Saleebaan Xaglo-toosiye Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Soo Gaadhay Degmada Oog Iyo Wasiiro Soo Dhaweeyey

 



Xaglo-toosiye iyo Waftigiisa ayaa la sheegay in ay isla caawa-ba u soo kicitimeem Magaaladda Burco.....

Oog (TNN)-  Wafti uu hogaaminayo Hogaamiyihii kooxdii SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa goor-dhaweyd soo gaadhay Magaaladda Oog, halkaas oo ay sii diiran ugu soo dhaweeyeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland.
 

Xaglo-toosiye iyo Waftigiisa ayaa la sheegay in ay isla caawa-ba u soo kicitimeen Magaala dda Burco, halkaas oo ay wada-hadalo toos ay ku wada yeelan doonaan Xubnaha Wasiira da ah, wixii ka dambeeyana ay Hargeysa u soo kicitimi-doonaan.
 

Mr Saleebaan Xaglo-toosiye ayaa dhawaan sheegay in uu qaatay Baaqii nabadeed ee Mad axweyne Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay kulan ku yeesheen dhawaan dalka Im aaraadka carabta.
 

Imaatinka Saleebaan Xagla Toosiye ayay Xukuumadda Somaliland u aragtaa wakhtigan Guu l ah, maadaama oo loo baahan yahay in wadahadal la galo si loo soo af-jaro Colaada iyo ka dhex aloosn Dawladda Somaliland iyo Beelaha Gobolka Sool iyo Sanaag Bari, iyadoo Madaxw eynaha Somaliland-na daraad u magacaabay Wasiirul Dawle mid ka mid ah Hogaamiyayaa shii SSC oo Nabad la qaatay Somaliland.

 



Timacade News Desk