SAMAALOW WAA NIFAAQ IYO ARRIN KA BAXSAN MAAMUL DAWLADEED
Waxa caado u aha ruux is-tuska badan ayuu wax walba ku qiimeeyo in
la arko oo la maqlo. Waana tan ay rag badani kolka Madaxweynahu meel
ka hadlaayo ay isriix riixan, madaxweynaha ay neefta ku dhajiyaan.
Ragga ku caanka ah waxa ugu horeeya Samaale ood mararka qaar moodo
inuu yahay bodyguard, kolka aad aragto isagoo fadhiya kursiga
darawalka ku xiga gaadhiga Madaxweynaha oo loogu talo galay askar
klhaas ah, laakiin looga taag waayey ilaa amar lagu soo saaray.
Waxaad arkeyseen sidii uu ugu dirirsanaa inaan Madaxweynaha laga
xigin shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga oo dhowr jeer loo sheegey
nidaam ahaan inuu fadhiisto halka loogu talogalay Wasiirada oo isaga
mooyee intii kale fadhidey. Ayaamahan waxaad moodaa inay yimaadeen
rag aan uga leehanayn sidii dhalintii uu iska riixi jiray. Waxa
ayaamahan goobtii uu jeclaa ka tuuray Wasiir Warancadde oo sawir
jeceylka kaga darran, iyo Wasiirka Arrimaha Debedda oo nidaam ahaan
kaga sareeya dhinaca mamuuska isna uu yaqaan oo aanu uga tanaasuleyn.
Waxaad arki doontaa Samaale oon shirarka yareesta kol haddaanu ag
joogayn Madaxweynaha oo aanu ka qoslineyn.
Intaas waxa ka daran sida uu nidaamka dawliga ah u kharibaayo isagoo
ay ka tahay is-tus. Waxuun jaraa'idka iyo websiteyda ku faafiyey
fariin uu u diraayo Wasiirada oo uu leeyahay soo xareeya
miisaaniyadda. Ceeb taas ka weyn miyaad aragteen. Wasiir fariin ugu
dhiibaaya warbaahinta Wasiiradii kale.Ma sidaas ayey ku dambeysay
Siilanyo oo ah aqoonyahan iyo nin maamulka ku raagay. miyeyna iyana
ahayn marag kale inaanu waxba kala socon waxa gudaha xukuumadiisa ka
jira iska daa dalkee.
Dee nin aan Golaha Wasiirada maamjuli karin maxaynu ka sugayna.
Samaale waxa kale oo uu warbaahinta ka sheegay dhaliil iyo
canbaareyn uu u jeediyey Wasaaradaha oo uu ku tilmaamay inay ka
baaqdeen dakhligii laga rabay miisaaniyada 2013. Buuga amaanta iyo
is-cajabinta halkay kaga jirtaa lacagtan baaqatay. Imisaa ku maqan
wasaaradaha, miyeyna ahyn guul darro kolka Wasiirka maliyaddu
warbaahinta ka leeyahay Wasaaradihii aanu dakhliga ka sugeynay kama
haynu. Miyeyna ah mid ka baxsan nidaamka dawladnimo. Samaale halkan
is-tus ayey ka ahayd bal se wuu ku mahadsan yahay inuu tilmaamay
fashilka heysta dawladdan aan lahayn cid hogaamisa.
Nidaam ahayn meel uu ka hadlayo amaba joogo Madaxweynahu waa inaan
logu arag Wasiirka Madaxtooyada waa shaqaale toos ah oo madaxweynaha
ah. Waxa Wasiirada hormood u aha Waqsiirka Debedda.
Madaxweyne waan kuu
duceeya.
Cabdi Xaaji Axmed
|