ogayn ujeeddadiisa, ayaa la tuhusan yahay inuu salka ku hayo baadhitaannada la xidhiidha weerarradii argagixiso ee 29 October 2008, waxa la filayaa in safarkoodu ku qotomi sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen baadhitaanka ciddii ka dambaysay qaraxyadii axmaqnimada ahaa ee lala beegsaday xarunta Madaxtooyada, Safaaradda Itoobiya iyo xafiiska UNDP ee magaalada Hargeysa.


Geesta kale, sida uu saxaafadda u xaqiijiyey Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, waxa horraantii toddobaadkii socdaal qarsoodi ah dalka ku yimi xubno ka tirsan hay’adda CIA-da dalka Maraykanka, kuwaasoo ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho baadhitaannada weerarradii argagixiso ee dadka badan ku waxyeelloobeen.


Waddamada beesha caalamka oo Maraykanku ka mid yahay ayaa qaraxyadaas kadib ku dhawaaqay inay Somaliland gacan ka siinayaan hawlaha baadhitaannada la wado ee la xidhiidha weerarradaas iyo sida oo kale la-dagaallanka iyo ka hortagga argagixiso.


 

 




Jamhuuriya Online