SALLAXLEY OO NOQOTAY CAASIMAD DHISANTAY DIYAARNA U AH INAY NOQOTO CAASIMADA GOBOLKA GAAROODI

 

Abwaan:Siciid Cabdi Dheen

Caasimada gobolka aan wali la aqoonsan ama la ansixin ee SALAXLAEY oo buuxisay dhamaan shuruudaha gobolnimo.


Tan iyo todobadkan ayaan aad ugu kuur galay sida ay u horumartay degamada salaxley  waxaa na ii soo baxay sawir aad u qurux badan.

waxay degmadu yeelatay dhulka tacliinta lagu barto , dugsiyada hoose, kuwa dhexe iyo kuwa sareba.Waxay degmada ka hirgalay dugsiyada caruurta lagu xanaaneeyo oo leh hurdo jiif iyo cuntaba, waxaana ka caawiyay urur la yidhaa GAAROODI oo ah urur samo fala ururkan ayaa in mudo ah taageero balaadhan siinaayay ardayda kala duwan ee barta qaybaha tacliinta .

Degmada salaxlay ayaa waxa laga sameeyay huteelo dalxiisa oo dadka loogu talo galay inay ku nastaan kana helaan cunto iyo adeegyada kale ee dalxiisku u baahan yahay.Dhamaanba bilicda magaalada ayaa aad kuu soo jiidanaysa markaad dhex marto suuqyada iyo xarumaha xafiisyada dawladu ku yaalan.

Ugu danbayntiina waxa shalay la dhagax dhigay dhakhtar wayn OO AH KA UMULAHA.
DHakhtarkan oo in mudo ah loo baahnaa ayaa maanta si habsamiya loo dhagaxdhigay, waxaana loo diyaar yahay in mudo yar lagu dhameeyo.Hadaba su,aashu waxay tahay maadaama  degma da salaxlay ay noqotay magaalo la tartamaysa hargeysa oo yeelatay dhamaan adeega loo baahan yahay.


xisbiyada mucaaridku ma aqoon san doonaan
Suurta gal ma tahay in gobolkii GAAROODI ee caasimadiisu AHAYD SALAXLAY EE xisbiga udub uu diiday inuu siiyo gobalnimo inaay maanta ku soo biirto gobolada kale.

Waa xaqiiq in udub ay godobwayn ka gashay magaalada salaxlay oo ah mid u qalanta caasimad gobol inay diidmo qayaxan ka horkeeneen.Hadaba miyaanay shacbiga la qumanayn inay dhinac kale ka eegaan arinka ayagoo dhinaca mucaaridka bal rajo ka daya ina HELAAN GOBOLNIMADA AY RABAAN SALAXLAYNA NOQOTO CAASIMADA GOBOLKA GAAROODI.


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London,UK