Sannad guuradii 11-aad ee ka soo wareegtay geerida Aabihii Jamhu uriyadda Somaliland, marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Qaran, Library & Museum na loo dhiso

 

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan dhammaantiin  Allaha awoodda leh  idiinka bar yayaa , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana , cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda iyo dulmigana ka fogaada.


Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,Ilaahay naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiye,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla,magaciisuna sharaf ,qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo mandaqadda G eeska Afrika iyo dhammaan caalamkaba. Marxuum Cigaal (AHUN),wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreey ey ee Somaliland,ee gacantiisa ku soo sexeexay xoriyaddii aynu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska,26 June 1960 kii.


1993 kii ,ayaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim  Cigaal , mar labaad Madaxweyne ka noqday Somaliland , waqtigaas oo  Dalka iyo dadkuba ay ku sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatana ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed , amnni darro , kala danbayn la'aan ,geyigana dhammantii ay ka muuqato bur burkii , xasuuqii iyo dakharadii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba qaadkoodiiba inoo geysteen. Marxuum Cig aal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato, oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gac anta hoos dhigan, ayuu ku guuleystay inuu shacabkii boggooda burcad isku mariyo,walaaleeyo ,hannaan dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo ,seeskana u qotamiyo. Maanta oo bishu tahay 3 May, 2013, a hna sannad guuradii 11-aad, ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Q aran , Library & Museum na loo dhiso........Geesi innaga baxoo , Guul dhashuu ahaa iga dheh.


Inkastoo aan qalin,buug iyo website lagu qoro toona , aan lagu soo koobi karin taariikhdiisa, waxtarkiisii iyo wax qabadkiisii , bal aan dhowr shay ka tilmaammo:


Sameyntii Dastuurka Somaliland
Sameyntii Calanka
Sameyntii ciidanka Qaranka
Hub ka dhigistii Beelaha
Nabadayntii Beelaha
Dib u dhiskii Dalka
Sameyntii lacagta Somaliland
Sameyntii Baasboorka Somaliland
Sameyntii hannaanka Dawladnimo
iyo kuwo kale oo badan



3 May ,2002, oo ahayd maalintii marxuum Cigaal ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Pretoriya ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay dh ammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Walaw ay adag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu noqday ama uu ahaa  dareenka Somalilandersku meel ay maalintaas joogeenbba , bal waxaan isku da yi doon aa inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiqa ah, oo uu maalintaa tiriyey  Cali Adan Cawaale , waxaanu yidhi :

 

 



Sayed baad ahayd Mohamedow Mawle soo diraye
Siraad iyo aqoon baad ahayd saaqay dunidiiye
Somaliland baad jeclayd inay sarraysaaye
Teer iyo sitiinkii adaa taajka noo sidaye
Hanadkii sexeexaad ahayd saariddii karale

*****

Sama wadde haddii anad ahayn lama sod caasheene
Xamar kuma sinteen dawladnimo xaasil oo sugane
Somali baa kugu mudnayd inay sinnaataaye
Saddexdii maqnaa baad lahayd sawtka gaadhsiiye
Sir ma qabe waddaniyaad ahayd sajac heer Qarane

*****

Sidaa ugu listeen uma hambayn madaxdii reer Suud'e
Iyagaa waxaad sahamiseen suuqyada u galaye
Sunuut bay ku iibsheen waaxaad sahadinaeysaeene
Kala saare labadii shalay laysu soo daraye
waatay salaad hore galeen suuqyadii herere
Saf ballaadhan waatay rasaas shicib ku seexsheene
Taangiga siqaa wuxu dul maray sabi carruureede
Silicii dadkaagaa la baday saani loo aragye

*****

Sankaa ii mudnaa inan dagaal kaga sifeeyaaye
Waatii sutida loo qabteen sugay xalaashiiye
Sandulley ahayd inan ka koro Xamar dul saarkeede
Inkastooy saraakiil halgemay sahayatoon waayey
Soo noqotay Maandeeq markale geesiyaa sugaye
Halkii aan sinnaan iyo wadaag samo ka dhawraayey
Ayadoon saldhigin bay haddana sudhatay reer reere

*****

Solladaa markay naga gashee laysu socon waayey

Waatay simaamkii mar kale kuu sidkeen adiye
Waxad saawa saawiyo farsamo dhaban salaaxdaaba
Waataad sargooyada habboon saaftay nabarkiiye
kuma seegin tii loo ballamay sigib tirkeediiye

*****

Salka wadigaa maamul qaran seeska noo dhigaye

Nabad bay ku seexdaan dhammaan saaka shicibkiiye
Saxan saxo udgoon baad mar kale siisay Reer Lande
Sama wade cuddoon baa halkaa sax uga maarayne

*****

Sooyaalka taariikhdu wuu sugay halkaagiiye
Somali baad guud ahaan ugu sarreysaaye
Suugaanta kuma koobi karo sumada haagiiye

*****

Sool iyo
Hargeysiyo Togdheer Booramiyo Saylac
Sanaag iyo Addis iyo Jijiga baddhabiyo saaxil
waxa saaka laga ooyayaa tan iyo Sayloone

*****

Nina saacaddii kama fakado seeftu guud timide
Sama wade Halyeyow jannadda saani ugu dheelmo
waxan kugu sagootiyey duciyo safar nabaaddiino
Safka nabiga Ebbuhu ku mari surinka loo raaco

*****

Qabrigana siraad nuurayiyo waasac kugu seexi

Seeraha Fardowsana Alluhu daar ha kaa siiyo
Malaa'iigtu soortii Jannada sooryo kugu boobe
Salaama Alla dee Mohamedow samirku waa doore


*****
 


 

 


Geeridu waa xaq,waana hubaal in naf walbba ay maalinteeda dha dhamin doonto mawdka,waxaase xaqii qo ah, biyo kama dhibcaan ah, in shaqsigii Dalkiisa iyo dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal loo aayo uga ta gaa , in taariikhda ma guurtada ah lagu xardhi doono, magaciisuna aanu dhimanayn weligii  , lana xasuus an doono , loona duceyn doono mar walbba.


Waxaan soo jeedinayaa , in marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,la gu maamuuso, lagu qadariyo , laguna sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa faraha badan ee uu inooga tagay ,  ahna ta  maanta Somaliland heerkaa ku soo gaadhay , kuna naaloonayso . Maanta oo bishu tahay 3 May , 2013, ahna sannad guuradii 11-aad , ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Qaran , Library & Museum na loo dhiso.


Waxaan ku soo af meerayaa qoraalkaygan kooban, Allahayaw adaa awood lehe ,waxaan kaa baryayaa in aad marxuumka danbi dhaaf u fidiso , qabriga u nuurto , u waasiciso , neecaw udgooniyo , ku siiso naruur o , janno Fardawsana ku abaal mariso, Aamiin , Aamiin, Aamiin.


 

 

 

 

 

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
May 3rd , 2013