Saleebaan Xaglo Toosiye Oo Maanta Si Rasmi Ah Ula Wareegay Xilka Wasaarada Dib Udejinta Somaliland.
 

 


Munaasibadaasi xilka loogu kala wareejinayey wasiirkii hore ee wasaaradaasi iyo wasiirka cusub... Daawo Sawiradda


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaarada Dib U dajinta Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye Oo Uu Dhawaan Madaxwayne siilaanyo digreeto uu soo saaray ugu magaacabay wasiirka wasaarada dib u dajinta ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay xilka waraasadaasi.

Munaasibadaasi xilka loogu kala wareejinayey wasiirkii hore ee wasaaradaasi iyo wasiirka cusub ee wasaaradaasi saleebaan xaglo toosiye oo ka dhacday hoolka shaqaalaha ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland axmed x.cali cadami, wasiirka wasaaraada kaluumaysiga iyo khayraadka bada c/laahi jaamac cismaan (geeljire), wasiirka wasaarada hawlaha guud guryaynta iyo gaadiidka Somaliland axmed cabdi xaabsade, gudoomiyaha xisbiga ucid Eng: Faysal cali waraabe, gudoomiye ku xigeenka ururka xaqsoor cali maxamed axmed (cali sandule),garaad maxamed gaaraad saleebaan, cuqaal, waxgarad, dhalinyaro iyo dadwayne kale oo tiro badan.

ugu horaynba waxaa munaasibadaasi hadal kooban kasoo jeediyey agaasimaha guud ee wasaarada dib u dajinta Somaliland isaga oo faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay qabato wasaarada dib u dajintu iyo waaxaha ay ka koobantahay wasaaradu ayaa si wayn usoo dhaweeyey wasiirka cusub ee wasaaradaasi saleebaan ciise xaglotoosiye.

Sidoo kale waxaa isaguna madashaasi ka hadlay wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland axmed x.cali cadami oo mahad naq balaadhan usoo jeeediyey wasiirkii hore ee wasaarada dib udejinta Somaliland kuna amaanay sida quruxda badanle ee uu xilka u wareejiyey isaga oo wasiirka cusubna ilaahay uga baryey inuu ku asturo xilkaasi.

Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng Faysal Cali waraabe oo isaguna madaashaasi hadal kooban kasoo jeediyey ayaa sheegay inaanu ku faraxsanayn in wasiir reer boorama ah lagu badalo wasiir reer laascaanoooda waxaanu yidhi “Anuu run ahaantii maan filayn in wasiir reer boorama ah saleebaan dusha laga saaro dee kii reer boorama in kii reer laas-caanood dusha laga saaro maan filayn waxaan si lahaa ragii darajada qaatay ayaa qaar laga kicin doonaa markaa waxaan leeyahay anuu kuma faraxsani laakiin waxa weeyaan insha allahu tacaalaa waxaan filayaa inuu is badal iman dooono, runtiina dawladu waxay ku fiicantahay saami qaybsi maadaama wixii imika beelo yihiin waa in wasaaradaha waaweyn sidii barigii boorama lagu qayb saday lagu socdaa ilaa inta dadka ay kabaxayso xumadan qabiilku oo xumada qaranimadu ka tagayso, waxaan filayaa dawladu inay isku noqon doonto, kolay imika wax isku taataaban kari mayso ayaan filayaa oo doorashadii ayaa soo socota wasiirka lakiciyaa wuu xanaaqayaa, laakiin bacda doorashada waxaan jecelnahay in beelaha hareeraha la hagaajin doono” Ayuu Yidhi Eng faysal Cali Waraabe.

Iyaguna waxaa munaasibadaasi hadalo kasoo jeediyey gudoomiyaha ururka xaqsoor cali maxamed axmed (cali sandule), Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada c/laahi jaamac cismaan (geeljire), cali salaam jirde, garaad maxamed garaad saleebaan, wsiirkii hore ee wasaarada dib u dajinta Somaliland mudane: C/risaaq.

Gebagebadii munaasibadaasi ayaa waxa soo afmeeray wasiirka cusub ee wasaarada dib u dejinta Somaliland mudane: saleebaan ciise xaglotoosiye oo mahad naq balaadhan usoo jeediyey wasiirkii hore ee wasaarada dib u dajinta kuna amaanay sida wanaagsan ee uu xil;ka u wareejiyey waxaanu yidhi “Marka hore waxaan u mahad celinayaa wasiiirkii hore ee dib u dajinta ana wasiirka cusub ee warshadaha waxaan ugu bogaadinayaa sida sharafta leh ee uu xilka iigu wareejiyey waxaan isagana ugu hambalyaynayaan jagadaa cusub ee loo magacaabay oon waliba ilaahay uga baryayo maadaama ay tahay wasaarad cusub in ilaahay u fududeeyo dhakhsana uu insha allah u dhiso intaa markaan ka gudbo waxaan shaqaalaha dib u dejinta ka codsanayaa inay iila shaqeeyaan siday wasiir c/risaaq ula shaqayn jireen iyo si kasii wanaagsanba waxaanan balan qaadayaa hadii alle ka dhigo in aan dar-dar galiyo wasaarada hawleheega intaa markaan ka gudbo anigu waxaan ahaa hogaamiyihii ururka SSC walina waan ahay wasiir reer Somaliland ah baan noqday bulshada reer Somaliland oo dhan baan wasiir u ahay horumarkooda, nabadooda iyo midnimadoodana waan ka shaqaynayaa waxaan se u sheegayaa deegaamadii aan ka imid iyo ehelkaygii inaan u maqnahay inaan dadaal wayn hadii alle ka dhigo u gali doono sidii loo xoojin laahaa nabada sidii horumarka l;ooga shaqayn lahaa sidii is badal looga dhalin lahaa deegaamada hadii alle ka dhigo shalay hogaamiyohoogii baan ahaa maantana wali hogaamiyohoogii baan ahay tabashooyin badani way jiraan waanay soo gudbisteen dawladuna way balan qaaday in la hir galinayo waanan ka shaqaynayaa insha allah in tabashooyinkaa iyo waxyaalahaa ay soo gudbiyeen in la hir galiyo, xukun qaybsiguna waa mid meesha ku jira wuuna imanayaa hadii alle ka dhigo wasiiraduna waa isku mid wasaaraduhuna waa isku mid markaa waan ku qanacsanahay wasaradan iyo xilkan lay magacaabay waanan ka midho dhalinayaa hadii alle ka dhigo.


Guuleed Muxumed Ibrahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland