Salaadiinta Sacad Muuse iyo Gudida dhex dhexaadinta oo dib u dhigay shirkii Beesha
 


Sidoo kale waxa ay go’aamiyeen gudida qaban qaabada in ay salaadiintu soo xuli doonto, tiradooduna noqon doonto 39 xubnood, ...... Daawo Sawirrada

Hargeysa (TNN):- kulankii u danbeeyay ee lagu soo af jarayay shirka sacad muuse oo ay goob joog ka ahaayeen salaadiinta beesha Sacad Muuse iyo gudidii dhex dhexaadinta ayaa soo saaray in shirkii Sacad Muuse laqabandoono 17-ka bisha 8-aad ee 2013-ka.

Sidoo kale waxa ay go’aamiyeen gudida qaban qaabada in ay salaadiintu soo xuli doonto, tiradooduna noqon doonto 39 xubnood, iyadoo shirka laga fogeeyay arrimaha siyaasadda oo uu noqon doono mid dhaqan oo ay madax dhaqameedku hogaamiyaan.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudida dhex dhexaadinta Beesha yidhi Muxumed Aw-Axmed waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Halkan waxaa fadhiya madax dhaqameedkii iyo Salaadiintii Beesha sacad muuse iyo Gudi khilaafaad yar oo jiray si ay u xaliso u soo dhexgalay oo Gudiga khilaafsaarka la yidhaa runtii arinku wuxuu u dhacay si aad u qiimo badan khilaafkiina wuu naga baxay si wanaagsan oo aan turxaan lahayn ayaa loo heshiiyey waxaana lagu heshiiyey in shirkii la qabto oo uu socdo ayaa lagu heshiiyey oo shirqudha ahi uu qabsoomo markii hore khilaafaad baa jiray, hada meesh wuu ka baxay oo shir qudha ayaa lagu heshiiyey iyo gudi qudha oo qaban qaabo iyo madax dhaqameedka oo wada”. Ayuu yidhi Muxumed Aw-Axmed

Dhanka waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaanka Guud ee Beeshaasi waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaanu shacabka yaga u sheegaynaa inuu shirkii najaxay oo uu noqonayo shir wanaagsan oo qiimo badan, waxaa kale oo aanu u sheegaynaa dhan walba markaanu ka eegnay waxaanu ka fikirnay maadaama oo bilo cibaado la galayo in aanu shirkii dibu dhigno oo hore ugu mudaysnaa 24-ka June oo aanu ka dhignay 17-ka bisha august hadii alle idmo, waxaanu leeyahay shacabka guud ahaan gudo iyo dibad reer ka labeentisii wataa fadhida ee ay Guurtidiisii, madaxa dhaqameed kii sii, iyo salaadiintiisii halkaa wada fadhiyaan”.

Suldaanku isaga oo Hadalkiisa sii wata waxa uu beeleha kale ee Reer Somaliland u soo jeediyey inuu shirkan noqondoono mid walaaleeya waxaanu yidhi “waxaanu beelaha kale ee shacbiga reer Somaliland-na u sheegaynaa shirkaasi inuu noqondoono shir aanu kaga shaqayno walaalaynta, oo aanu beelaha dariska-na kula noolaano walaaltinimo kuna dhisno Qaranka oo danta Guud ee Qaranka ee Caamka ahna waafaqasan”. Ayuu yidhi Suldaan ku.

Salaadiinta iyo gudida xalinta arrimaha shirku waxa ay meesha ka saareen guddiyadii hore ee kala taageersanaa garabyada siyaasada isku hayey ee khilaafku hadheeyay, waxaana guddida cusub ee ay salaadiintu soo xulaysaa noqon doonaan kuwo tusmo kaga yimaada jilibyada beeshu ka kooban tahay.

 

 


Guuleed Muxumed Ibrahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland