SANWAA CUMAR YARE SAAXIIB WAA
LA FICILTAMAYAA EE LA KALA TAGIMAAYO, QORE SICIID CABDI DHEEN
Abwaan:Siciid Cabdi
Dheen
MUDANE SANWAA CUMAR YARE,shalay ayaan
marxuum maxamed xaaji ibraahim cigaal
kaa waaniyay waxaan walaal ku idhi odayga u ducee faataxadana u mar
khayrmooye wax kala na ha ku soo hadal qaadin.
Halkaan kaa filaayay haye waan qaatay waanada iyo wax u sheega ayaad
[ KA DAROO DIBI DHAL KEENTAY]. Waxaad
hadana isku qaaday marxuun kale oo qabriga ku jira ilaahay
naxariistii jano haka waraabiyee marxuum cabdiraxmaan maxamed cali[cabdiraxmaan
tuur].
Waxaad tidhi cabdiraxmaan kumuu guulaysan inuu dawlad dhiso Hadaba
waxa kaa maqan ama aanad ogayn in cabdiraxmaan alaa yarxmuh uu
qabtay wixii uu qaban karaayay ama awoodiisa ahayd dalkoo burbura oo
aan xafiis dhisnayn oo dadku lacag haysan cunatana haysan ayuu
cabdiraxmaan axmed cali la kulmay ilaahay ha u naxariistee.
wixii uu qaban karaayayna wuu
qabtay.
mid kabaha kala baxa , kabihii ayuu u bixiyay
mid gaadhigiisii kala caracara gaadhigii ayuu siiyay
mid lacag ka qaada , wixii jeebka uu ku haystaba wuu siiyay
Waryaa nin geesinimadaa iyo dulqaadkaa leh ee maanta aduunka joogaa
waa kee.
alaa yarxamuh cabdiraxman axmed cali wuxuu ahaa geesi la tilmaamo
waana ninkii sida sharfta leh uga dagay maamulka ee walaalkii
maxamed ibraahim cigaal alaa yarxmuh ku wareejiyay TALADA .
Waxaan hadaba is waydiinayaa , toloow sanwaa
cumar yare maxaa ku diray maytida iyo
dadka iilka jiifa ee aan ifka waxa ka socda waxba ku
lahayn.Qofka nool ayaa diintu mamnu ucday in la xanto waxaana
la yidhi oo rasuulku csw yidhi [ ayuxibu axadakum an yakula laxmah
akhii mayitan], waar midkiin ma jecel yahay inuu cuno hilibka
walaalkii oo mayda.
Asxaabtii waxay yidhaaheed MAYA yaa rasuululaah[csw]MAXAANU KU
FALAYNAA.
Waxa rasuulku yidhi [csw] waa sidaa oo kale xanta aad xamataan qofka
aan idin la joogin.
Hadaba sanwaa cumaryaroow kuwii noolaa ayaa xantoodii sidaa la yidhi.
Tolow maxay noqonaysaa ninka xanta dadka aakhira tagay sida adigoo
kale maalin kasta nin siyaasiya oo iilka jiifa soo hadal
qaadaya.[CADUUR DHAWDHAWDU UMA DHACSANA].
Sanwaa cumar yare sxb waxaad tahay nin dhalinyaro ah oo raba inuu
mustaqbal ku yeesho siyaasada iyo saaxada ragu ku LOOLAMO.
Anigu shakhsiyan ma jecli inaan kaa jiidho ama ku hor istaago.
Hadafkaygana maaha inaan dhabarka kaa jabiyo oo aan gacan wayn ku
saaro.
kaliya waxaan kaa rabaa inaad noqoto nin afkaartiisa si hufan oo
hanaan wacani ku dheehan Tahay aad noqoto
Weedhadana aad dhawrto tii danbi ku galin garta iyo ta khayrku ku
jiro.
gabagabdii soo dhawaynta faysal cali waraabe anigu uma arko wax laga
xumaado.
sadexda xisbi hogaamiyaasha ka taliya waxaan aamin sanahay in mid
kasta shacabka somaliland soo dhawayn karo.
Meeshana ha u qaadan in dadka ay
kala leeyihiin sadexda xisbi oo hadii nin taageersan kulmiye uu soo
dhaweeyo mudane ka mida udub ama ucid taa macnaheedu maaha qofkaasi
danbi ayuu galay ama wax laga xumaado.
Adoo udub taageersan ayaad soo dhawayn kartaa gudoomiyaha ucid ama
aad soo dhawayn kartaa gudoomiyaha kulmiye.
Malaa saaxiib waxaad moodaysaa [ marka la ficiltamaayo in lakala
tagay].
Saaxiib dalku waa dalkaaagii ,,,,,, sahacbku waa shacabkaagii..
madaxwaynaha somaliland mudane daaahir riyaale waa madaxwaynihii
dalka [ dadkoo dhan ayuu u dhaxeeyaa]
SULDAAN maxamed cabdilqaadir waa
suldaanka guud ee somaliland
MARWO huda barkhad ala ha daayo oo ha dheeereeye cimrigeedee waa
marwada koowaad ee jamhuuriyada somaliland.
WAXAAN KU KHATIMAY waxaan aad u jecelahay in alaa yarxamuh marxuum
cabdiraxmaan axmed cali madaxwaynihii hore ee somaliland khayr
mooyee wax kale lagu soo hadal qaadin una duceeya oo faataxada u
mara[ ilaahow ka yeel kuwa liibanay ee aakhira janada gala] amiin
wabilaahi tawfiiq
Siciid Cabdi Dheen
London,UK |
|