Samaalow siddi siddidaad mooyee dhul u dhacaaga hubso
Samaalow hadal bakayle ma ku baraa,
Silaanyo ma ku baraa,
wadaad
weysaleh oo werdiga roga oo wabiina ma ku baraa. Hadday jawaabtu haa
tahay iyo hadday maya tahayba ku soo dhawow.
Sacaadatu Wasiir, waxaad dhawaan adiga oo u duurxulaya
Golaha
wadatashiga, ammaan kula dul kuf tay M/weynaha Somaliland
Axmed
Maxamud Silaanyo. Sidaa daraadeed anna waxaad ii fasax dhinaca kale
in aan is taago; adigaana iga dirqiyey iyo taariikhda aad meesha
gaaban ka soo qaadtay iyo doo rashadii 80 cod lagu kala heley ee
shalay. Waxaan leeyahay waa gartaa oo malaha xilligaa ayaad
indh o
baraqsatay.
Marka hore, Wadaad weysa leh
oo werdiga rogey, Muuse Biixi wuxuu
leeyahay:
-
Wayl yahay baxsane
-
bixisadu wadaa
-
bi'i waa warlaay
-
Adoon laacdan baran
-
oon weli bislaan
-
ha baraarshishiyin.
-
Is banbaani oo
-
ha ku ababin belo.
-
Laasbiira iyo
-
biyihii ajo ah
-
kuma ba'o haraad.
-
Dawac baadi helay
-
ma badbaadiyee
-
balan qaad af ka ah
-
ha u beer nuglaan.
-
Bilicdaadan ugub
-
dhayladaadan bilan
-
bahal qaba hamuun
-
ha u soo bandhigin.
-
Bi'i waa warlaay
-
maxaa bilis haween
-
oo baar fidhnayd
-
been lagu khatalay.
-
Maxaa bocor ildaran,
-
maxaa baylah wadhan
-
haad boobay oo
-
la bud dhigay hortaa.
-
Maxaa baydi shilis
-
burcad iyo labeen
-
la basaasay ciil.
-
Maxaa gabadh birlab ah
-
oo beegsi iyo
-
baxsan dhali lahayd
-
baydali makalay.
-
Bi'i waa warlaay
-
aniguba basraay berrigaan
-
yaraa waan boodi jiray
-
oon badhi caddaa.
-
Bartaad taal haddeer
-
annigaa ku ba'ay.
-
Baaxaa degiyo
-
beer laxowsigii
-
jeer aan ku baxay
-
waan beraad la'aa.
-
Ninkan kuu boqrani
-
waa xila bilaal.
-
Anigoo bed qaba
-
waa bukaan i helay.
-
Dhunkashada bishimihii
-
i beleeyey buu
-
adna kugu beweray.
-
Wuxuu kuu burqaday
-
beentiyo warkuu
-
igu badowsan jirey.
-
Bi'i waa warlaay
-
boggaan eeday buu
-
barko kugu yidhaa.
-
bi'i waa warlaay
-
baantaydan hoo
-
waad baahan tahay
-
bahal looma cuno.
Marka xigga, Golaha wad tashiga iyo toosinta iyo dadweyna kalaba,
iyaga oo aan ku hawshoon jawa abta wadadka, waxay cuskadeen maanso
kale oo ay ka soo min guuriyeen diiwaanka Gaariye, oo lee yihiin
wadaadkaa ku luuqayn doona.
-
Obocdayda wadhaneey!
-
Adhaxdayda liicdaay!
-
Arrinkayga laalmoow!
-
Taladaan il-duufaay!
-
Axdigaan rumaystiyo
-
Ma arraday jacaylkii?
-
Ma engegay darkiisii?
-
Ma af-beelay xiisii?
-
Ma ajowday laagtii?
-
Ma abaaday geedkaan
-
Ubaxiisa guran laa?
-
Afar-qaadki socodkiyo
-
Ma eersaday wareeggii?
-
Orgigii la naaxshee
-
Adhi-raacda dhaqataa
-
Ku asqaysay heestee,
-
Naxariis ujeeddo leh
-
Aaminee run moodee,
-
Ayaantii la gawracay
-
Is ogaaday baan ahay.
-
Umal yuururaan ahay.
-
Cudur igu unkamay baa
-
Iniintiisi biqishoo,
Bur ha daaqin sun ah
Hamud Duale(ganbar1@live.co.uk)
|