Sanadkii Afrika (1960) muu noqon sanadkii Somaliland

 



Sanadka 1960-kii waxa uu diwaanka taariikhda ku galay amma loogu yeedhaa sanadkii Afrika sababo dhawr ah aawadood. Hadaba xuska 55-naad ee 26-ka June awgeed bal aynu dib u jale ecno sababahaas iyo halkey Somaliland kaga jirtey.

Dhacdoodyinka sababey in 1960 uu noqdo sanadkii Afrika waxa ay yihiin:

1. 17 dal oo Afrikaan ah ayaa ka madax-banaanaadey amma ka xoroobey xukunkii gumeysiga.
2. Orodyahaankii ugu horeeyay ee Afrikaan madaw ah (Ethiopian Abebe Bikila) ayaa bilad dah ab ku guuleystay ciyaarihii Olympic-ga ee Rome ka dhacey sanadkaas.
3. 14-kii December ee isla sanadkaas waxa ay Jimciyada Quruumuhu (UN) qalinka ku duugtey qaraarkii ahaa in xoriyad la siiyo wadamadii gumaysiga ku hoos jirey (UN declaration on the granting of independence to colonised countries and people)
4. Waxa kaloo sanadkaas qaarada saaqey dareen Afrikaan-nimmo (Pan-Africanism sentiment)

Somaliland halkey kaga jirtey dhacdooyinka sanadkaas waxa weeye iyadoo ku jirtey 17-kii dal ee 1960-kii xoriyada qaatey iyadoo waliba aheyd wadankii 4-raad oo isla maalin madax-banaa nida qaateen Jasiirada Madagascar. Balse waxa isweydiin mudan halkeynu kaga beedhney ift iinkii sanadkaa bidhaamey ee unkey wadamada badan ee Afrika-da ah ee aynu maanta maga cyadooda wada naqaano?

Markii 26-kii June 1960 qaadaney madax-banaanideenii waxa maalintii ku xigtey ee taariikhdu aheyd 27-kii June fadhiistey Baarlamankii Somaliland oo ka doodey sharciyada midawga lala mi doobayay dalkii Somalia Italiana. Dood ka dib Baarlamankii Somaliland wuxu ansixiyay midawgii bilaa shuruuda ahaa ee Somaliland iyo Somalia. Shurucda midawgu (Act of Union) wuxu ahaa sharcigii ugu horeeyay (Law No.1) uguna dambeeyay ee Baarlamanka Somaliland ee madaxa banaanaa ansixiyo.

Ansixinta axdigii ama sharciyadii midawgu (Act of Union) waxa ay sadqaysay madax-banaani dii maalin ka hor la helley waayo waxa qodobka ugu horeeyay axdigaasi dhigayay sidatan: Dawlada Somaliland iyo dawlada Somalia waxa ay ku midoobayaan oo ay waligood mid ku ahaa nayaan Jamhuuriyada cusub ee madaxa-banaan ee dimuqradiga ah magaceeduna noqon doo no Jamhuuriyada Soomaalida (the State of Somaliland and the state of Somalia do hereby uni te and shall forever remain united in a new, independent, democratic, unitary Republic the na me whereof shall be the Somali Republic). Arinka 26-ka June taariikhda Afrika ka saarey waa dhacdaadii 1-da July iyo maalintii xoriyada Somalia. Halkii reer Somalia 1-da July ka hor Baarla mankoodu ka ansixin lahaa sharcigii midawga ee Somaliland soo ansixisey si midawga 2-da dal sharci u noqdo, 1-da July-na loo dabaal daggo 2-da dhacdo ee kala ahaa xoriyada Somalia iyo midawgii Somaliland iyo Somalia, ayaa waxa ay dhagaha ka fureysteen codsigii reer Somaliland oo waxa ay agaasimeen uun xafladii madax-banaanidii Somalia.

Waxa xusid mudan qoraalkii (article) jariirada Daily Mail ee London ka qortey dhacdadaas oo ciwaankiisu ahaa: The colony that rejected independence (Maxmiyadii diidey madax-banaani da).

Xaqiiqadu waxa ay tahay in Somaliland laga bilaabo 1-dii July 1960-kii ilaa iyo lagasoo gaadha yay 18-kii May 1991-kii ay ahayd dhul ay Somalia xoog ku haysato oo ay gumaysato. Taasi w axa cadeyn u ah iyadoo reer Somalia xashiishka ku dareen axdigii midawga ee Baarlamanka So maliland ansixiyay, ka dibna 2-dii waddan ee midoobey magacoodii Somalia u bixiyeen oo halka as taariikhdii Somaliland lagaga tirtirey qalbiga dadka iyo maalmaha madax-banaanida Afrika. Sidaas ayeey Somaliland uga qadey iftiinkii 1960-kii baxey oo ay qeyrkeed uga hadhey.

Hadaba su’aashu waxa ay tahay cashar ma laga bartey khaladkaas dhabar jabka ahaa oo jiilk a maanta joogaa ma ka hortaggi karaan in ay taariikhdu soo rogaal celiso?
Aniga calaamado (signs) suurta galin kara rogaal celin taariikheed ayaa ii muuqdoo wadnahaa n farta ku hayaaye bal ha la foojignaado!

Hambalyo sanadguurada 55-naad ee 26-ka June.

Allow adaanu magan kuu nahay.
 


Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
iidsl@hotmail.com