Salaadiin, Cuqaal iyo Aqoonyahano Beeniyay in Beesha Habar Yoonis Kalsoonidii Kala Noqotay Xukumada

 

Xubno tiradoodu gaadhayso 30-qof oo isugu jira Salaadiin, cuqaal, waxgarad iyo aqoonyahano ka soo jeeda Beesha Galbeedka Burco ee Habar Yoonis, ayaa shalay si adag u beeniyay in Beesha Habar Yoonis kalsoonidii kala Noqotay Xukuumada Madaxweyne Rayaale
 

Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayay si kulul u beeniyeen war sheegayay in beeshoodu kalsoonidii kala noqotay xukuumada, kaas oo lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan, gaar ahaan joornaalada ka soo baxa Hargeysa.

Sida ay dhawaan qoreen wargeysyada Hargeysa ka soo baxa qaarkood xubno ka tirsan beesha Habar Yoonis ayaa sheegay in beeshoodu kalsoonidii kala noqotay xukuumada uu madaxweyne Rayaale Hogaamiyo taas oo ay ku andacoodeen inay ka dhalatay wax ka badal lagu sameeyay degaanada beesha. Hadaba xubnaha maanta shirka jaraa’id qabtay ee isugu jiray Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoon-yahanada iyo wax garadka beeshaas ayaa warkaa ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah.

Suldaan C/laahi C/raxmaan Aw Good oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in xubnahoodan oo ka kooban duqayda, salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beesha Habar Yoonis ay cadaynayaan inaan warkaas waxba ka jirin oo uu been laga sheegay beesha yahay isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi "Waxaanu halkan ka cadaynayaa Anagoo ka kooban odayaasha, Suldaanada, caaqilada, aqoon-yahanada beesha Habar Yoonis, waxaanu si adag u beeninaynaa baaq ay soo qoreen baaqaasi in uu yahay mid aanaan waxba ka ogayn oo aanay waxba ka jirin."

Suldaan C/laahi C/raxmaan Aw Good isaga oo ka hadlaya arinta xubnahaa hore ee joornaalada wax ku qoray sheegeen ee ah in ay kalsoonidii xukuumada kala noqdeena, wuxuu sheegay in aanay waxba ka jirin oo beeshu sidii hore ay kalsoonida ugu siiyeen xukuumada imikana ula garab taagan yihiin waxa uu yidhi "Qodobka koowaad ee ay ka hadleen kala noqoshada kalsoonida dawladda waxaanu leenahay waxa kalsooni ah oo aanu kala noqonay ma jirto, waxay yidhaadeen kalsoonidii aanu hore u siinay ayaanu kala noqonay, wax kalsooni ah oo ay beeshu kala noqotay ma jirto, sidii aanu u siinay ayey dawladdu u haysataa."

Sidoo kale ayuu Suldaanku Been abuur ku tilmaamay qodobka ah in wax ka badal lagu sameeyay degaamada beeshu degto ee kooxda hore ku andacootay "Waa qodobka labaad xaga ay ka hadleen deegaamaysiga iyo habka diiwaangelinta wadanka looga samaynayo wadanka dhulka beesha ku wajahan, waxaanu leenahay haday heer degmo iyo heer gobol tahay mid tahay mid cudub oo la samayanayo iyo mid hore u jiray oo sidii ay ahayd oo ay dawladdu ku ogayd wax laga badelayaa oo ay Habar Yoonis ka tashatay oo la isla og yahay ma jirto waana beenabuur."

Waxa isna halkaa ka hadlay Suldaan C/raxman Cawaale Hurre oo isna si la mid ah u beeniyey warkaa bayaanka ah ee soo baxay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Marka hore nimankaasi waxay ka hadleen kala xadaynta wadanka, hadaan ka hadlo kala xadayntu waxay jirtay 40 sano ama in ka badan haba ahaato heer degmo ama heer gobol, waxa dawlada saddexdii gole oo ka diiwaangashan UN-ka oo iyadoo kaashanaysa doonista waa wax ka badeli kara saddexda gole oo kaashanaysa shicibkooda ayaa wax ka badeli kara laakiin beelo waxay kala xadaysan karaan maaha taa waxaanu leenahay wax sharciga dhaafsan maaha, ta kale ee xukuumadda loogu hanjabay oo ah hadaydaan sidaa yeelin maaha hadal beesha u qalma, mana aha mid u qalma xukuumadda, mana aha mid beelaha Somaliland u qalma xaal baanu ka bixinaynaa, dalku dadka wuu ka dhexeeyaa." Ayuu Suldaanku ku so xidhay hadalkiisa."

Suldaanada kale ee iyana halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Sheekh Abaadir, waxaanu tilmaamay dareenkuu ka qabo baaqa ka soo baxay qaar ka tirsan Caaqilada iyo Suldaanda beesha Galbeedka Burco, waxana uu naqdiyey baaqa isagoo hoosta ka xariiqay inuu yahay mid been abuur cad ah.

Chief Caaqil Cabdi Xirsi Galow oo isna halkaa ka hadlay ayaa si adag u beeniyey bayaankaa ka soo baxay salaadiintaa, hadaladii suldaankana waxa ka mid ahaa "Waxay faragelin ku sameeyeen xadadaka degmooyinka iyo gobolada dalka waa koox yar, meel ay iskugu yimaadaan oo ay goyn karaan ma jirto. "Hadaanu nahay madax dhaqameeyada Oodweyne waxaanu taageersanahay xukuumadda, mana dhici karto inay kalsoonidii kala noqdeen diiwaan-gelinta waanu taageersanahay."


Magacyada Madax dhaqameedyadii iyo aqoon-yahanadii kulankaa ka hadlayna iyo kuwii ku sugnaaba waxay kala ahaayeen

Suldaan C/raxmaan C/laahi Aw-good
Suldaan C/raxmaan Cawaale Hurre
Chief Caaqil Cabdi Xirsi Galow
Chief Caaqil Salaan Nuur Maxamed
Chief Caaqil Maxamuud Cabdi Xaashi
Chief Caaqil Maxmuud Quule
Caaqil Maxamed Biixi Cabdi
Caaqil Diiriye Khayre
Caaqil Xariir Biixi
Caaqil Axmed Warsame
Ex Wasiir Maxamuud Ismaaciil
Col. Yuusuf Cismaan Jalaato
Oday Abaadir Cigaal Cawil
Oday Aadan Gaaxnuug
Oday Cismaan Cawil Cali
Oday Deeq Maxamed Xandule
Aqoon-yahan Cabdi Cismaan Yool
Oday Maxmed Xirsi Weeri iyo Oday Jaamac siciid X. Cali.
 

 



Harowo